Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran Iyo Khudbadii Uu Ka Jeediyay Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran Dr,Maxamed Cabdi Gaboose ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye oo manta si rasmi ah uga furmay Hotel Ambaasadoor ee Caasimada Hargeysa.Khudbadan Dr Gaboose oo dhinacyo badan taabanaysa isla markaana uu arimo doora kaga hadlay,qoraal dheer oo uu madasha shirweynaha ka akhriyay wuxuu u qornaa sidan:“Sida aanu wada ogsoonahay kursiga uu maanta ku fadhiyo madaxweyne Rayaale ee uu ku hayo talada dalka, wuxuu Kulmiye kaga hadhay, kuna hibeeyey 80 cod oo kaliya, walibana mad-madow badani ku jirey, taas oo xisbigani ku liqay isagoo wax badan xeerinayay oo uu u arkayay in danta guud ee dadka iyo dalku ku jirto.Madaxweyne Rayaale, waxa laga filayay garasiinyo iyo inuu u abaal-gudo ummaddii codka siisay iyo intii u tanaasushayba, waxa laga filayay inuu xurmeeyo shuruucda dalka, waxa laga filayay xukuumad tiro yar oo tayo badan leh, waxaa laga filayay barnaamij siyaasadeed oo cilmiyeysan oo lagaga gudbi karo duruufaha horyaalla dalka, waxa laga filayay inuu gacan-qabto xisbiyada mucaaradka ah, si ay u hana qaado dimuqraadiyadu.Wuxuuse la yimid hindise keligii-talisnimo ee uu mustaqbalka hiigsanayo, inkastoo marar badan lagala taliyey ama looga digey cawaaqib-xumadeeda. Wuxuuna talaabooyin is-daba-socday oo midba mar lagu eegayey dareenka dadweynaha iyo u dhega-nuglaanshaha awoodda qaranka, kuwaas oo aan ka soo qaadan karno:1. Rayaale iyo Kulmiye; Wuxuu ku weeraray ciidan xarunta xisbiga Kulmiye, waxaana loo adeegsaday warbaahinta qaranka waxyeelaynta Kulmiye, wuxuuna u quudhi waayey maamuus ahaan munaasibadaha diblomaasiyadeed ee heer qaran, si loogu muujiyo bulshada caalamka in loo mideysan qadiyada Somaliland.2. Rayaale iyo Hay’adihii Sharci-dejinta iyo Garsoorka:- Wuxuu garsoorkii noqday mid ku dhex-milmay fulinta, wuxuuna ka dhigay golihii wakiilada mid qaybsan oo itaal-daran, isla markaana wuxuu si baal-marsan sharciga u caleemo saaray golaha Guurtida mudo afar sanadood ah.3. Rayaale iyo Warbaahinta Madaxa-banaan iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha:- Hay’adahani kadib markii ay daaha ka faydeen maamul xumada, musuqmaasuqa, ku tumashada sharciga, gabood falka xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadinka, ayay waxay xukuumadu kula kacday xadhig iyo in xafiisyadooda iridaha loo laabo, sida madaxda wargeyska Haatuf iyo Shuro-net. Waxaa intaa dheer in iyadoo warbaahinta Somaliland lahayd xeer dhaqan-gal ah uu maanta miiska saaranyahay xeer labaad oo xukuumadu soo sameysay oo lagu cabudhinayo warbaahinta madaxa-banaan.4. Rayaale iyo Dhaqaalaha Dalka:- Somaliland waxa lagu maamulaa hanaan dhaqaale oo baalmarsan shuruucda dalka iyo nidaamka caalamiga ahba, kaas oo ah miisaaniyad la’aan iyo xisaab celin la’aan, keentay inay xukuumadu ugu takri-fasho hantida umada siday doonto. Wuxuuna shillinku noqday hubka loo adeegsado bahdilka bulshadan baahan.5. Rayaale iyo Ururka Qaran:- Kadib markii ay xukuumaddu ku kacday tijaabooyin lagu qiimeynayo dunta bulshada, bal inay tahay mid dareenkeedu taagan yahay oo ka gilgilan karta iyo in