Guddoomiyayaasha Gobolka Hargeysa ee labada xisbi ee Mucaaridka ah oo qaaddacay Guddida Komishanku u magacaabay Gobolkooda
Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyayaasha Gobolka Maroodijeex ee labada xisbi ee Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn xubnaha loo magacaabay Komishanka Gobolka Hargeysa iyo Degmada Gebiley, isla markaana ay qaaddacayaan.
Labada Guddoomiye Gobol ee labada xisbi, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo ah Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbiga KULMIYE iyo Xasan Suldaan, shir jaraa’id oo ay caawa wadajir u qabteen, waxay sheegeen in aanay aqoonsanayn Guddiyada Komishanku u magacaabay Gobolka Hargeysa maadaama aan lagala tashan, isla markaana qaabka Komishanku u soo magacaabay xubnahaasi uu yahay mid baalmarsan sharciga.
Labada Guddoomiye waxay sheegeen in xukuumaddu soo faragelisey dhismaha Guddida Komishanka ee Gobolka Hargeysa, isla markaana Komishanka loo yeedhiyey xubnahan ay magacaabeen. Waxayna sheegeen in Komishanku iska tuuray liiska xubno ay saddexda xisbiba heshiis ku ahaayeen oo ay u gudbiyeen, kadib markii Komishanku u soo bandhigay inay ka soo taliyaan guddi 12 xubnood oo Gobolka Hargeysa loo dhisayo.
“Guddoomiyayaasha Gobolka Maroodijeex ee saddexda xisbi qaran, UCID, UDUB iyo KULMIYE, saddexyaduba waanu isu nimi, waxaanuna soo xullay dadkii aanu dhex-dhexaadka u arkayney… liiskii waanu gudbiney waanuna wada saxeexnay, laakiin, nasiib darro waxa naga horyimi liiskan maanta soo baxay oo uu Badhasaabka Gobolka Hargeysa degta ku sitey,” sidaa waxa yidhi Xasan Suldaan Cabdillaahi, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga UCID.
“Tallaabadaa waxaanu u aragnaa tallaabo Sharcidarro ah oo ka soo horjeedda Dhexnimadii iyo Garsoorkii Komishanka, mana aqoonsanin, waanuna qaaddacaynaa,” ayuu raaciyey Xasan Suldaan.
Sidoo kale, Axmed Cumar x. Cabdillaahi (Xamarji) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna sheegay in liiskan laftiisa uu hore ugu soo bandhigay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Cali Xasan Maxamed (Cali Asad) balse ay ka diideen.
“Wixii aanu ka diidney Cali Asad oo aanu u aragno wax dhinac ah ma ogolaanayno, namana metelaan, mana yeelayno,” ayuu yidhi Xamarji.
Waxa kale oo uu Xamarji arrintan wax ka saaray xubin ka tirsan Komishanka, Jaamac Sweden, oo uu sheegay inuu Cali Asad kala shaqeeyey meelmarinta xubnahan uu watey, taas oo uu sheegay in Jaamac si cad u sheegay inuu hore ugu ballanqaaday Cali Asad.
Labada Guddoomiye Gobol ee labada xisbi waxay si gaar ah u calaamadiyeen ninka loo magacaabay Guddoomiyaha Komishanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Eng. Ismaaciil Xasan Cumar oo ay sheegeen inuu yahay xubin xisbiga UDUB ah oo aan sinaba dhexdhexaad u noqon karin.
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UDUB, Barre Nuux (Barre Laangadhe) ayaa isaguna qiray inay jiraan xubno ay ku heshiiyeen saddexda xisbi oo ay liiskooda u gudbiyeen Komishanka, balse, waxa uu ka gaabsaday inuu wax fikrad ah ka bixiyo liiska guddida la magacaabay, isaga oo sheegay in aanu weli arag liiskaa darteed.
Guddoomiyaha Komishanka:
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Maxamed Yuusuf Axmed oo Radio Horyaal arrinta wax ka weydiiyey ayaa sheegay in Komishanku uu leeyahay Go’aanka magacaabista guddiyada Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka, axsaabtana ay la tashanayeen uun.
Guddoomiyuhu ma beenin inay jiraan cabashooyin iyo dhalliilaha loogu jeediyey qaabka uu u magacaabay xubnaha, inkasta oo uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in xubnaha ay magacaabeen kadib markii ay ku qanceen dhinacyada doorashadu khusayso oo dhan.
Weftiga Komishanka ee gobolada Galbeedka ayaa lagu dhalliilayey in Badhasaabada Goboladu ay saamayn ku yeesheen.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde