Xafladdii iyo soo dhoweyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland loogu qabtay Caasimadda Imaaraadka Abu dhabi.
Xafladdii iyo soo dhoweyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland loogu qabtay Caasimadda Imaaraadka Abu dhabi.
Dhowaan waxaa booqasho dalka Imaaraadka ku yimid Wefdi uu hogaaminayo Madaxeynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin . Booqashdaas oo ahayd tii ugu horeysey ee wefti baaxadaas lehi uu ku tago Dal Carbeed, taas oo loo arkayey inay tahay tallaabo horleh iyo xidhiidh cusub oo noqon kara albaabkii laga gelilahaa Dalalka Carabtaq , abuuri kartana yididiilo hor leh iyo isku soo dhowaansho.
In kastoo Shacabka Somalilanderiska ahi jeclaysteen inay wadajir wefdiga ula kulmaan, haddana dantii iyo hawshii ay u socdeen darted iyo waqtigoo cidhiidhi ahaa, waxa suurtoobi weydey in kulamo wada jir ahi u hirgalaan Wefdiga iyo Shacabka reer Soomaliland ee deggan Dalka Imaaraadka Carabta.
Iyadoo arrintu sidaas ahayd ayaa nasiib wanaag waxaa fursad noqotay in Wasiirka Wasaaradda Khaarajiga, Mudane cabdullaahi Maxamed Ducaale Shacabka S/L kala qayb galay Xaflad soo dhoweyn iyo maamuusba ah . Xafladaas oo ka dhacday Caasimadda Imaaraadka Carabtqa ee Abu Dhabi ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, isla markaasna ay isku arkeen Waxgarad iyo Aqoonyahanno aad u fara badan.
Wasiirka oo si tafa tiran uga war bixyey Xalaadihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo halka uu maanta ku suganyahay, ayaa aad ugu nuux nuuxsaday wejiyada kala duwan ee waddanku horu marka ku gaadhey iyo wixii dhiman sida la isaga kaashan lahaa ee loo gaadhsiin lahaa yoolka uu hiigsanayo iyo guri barwaaqo.
Ka dib markii warbixinihii la isa siiyey shicib iyo Wasiirba, ayaa waxaa halkaas ka suurta gashay in Wasiirka la weydiiyo su’aalo dhowr ah, isaguna si tafa tiran uga jawaabey.
