Fekeredihii Ergayga Xoghaya Guud ee Qaramada Midobay Mudane Axmed Walid Cabdalla u soo jeediyey Axsaabta Siyaasiga ah ee Somaliland?, By: Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan
Ergaygu wuxu sheegay Axsaabta siyaasadda ee Somaliland
- inuu Somaliland u yimid in uu xog ogaal u noqdo xaaladda Somaliland
- inay reer Somaliland talo ka bixiyaan sidii beelsha caalamaku mixnadda uga saari lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku silcaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Dareenkii Naxdinta Lahaa ee Ambassdor Axmed Walid ka Bixiyey Soomaaliya
Ambaassodor Axmed Walid Cabdalla wuxu aad uga dayriyey xaaladda murugada leh ee dadweynaha reer Muqdisho haysata, wuxu sheegay inuu ilmeeyey markuu bilshii Diisambar Muqdisho tegay halkaas oo aanay jirin daar qudha oo taagan. Wuxu sheegay in dadka halkaas ku baaba’ayaa yihiin dadkii jilicsanaa oo ay ka mid yihiin carruur, haween, dad waayeel ah iyo dad dan yar ah oo meel ay miciinsadaan waayey. Dadkii ladnaa way ka baxeen Muqdisho.
Ambassdor Axmed wuxu dareenkiisa ka muujiyey maalqabeenka iyo mutacallimiinta Soomaalida oo uu sheegay inay yihiin kuwa ay Soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed ee silcayaa u afduuban yihiin. Soomaaliya waa dal u afduuban kooxahaas. Wuxu sheegay in huteelada ugu qaalisan ee Nayroobi aad ku arkayso Soomaali aad u ladan oo ka qaxweynaya, oo koofi iyo sharaab qabaw ku cabbaya, taasi waa arrin islaanimada ka baxsan, waa arrin damiir xumo (immoral) sidee ayuu qof u raaxaysan karaa marka dadkiisii ku silcaya, carruurtii tarabtarab ugu dhimanayso, dadkii darxumo iyo cudur iyo hoy la’aan ku sugan yahay sidee qofku damiir lihi u raaxaysan karaa?
Ambassdor Axmed wuxu yidhi, “Waar niman yahow wax badan oo wanaagsan baad samaysateen waad ku amaanan tihiin haseyeeshee masuuliyad baa idinka saaran walaalihiin, dadnimada ayaa idin faraysa inaad yaraynta dhibaatadoodu gacan ka geysataan, dagaaladan riiqda dheeraaday waxay waxyeeleeyeen sharaftii magaca Soomaaliyeed iyo sumcadii gobolka oo dhan. Maaha arrin aad sida gorayada madaxa ciidda ka gashan kartaan. Waxa la idinka doonayaa inaad talo keentaan sidii arrintaas beelsha caalamka wax uga la qaban lahaydeen. Idinkaa Soomali ah oo cid walba uga faradhuudhuuban ee bal arrintaas talo ka bixiya”.
Warbixintii Axsaabta Siyaasiga ah
Axsaabta siyaasiga ah waxay ku dheeraadeen inay ambassador-ka uga sheekeeyaan siday uga xun yihiin aadna uga murugaysan yihiin dhibaatooyinka baaxadda leh aafada ku habsatay walaalahooda reer Soomaaaliya.
Haseyeelshee intaa ka hor axsaabta mucaaridka ahi waxay si qoto dheer uga hadleen waxyaalihii reer Somaliland ku kalifay inay madaxbanaanidooda dib ula soo noqdaan.
Himiladii shanta Soomaliyeed ee lagu hungoobay iyo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaadhay midnimadii ay wax badan u hureen, burburkii iyo xasuuqii Maamulkii Siyaad Barre u geystay.
Waxyaalaha Beelsha Caalamku ka Fekerayso
Ambassador Axmed wuxu sheegay in beelsha caalamku dayacday Soomaliya, isaguna u ololaynayo sidii ciidamo tababaran loo geyn lahaa Soomaaliya. Ciidamada la keenayo noqon maayaan kuwo lagu taageerayo ama difaacaya dawladda TFGga ee waa kuwo lagu badbaadinayo dadweynaha tabaalaysan. Ambassador Cabddalla wuxu sheegay inaan fekeredani ahayn mid la isla wada qaatay haseyeelshee uu isagu si gaar ah ugu ololaynayo.
Waxa kale oo Ambassdor Axmed sheegay inuu quuddaraynayo in marsada Berbera noqoto halka looga gurmanayo reer Soomaliya. Ambassdor Axmed Cabdalla wuxu sheegay inay arrintaas Somaliland mar hore u soo jeedin lahaayeeen haseyeeelshee ay werwer gelisay mudaharaadyo ka dhacay Somaliland kuwaas oo ay reer Somaliland ku taageerayeen booqashadii madaxweynuhu ku marayey dalka Maraykanka balse beelsha caalamku u qaadatay banaanbaxyo lagu diidan yahay fekereddan uu wato. Taasi waxay keentay inaan dalka Tansaaniya wada hadalo arrintan ku saabsan la bilowno, hasa yeeshee ay weli quud-draynayaan in reer Somaliland gacan ka geystaan Ambassador Cabdalla wuxu sheegay in sifaha ciidamada uu ka fekerayo ee loogu gurmanayo Soomaliya oo uu jecel yahay inay ka yimaaddaan dalalka muslimka ah sida Pakistan iyo Indoniisiya ee la doonayo inay isticmaalaan dekedaha iyo garoomada diyaaradaha Soomaliland ay la mid noqonayaan sida ciidamada caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Koongo ee isticmaala adeegyada dalka Rhuwaanda amase ciidamada UNta iyo kuwa AUda ee isticmaala adeegyada Suudaan ee ka hawlgala gobolka Daarfuur.
Nuxurka Jawaabtii Axsaabta Siyaasiga ah
Axsaabtu waxay sheegeen in mawqifka beelsha caalamku ay iskaga indhasaabayso xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo tixgelin la-aanta rabitaanka dadka Somaliland ay laabayso gacmaheeda, kana joojinayso inay kaalinta kaga aaddan ka qaadato dhibaatada Somaaliya ka jirta.
Waxa kale oo Somaliland dabraya sheegashada DKM ahi ku sheeganayso in Somaliland tahay gobol ay xukunto. Axsaabta mucaaridka ahi waxay sheegeen inaan Somaliland waxtar badan ka geysan karin Soomaaliya ilaa ay wax iska beddelaan mawqifka beelsha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay oo ay dadka reer Somaliland u haystaan in aanay Somaliland u laab furnayn.
Gebagebo:
Waxan filayaa in Ergaygu su’aalo isku mid ah weydiinayey masuuliyiintii uu la kulmay oo dhan. Su’alahaasi waxaad mooddaa inay dadka badankiisa kedis ku ahaayeen. Waxan is leeyahay in jawaabihii ay musuuliintaasi bixiyeen ay isku mid ahaayeen.
Waxa loo baahan yahay in reer Somaliland arrimahaas iyo kuwo kale oo ku wajahan Soomaaliya ay wax iska weydiiyaan, kana baaraan degaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen wax ka qabashada aafada ku habsatay dadka Muqdisho ku dabar go’aya. Sidii ay Somaliland uga gargaari lahayd beelsha caalamka iyo dalalka deriska ah ee aan saaxiibka nahay in aanay ku sii barriiqan dhooqada ay cagaha kula jiraan.
Waa in aynaan dhayalsan haddii maanta beelsha caalamku soo noqotay oo ay Somaliland talo moodday, waxa Somaliland looga fadhiyaa talo waayeel, Soomaaliyeed oo muddo kar ah.
Fiiro Gaar ah
Ergayga Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo khamiistii 28kii February dalka yimid, bilawgiiba wuxu muddo ku siman saacad iyo afartan daqiiqo la kulmay Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland Mudane Daahir rayaale. Maalintii Jimcihii wuxu muddo saacado ka badan qaabilay axsaabta siyaasadeed, kadibna wuxu arkay xubno baarlamaanka ah (Wakiillada iyo Guurtida), kadibna wakiilo ka socda bulshada rayidka ah. In kastoo Ergayga Xoghaya guud codsaday xubno ka socda saddexda xisbi qaran, waxa shirkii ka soo xaadiray labada xisbi ee mucaaradka ah ee Kulimiye iyo Ucid.
Waxa kulankaas ka soo xaadiray Mudane Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Xuseen Ciise Xogahaya dibedda ee Kulmiye iyo Cabdiraxman Yusuf Cartan xubin Guddiga Fullinte ee Kulmiye, Xisbiga Ucid waxa ka socday Baashe Talaata coddle, Xisbiga Udub cidi kama soo xaadirin shirka.
Ambassador Axmed oo beddelay wakiilkii hore ee Xoghaya guud ambassador Fraansiwa Fall wuxu magacawnaa muddo saddex bilood, wuxuna ahaa safarkii ugu horreeyey ee uu Somaliland ku yimmaadda.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,
Xubin Golaha Wakiillada Somaliland, Hargeysa.

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)