TACSI uu dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuun Jaamac Cali Cilmi, oo ka mid ahaa Saraakiishii halgameyaashii SNM, oo maanta 18.03.2008 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa
Guddoomiyuhu waxa uu mar labaad si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)