Madaxda Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo la magacaabay
Burco (Somaliland.org) - Xubnaha weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Gobolada Bari oo uu hogaaminaya Gudoomiye -Ku Xigeenka Komishanka, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa magaalada Burco kaga dhawaaqay magacyada xubno ay u magacaabeen in ay noqdaan madaxda Komishanka Doorashooyinka eee Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco.
Weftiga Komishanku warqadda magacaabista xubnahaas oo ay maanta ka soo saareen magaalada Burco, kuna socota Maxkamadda Sare, waxa uu u qornaa sidan:
“Waxaan ku soo gudbinaynaa qoraalkan xubnaha komishanka Gobalka Togdheer sida uu dhigayo Dhaarinta Xubnaha Komishanka Gobalka Degmo in aad marisaan dhaarin wadareedka xeerku qeexay (Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo G/Deegaanada).
Komishanku isagoo gudanaya waajibaadkiisa uu qeexay xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Deegaanada wuxuu magacaabay xubnaha Magacyadooda hoos ku qoran yihiin
Xubnaha Gobalka
1: Siciid Xaashi Yusuf Gudoomiyaha Komishanka Gobalka Togdheer
2: Kayse Maxamuud Warsame Glkuxigeenka Komishanka Gobalka Togdheer
2: Cali Axmed Ismaaciil Xoghayaha Komishanka Gobalka Togdheer
Xubnaha Degmada
1: C/risaaq Maxamuud Guud Cadde Gudoomiyaha Komishanka Degmada Burco
2: Khadar Kaariye Cunne G/kuxigeenka Komishanka Degmada
3: Cali Jaamac Yusuf Xoghayaha Komishanka Degmada
4: Khadar Cismaan Xirsi Hubiye Komishanka Degmada Burco
5; Foosiya Jaamac Cilmi Tiriye Komishanka Degmada Burco
6: Saynab Yusuf Siciid Tiriye Komishanka Degmada Burco
Qoraalka Magacaabista xubnaha Komishanka gobolka Togdheer iyo degmada Burco waxa wadajir u saxeexay Saddexda xubnood ee Weftiga Komishanka oo kala ah:
1: Xirsi Cali Xaaji Xasan Gu/kuxigeenka Komishanka Qaranka
2; Maxamed Ismaaciil Maxamed Xubin Komishanka Qaranka
3: Xasan Maxamed Cumar Xubin
Reported BY: Yusuf I Warsame
Ilkacase, Burco

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur