Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo qabsoomi waayey iyo gilgilista Shirguddoonka
Hargeysa (Somaliland.org) - Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada ayaan qabsoomin, kadib markii uu buuxsami waayey Kooramkii uu fadhigu ku furmi lahaa, iyada oo ay jirto xiisad golaha ka dhex taagan.Golaha Wakiillada Somaliland oo kalfadhigiisa 6aad uu si rasmi ah u furmay laba toddobaad muddo hadda laga joogo ayaa muddanayaashu waxay fadhigii shalay is hortaageen ansixinta Ajandaha Kalfadhiga golaha oo Shirguddoonku soo hordhigay, isla markaana goluhu ka dooday.
Mudanayaal door ah oo ku doodayey in lala xisaabtamo Shirguddoonka, ka hor inta aan lala xisaabtamin Xukuumadda oo laga doonayo xisaab-xidhkii Miisaaniyadda ee sannadihii tegey iyo weliba miisaaniyadda 2008, iyada oo uu weli taagan yahay muranka miisaaniyaddii 2007, ayaa diidey ajandaha oo ansixintiisa goluhu cod u qaaday shalay. Waxayna mudanayaashaasi dalbanayeen in ajandaha lagu soo daro in lala xisaabtamo shirguddoonka.
Arrintan oo ololaheeda si xoogleh loo dareemayey maalmihii la soo dhaafay, isla markaana ay ku bahoobeen xildhibaanno muxaafid ah iyo kuwo mucaaridka ka tirsan ayaa la rumaysan yahay in xukuumaddu dabada ka waddo, iyada oo lagu soo beegay wakhtigan oo 15 xildhibaan oo u badan xildhibaanada mucaaridku ay socdaal ku joogaan dalka Ingiriiska oo ay martiqaad ka heleen Baarlamaanka Britain.
Xildhibaanada mucaaridka ee ka qaybqaadanaya tallaabadan lagu gilgilayo shirguddoonka Wakiillada ayaa la sheegay in ay ka cadhaysan yihiin socdaalka 15 xildhibaan ee ku baxay martiqaadka ay ka heleen Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaana si weyn loo rumaysan yahay in xukuumaddu ka faa’iideysanayso cadhadoodaas.
Shirguddoonka Wakiillada oo ka soo jeeda Mucaaridka ayaa muddo dheer xukuumaddu ku taamaysey in la beddelo.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur