“Khasab bay noqonaysaa in [doorashada] dib loo dhigo” Guddoomiyaha Komishanka — Dareemada Mudda-kordhinta Riyaale iyo Mawqifka KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.org) - Iyada oo maalmihii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale u qoray Golaha Guurtida warqad uu ku dalbanayo inay ka soo talabixiyaan sida doorashooyinku u qabsoomi karaan duruufaha dalka ka jira darteed, ayaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mr. Maxamed Yuusuf Axmed, waxa uu ku dhawaaqay in doorashooyinka iyo Diiwaangelintu ay dib uga dhacayaan wakhtigii hore ay isula qaateen Saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku.

Maxamed Yuusuf, oo maanta ay waraysi la yeelatay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, waxa uu sheegay inay dhowaan xisbiyada u soo bandhigi doonaan qorshe hawleed muddeysan oo ay u dejiyeen fulinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka, kaas oo uu sheegay in si cad looga arki doono wakhtiga wax waliba ku qabsoomayaan. Waxana uu xusay in qorshe hawleedkaas muddeynaya qabashada diiwaangelinta iyo doorashooyinka ay u ballansanaayeen shalay inay u soo bandhigaan saddexda xisbi si ay isula eegaan, isulana qaataan, hase yeeshee, aanu kulankaasi qabsoomin.

“Marka xisbiyadu noo yimaaddaan ayaanu tusaynaa, wakhtigii in ay suuragelayso iyo in aanay suuragelayn halkaa ayaa laga arkayaa,” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha oo la weydiiyey in ay suuragal tahay in dib loo dhigo doorashooyinka, waxa uu yidhi, “Waxay ku xidhan tahay Axsaabta inaan isla aragno oo aan isla qaadano. Khasab dee haddii aanay wixii suuragal ahayn, khasab bay noqonaysaa in dib loo dhigo”.

Waxana uu sheegay in horeba saddexda xisbi iyo Komishanku ay heshiis uga gaadheen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka oo ah wakhtiga hadda la sugayo in doorashooyinku dhacaan. “Iminkana waan isla arkaynaa, wixii suuragal ah ee macquul ahna inay garawsadaan weeye hadday jirto,” ayuu raaciyey.

Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay in sida qorshahoodu yahay ay dib u riixayaan doorashooyinka muddo ilaa 2 bilood ah.

“Dib u dhacaasi wax caynkaasi ah maaha. U malayn maayo inay wax badan sidaa dib ugu dhacayaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Yuusuf oo la weydiiyey Komishan ahaan aragtidooda muddada ay doonayaan inay dib u riixaan doorashooyinka.

“Hadday u badato [waa] bil ama laba bilood,” ayaa carrabku ka xaday Guddoomiyaha.

Waxana uu sheegay in dib u dhacaas uu keenayo qalab badan oo la doonayo in la keeno, guryo la dhisayo iyo hawl badan oo ay u baahan tahay Diiwaangelintu.

Dareenka Taagan ee Mucaaridka:

Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo Salaasadii ka hadlayey xaflad ay qabteen in ka badan 700 oo qof oo isku magacaabay Isbeddel-doonka Beesha H/Awal oo ku biiray Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in dib loo dhigo doorashooyinka, muddada xilkana loo kordhiyo Madaxweyne Riyaale.

“Toddobaadkaa waxaynu maqlaynaa oo maanta shir loo fadhiyaa oo hadda la ii sheegayey in la soo wado in la yidhaahdo doorasho dhici mayso, in la yidhaahdo waxa loo kordhinayaa muddada Daahir Riyaale Kaahin,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

“Miyaynu yeellaaa? Miyaynu Aqballaa?” ayuu raaciyey Guddoomiyuhu, iyada oo ay dadweynihii madashaas isugu yimina ku dhawaaqayeen “Maya, yeeli mayno”.

“Wax alla wax ka jiraana ma jirto, mana aqbalayno, mana yeelanayno,” ayuu raaciyey Guddoomiyuhu.

Waxana uu sheegay in madaxda asxaabta oo keliya aan laga rabin inay is hortaagaan arrintaas, balse, shacbiga Somaliland looga baahan yahay inay si ficil iyo qawl ahba uga jawaabaan una diidaan. Isaga oo ugu baaqay shacbiga in ay maalintaa soo baxaan oo ay diidaan go’aanka noocaas ah.

Tukunka soo taxnaa iyo danaha dib u dhigista doorashada:

Tan iyo markii Saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku qallinka ku duugeen waxa soo baxayey warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale saluugsanaa, kuna dhalliilayey xubnaha Komishanka heshiiskaas, isaga oo sida wararku sheegeen u arkayey in Komishanku aanu xaq u lahayn inuu cayimo muddada dib loo dhigayo ama la kordhinayo, balse, awooddoodu tahay in ay sheegeen keliya in doorashadu aanay qabsoomay xilligeedii iyo muddada ay ku qaban karaan gudaheeda, isla markaana Golaha Guurtidu uu leeyahay wixii muddo kordhin ah.

Waxaana la filayaa in soo jeedinta Komishanka ee ah in doorashooyinka iyo diiwaangelintu aanay ku qabsoomayn wakhtigii lagu heshiiyey ay tahay mid ay u sallaxayaan Guurtida fursad ay muddo kale oo dheeraad ah ugu kordhiyaan Madaxweyne Riyaale.

Dhinaca kale, Madaxweyne Riyaale ayay lagama maarmaan u tahay in dib loo dhigo doorashooyinka wakhtiga dib u dhigistaasi inta uu doono ha noqdee, iyada oo ay sababtu tahay Xisbigiisa UDUB oo ilaa iyo hadda aan qabsan Shirweynihiisii 2aad oo hadda ku jira sannadkii saddexaad ee dib loo riixo, welina aan qabanqaabo iyo diyaargarow midna loo samayn. Waxa kale oo la rumaysan yahay inay lagama maarmaan uga dhigayso beelaha iyo siyaasiyiinta badan ee ku qulqulaya xisbiyada Mucaaridka ah, gaar ahaan, xisbiga KULMIYE oo u badan dadkii hore uga tirsanaa ama u taageeri jirey xisbigiisa, kuwaas oo uu u baahan yahay inuu helo wakhti uu dib ugu kasbado ama uu dib ugu soo ceshado taageerada dadkaas.

Waxana uu Madaxweyne Riyaale toddobaadkan dhammaaday bilaabay shirar gaar gaar ah oo uu la yeelanayo odayaasha Beelaha, taas oo ay haatan caddahay in sababtii uu u joojiyey inuu arko siyaasiyiinta ku jira golayaasha dowladda oo ay ka mid yihiin wasiirradiisu ay tahay inuu wakhti u helo odayaasha beelaha.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa iyaguna u arka in diiwaangelinta Codbixiyayaasha laga maarmo haddii ay caqabad ku noqonayso in doorashooyinku dhacaan wakhtigoodii.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008