kale, ayuu wuxuu maamulka Rayaale isku qanciyey inay bulshadan inteeda badani tahay mid damman oo dareenkeedu hurdo, inta yar ee ka soo hadhayna lagula dagaalamo awoodda dalka, sida ururka qaran oo ahayd arin la xidhiidha muran sharci, balse loo maqaar-saaray xeer ciqaabeed yeeshay xadhig iyo ka xayuubin xuquuqdii aasaasiga ee uu dastuurku noo damaanad-qaaday.Dhacdooyinka noocaas ah ee isdaba joogay oo dhabaha loogu xaadhayey hanaan kaligii-talisnimo, waxay u sahleen madaxweynaha in awoodii qaranku gacantiisa oo qudha ku soo ururto, waxayna dhaxalsiiyeen isku kalsooni buuxda iyo in yoolkiisii waxba aanay kaga gudbanayn maanta, kol hadii uu ka arki-waayey bulshada dareen diidmo leh.Dadkeena maanta halkan isugu yimid iyo inta naga maqanba, waxaanu u heellanahay inay ku dhacdo xiligeedii doorasho xor oo xalaal ah, balse markaynu dib u milicsano shalay, eegnana halkaynu maanta marayno, caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in aanu hilaadino qorshihiisa maalmaha soo socda, oo ah in laga fili karo oo kaliya muddo kordhin xiliga doorashooyinka oo loo foodsaarayo diwaan-gelintoon qabsoomi karin, waxaanuse garawsanayn inuu yahay kan ugu nugul hadii ay murugto.Sidaa darteed, waxaan u sheegaynaa madaxda iyo dhamaan ergayda sharafta leh ee shirweynaha ka soo qayb-gashay iyo bulsho-weynta reer Somaliland ee isbedel-doonka ah inuu dalku galay marxalad xasaasi ah oo dareenkeeda iyo cabsideeda wadata, loona baahan yahay in lagu waajaho feejignaan, maadaama doorashada aanu filayno inay dhacdo ku xidhanyahay masiirkii iyo rajadii ummaddan isbedel-doonka ah. Waxaan kaloo hoosta ka xariiqaynaa hadaan nahay ururka Qaran in aan doorashadani doorashadii hore ahayn, komishankuna komishankii hore ahayn, duruuftuna duruuftii hore ahayn, ninkuna ninkii hore ahayn.Intaa kadib, waxaanu ku talo-bixinaynaa oo shirweynahan u soo jeedinaynaa qodobadan: - a. Inuu shirweynaha kulmiye noqdo mid seeska u dhiga oo unka barnaamij siyaasadeed hufan oo mustaqbalka lagu hago dalka, dejiyana qaab-dhismeed, xeer iyo nidaam sal-balaadhan oo ku dhisan habka dimuqraadiga oo u soo jiida xisbiga xubno firfircoon, kasbadana guud ahaan kalsoonida bulshada.b. Maadaama aanay jirin duruufaha dastuurku ku sababeeyey muddo kordhinta madaxweynaha, isla markaana tahay mid u hiilinaysa cida kursiga ku fadhida ee tartanka lagula jiro, waxaanu u aragnaa mid aan la aqbali karin muddo kordhin madaxtooyada magac kasta ha loo bixiyee, waana in la helaa xukuumad ku-meel-gaadh ah oo loo dhanyahay mucaarad io muxaafidba oo dalka ka hirgelisa doorashooyin xor oo xalaal ah.c. Waa in si mug leh haweenku uga dhex-muuqdaan xilalka xisbiga, maadaama ay yihiin kuwa leh cod-bixinta ugu badan maalinta doorashada, kacdoonka isbedel-doonka ahina hana-qaadi karin la’aantood.Anagu hadaan nahay ururka qaran, waxaan u haynaa xisbiga Kulmiye abaal iyo dareen sokeeyenimo, waxaana halkan ka xaqiijinaynaa in aanu la garab-joogno Kulmiye taageeradayada”. Ayuu qoraalkiisa ku soo gebagabeeyay gudoomiyaha urur siyaasadeedka qaran Dr, Maxamed Cabdi Gaboose. Liibaan Maaweel Shire Somaliland.org Hargeysa.E-mail libmaw@hotmail.com


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos