Rayaale oo ishortaagay Go’aan Lagu Xalliyey Khilaaf ka Dhashay Magacaabistii Komishanka Gobollada Galbeedka
Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay labadii maalmood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen guddi ka kooban sagaal xubnood oo Komishanka Doorashooyinku u saaray xal-u-helidda khilaaf ka dhashay magacaabistii guddiyada doorashooyinka ee gobollada Hargeysa, Awdal iyo Saaxil, ayaa shalay si rasmi ah u burburay, kadib markii Madaxweyne Rayaale ishortaagay go’aankii guddigu soo saaray.
Liiska magacyada xubnaha guddiyada doorashooyinka ee gobollada galbeedka oo ay Komishanku si rasmi ah u shaaciyeen toddobaadkii hore, ayaa hore waxa ugu gacan-saydhay labada xisbi ee mucaaradka ah - KULMIYE iyo UCID - oo iyagu ku dhawaaqay in aanay ku kalsoonaan doonin xubnahaas, kuwaas oo ay ku tilmaameen qaar aan si caddaalad ah lagu soo xulin.
Xubnaha guddiga ka kala socday saddexda xisbi qaran oo ka tirsan Komishanka, ayaa kulan ay Isniintii ku yeesheen xarunta Guddiga Doorashooyinka waxa ay si qoto-dheer ugaga doodeen meelaha tabashooyinku ka jiraan oo dhan, isla markaana soo gebagebeeyeen isla gelinkii dambe ee Isniintii toddobaadkan, kadib markii ay wax-ka-beddel iyo sixid ballaadhan ku sameeyeen goobaha iyo shaqsiyaadkii lagu muransaa. Waxa ka mid ah meelaha muranku ka jiray ee guddigu wax ka beddeleen degmooyinka Lughaya, Saylac iyo Baki oo ka tirsan Gobolka Awdal, kuwaas oo dhammaan xubnihii hore loogu magacaabay la wada beddelay, isla markaana lagu soo celiyey xubnihii ka hawlgalay doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay. Sidoo kale degmada Saylac oo dhowaan loo magacaabay inuu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ka noqdo Xasan Daahir Xaddi oo siday ku doodeen dadka qaarkii ah caaqilka raaska uu ka soo jeedo Madaxweynuhu, ayaa guddigu go’aankooda ku caddeeyeen in lagu beddelay xubin kale oo ka tirsan degaanka Saylac.
Waxa kale oo guddigu beddeleen gebi ahaanba xubnihii loo magacaabay degmooyinka Gabiley, Sallaxlay iyo Balligubadle oo ka tirsan Gobolka Hargeysa, kuwaas oo xisbiyada mucaaradku markii hore ku doodeen inay soo xuleen maayarradu. Sidoo kalena waxa guddigu wax-ka-beddel ku sameeyeen xubnihii loo xulay Gobolka Saaxil.
Go’aanka wax-ka-beddelka ee guddigu soo saareen ayaa gebagebadii kulankooda waxa wadajir u saxeexay xubnaha ka socday Komishanka oo kala ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Mr. Maxamed Yuusuf Axmed, ku-xigeenka Md. Xirsi Cali X. Xasan iyo Mr. Xasan Loodhsade. Haseyeeshee, intii aanay rasmi ahaan u saxeexin Komishanku go’aanka guddiga, ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u sheegeen ay ishortaageen xubno ka mid Guddiga Doorashooyinka oo uu ka mid yahay Jaamac Sweden, kuwaas oo la sheegay inay ku doodeen in go’aanka dambe ee guddigu aannu ahayn mid sax ah, isla markaana saxeexa saddexda xubnood ee Komishanku aannu noqon doonin mid sharci ah, haddaannu ahayn go’aan guddigu aqlabiyad ku oggolaaday.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa uu ku wargeliyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee ka mid ah guddiga wax-ka-beddelka ku sameeyey guddiyada saddexda gobol in go’aankoodu yahay waxba kama jiraan, isla markaana aanay iyagu ahayn cidda sharcigu awoodda u siiyey, sidaa darteedna yahay liiska saxda ah ee uu aqoonsan kii Komishanka Qaranku hore u soo saaray.
Xubnaha ka socday xisbiyada mucaaradka ah oo iyagu filayey in Komishanku shalay si rasmi ah u shaaciyo liiska xubnaha cusub ayaa madasha ka dareeray, kadib markii lagu wargeliyey in aan waxba ka fulin go’aankii ay isla gaadheen Guddiga Doorashooyinka iyo axsaabtu.
Arrintan ayaa ku soo beegantay waqti ay soo baxayaan tibaaxo sheegaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo lagu damacsan yahay in muddo laba sannadood ah loo kordhiyo xilka Madaxweynaha, qorshahaas oo warar xogogaal ahi sheegeen inay ku hawlan yihiin xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida, kuwaas oo sida ilahaasi tibaaxeen hawlgalkooda u cuskanaya duruufo badan oo ka horimanaya in ay si habsami ah dalka uga qabsoomaan doorashooyinka iyo hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal uu ka jeediyey xaflad ballaadhan oo loo sameeyey boqollaal oo ka tirsan beesha Habar/awal oo shalay ku biiray xisbiga KULMIYE, waxa uu ka sheegay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo qarsoon oo lagu damacsan yahay in muddada loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.
“Toddobaakan waxaynu maqlaynaa oo maanta shir loo fadhiyaa oo iminka la ii sheegayey in la soo wado in la yidhaa doorasho dhici mayso ee waxa loo kordhinayaa muddo kale Daahir Rayaale, taas miyeynu yeelnaa, miyeynu aqbalnaa, dhegaha marimayso wax alla wax ka jiraana ma jiro ma aqbalayno mana yeelayno. Madaxda axsaabtu inay tidhaa yeeli mayno oo keliya lagama rabo ee cidda la doonayo in haddii ay hadhaw halkaa tagto gacan muujiyaan waa shacbi-weynaha Somaliland, inta halkaa joogta iyo inta inaga maqan yaan la inaga waayin maalinta ay taasi timaado, waa ballan cad oo aynu ku kala tagayno,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Arrimahan iyo caga-jiidka ka muuqda hawsha diiwaangelinta ayaa hadda madmadow iyo shaki badan xilligii loo qoondeeyey ka saaray dadweynaha calaamatu su’aal qabsoomidda doorashooyinka.
Xigasho: Jamhuuriya

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde