Weftigii Komishanka iyo Axsaabta ee Gobolada Bari oo sheegay inay guul ku soo dhammeeyeen dhismaha xafiisyada Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer
Hargeysa (Somaliland.org) - Weftigii Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta kormeerka la xidhiidha dhismaha xafiisyada Komishanka ee gobolada iyo degmooyinka ku marayey gobolada bariga dalka ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa. Waxayna shalay daboolka ka qaadeen in saddexda Gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool iyo degmooyinka hoos yimaadda ay si guul ah uga soo dhiseen xafiisyadii Komishanka Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta iyo masuuliyiintoodiiba.
Weftiga oo uu horkacayey Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan, kana koobnaa 11 xubnood oo ka kala socdey Komishanka, Saddexda Xisbi, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xubno ka socdey Golaha Guurtida, waxay maanta shir jaraa’id ku qabteen xarunta Komishanka Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa. Waxayna dhammaantood xaqiijiyeen in hawshii ay u baxeen ay ugu soo qabsoontay si guul ah oo dhinacyada oo dhami ay ku qanacsan yihiin, iyaga oo isla markaana si adag u beeniyey warar saxaafadda gudaha qaarkood ay faafiyeen oo ah in weftga uu soo dhexgalay khilaafaad ku saabsan dhismaha Komishanka iyo in dadweynaha goboladaas qaarkood ay diideen diiwaangelinta.
Hase yeeshee, waxay sheegeen in goboladaas ay ka jirto xaalad adag oo abaar iyo biyo la’aan ah iyo duruufo kale oo gobolada qaarkood haysta, sicir bararka ka taagan gobolka Sanaag, taas oo ay sheegeen in aanay saamayn ku lahayn ama wax ka beddelayn diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo aan wakhtigeedii la gaadhin, balse, waxay ugu baaqeen xukuumadda iyo hay’adaha samafalkaba in gurmad loo fidiyo dadkaa abaaraha iyo biyo la’aantu ku habsatay sida ay u kala daran yihiin.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id warbixin ka jeediyey ayaa sheegay in socdaalkoodu isugu jirey; dhismaha xafiisyada Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka, inay dadweynaha goboladaas iyo degmooyinka uga warramaan diiwaangelinta iyo qorshaha ay u dhigeen iyo weliba inay soo sahamiyaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka la doonayo in la diiwaangeliyo.
Waxana uu sheegay in socdaalkooda ay ka bilaabeen gobolka Togdheer, magaalooyinka Burco iyo Oodweyne oo ay ka dhiseen guddiyada Komishanka, kadibna ay u gudbeen gobolka Sanaag oo ay gaadheen ilaa degmada Badhan. Waxa kale oo ay tegeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
“”Waxa farxad noo ahayd inaanu tagno Laascaanood oo aanu iyadana ka soo samaynay xafiisyadii iyo shaqaalihii, manaan dhaafin Laascaanood. Laakiin intii aanu maraynay jawi degan ayaanu ku maraynay,” ayuu yidhi Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, mudane Xirsi.
“Saddexdaa gobol ee aanu marnay iyo degmooyinkoodaba waanu u sharraxsanay barnaamujka diiwaangelinta, wax diideyna ma jirin, dhammaantood way aqbaleen, waanay qaateen qaabkii aanu u sharraxnay 100%,” ayuu raaciyey.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay inay jireen cabashooyin ay qaarkood ku qanceen iyo waxyaabo ay khalad u fahmeen dadku oo ay ka qanciyeen.
“Haddii la isu soo xoorriyo [cabashooyinka] waxaa kow ka ahayd qodobka ah qofku halkuu iska diiwaangeliyo ayuu ka codaynayaa dhammaantood intii aanu marayney way ka cawdeen, laakiin inta kale waa la isla qaatay,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu xusay in dadku ay ka cabanayeen wakhtigan oo abaar ah in aanay diiwaangelin diyaar u ahayn, taas oo uu sheegay inay ahayd mid ku timi khalad dadku ka fahmey socodkooda oo ay u qaateen in hadda la bilaabayo diiwaangelinta oo la fadhiisanayo goobihii, balse ay dadka ka saareen fikraddaas oo ay u sheegeen in aan diiwaangelintu iminka bilaabmayn, oo xitaa aanay sheegi karin wakhtiga la qabanayo.
“Waxaanu la tacaadufaynaa dadka abaartu hayso ee leh haddii ay abaar noqoto wakhtiga aad qabateen ee May ilaa June maxaa la yeelayaa?” ayuu yidhi Xirsi isaga oo soo xiganaya dooddii dadweynaha goboladaas kaga timi.
“Talo qaran baa laga yeelanayaa oo waa la isweydiinayaa ayaanu ku nidhi oo dadkaba in la badbaadiyo ayaa laga yaabaa in loo baahdo, laakiin, wakhtigii diiwaangelinta iyo doorashooyinka waxa iska beddelay haba yaraatee ma jirto, sidii aanu qorshaynay bay ku soconaysaa, haddii wax iska beddelaanna dadka waa loo sheegayaa,” ayuu raaciyey.
Dhinaca kale, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) oo ka socda Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Cumar Jaamac Faarax oo ka socda xisbiga talada haya ee UDUB iyo Cismaan Af-gaab Nuur oo ka socdey xisbiga UCID ayaa iyaguna dhammaantood shirkaa jaraa’id ka hadlay, isla markaana sheegay in hawshii dhismaha xafiisyada Komishanka Doorashooyinka iyo Guddidayada ay u soo magacaabeen Goboladaas iyo degmooyinkooda ay ugu soo dhammaatay si fiican oo ay ku wada qanacsan yihiin, raallina ay ka yihiin.
Xildhibaan Axmed Xasan Saalax oo ka socdey Golaha Guurtida Somaliland, kana mid ahaa weftiga Komishanka ee Gobolada Bariga iyo Maxamed Jaamac Colow oo isaguna ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa labaduba sheegay in hawshaasi ku soo dhammaatay si guul ah oo raalli laga wadayahay. Waxayna ku ammaaneen Komishanka iyo xubnaha xisbiyada ee ka midka ahaa weftigu ay u wada shaqaynayeen si xilkasnimo iyo waddaniyad leh.
Laba wefti oo ka kala socdey Komishanka, Axsaabta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guurtida ayaa u kala ambabaxay gobolada Bariga iyo Galbeedka dalka si ay u soo dhisaan xafiisyada Komishanka iyo guddida diiwaangelinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Weftiga dhinaca Galbeedka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka, Maxamed Yuusuf, ayaa iyaguna ka soo faraxashay Gobolada Awdal iyo Saaxil, waxaana la sheegay inay hadda ku gudajiraan gobolka Maroodijeex ee xaruntiisu tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
M. A. Duale
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur