Ururka Qaran oo sheegay in Komishanka Doorashooyinku aanu dhaarsanayn
Hargeysa (Somaliland.org) - Urur-siyaasadeedka Qaran ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo dhaariyey si sharci-darro ah, isla markaana aan lagu dhaarin dhaarta ku cad Xeer Lr. 20/2002, Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada oo uu Komishanku ku dhisan yahay, kuna shaqeeyo.
Ururka Qaran, shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa waxay kaga hadleen jawaab qoraal ah oo ay ka heleen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo uu Komishanku kaga jawaabayey qoraal hore oo ururka Qaran u gudbiyey Komishanka, kana mid ahaa qoraalo ururka Qaran u kala diray hay’ado door ah oo ay ka mid yihiin Komishanka, Golaha Wakiillada iyo Maxkamadda Sare ee Qaranka oo ay weydiisteen inay ka jawaabaan sharciyadda furashada ururrada siyaasadda.
Madaxda ururka Qaran waxay si ba’an u cambaareeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay sheegeen inuu durba qardajeexay, isla markaana baalmaray shuruucda dalka. Waxayna ku tilmaameen Guddida Doorashooyinka kuwo aan la aamini karin, dhexdhexaadna aan noqon karin.
Hadalka shirka jaraa’id ee ururka Qaran waxa uu ka dambeeyey markii Komishanku jawaab qoraal oo uu ka siiyey ururka Qaran codsigooda ku saabsan sharciyadda furashada ururrada siyaasadeed ay ugu sheegeen in aanay iyagu [waa Komishanka'e] shaqo ku lahayn, isla markaana aanay dhexgelayn muranada sharci.
“Jawaabtii aanu ka helnay Komishanku waxa ay noqotay, tan aanu u gudbinayno saxaafadda madaxa banaan. Taas oo ay ka muuqato duudsi iyo indho isku qabad,” ayuu yidhi ururka Qaran, warsaxaafadeed ay maanta ka akhriyeen shirkooda jaraa’id.
Waxay sheegeen in Komishanka Doorashooyinku go’aansaday inuu ka garsooro doorashooyin aan loo dhamayn. Waxayna calaamad su’aal geliyeen sida loogu kalsoonaan karo garsoorka iyo caddaaladda Komishanka.
“Hore waxaa inoo soo maray Komishanka oo inagu bilaabay iyaga oo aan dhaarsanayn, si sharci darro ah, inay soo dhaariyaan xildhibaan laga lahaa muraad gaar ah. Taasi waxay ahayd talaabadii koowaad ee xagga caddaalad-darida ay u qaadeen,” ayuu yidhi warsaxaafadeedka ururka Qaran.
Waxa kale oo ay sheegeen in lagu dhaariyey dhaar aan ahayn ta uu xeerku tilmaamayo, iyaga oo sheegay in xeerka Lr. 20/2001 ee lagu dhisay Komishanku uu dhigayo Dhaarta Xubnaha Komishanka, taas oo u dhigan sidan:
“Waxa igu Walaahiya oo igu Bilaahiya inaan Hawsha Doorashada u gudan doono si Xilkasnimo, Daacadnimo leh. Inaan dhex u ahaado Xisbiyada/Ururada Iyo Murashaxiinta, Sharciga Iyo Cadaaladna Aan Ku Shaqaynayo”.
Waxayna soo bandhigeen codka xubnaha Komishanka markii lagu dhaarinayey Xafiiska Madaxweyne Riyaale, halkaas oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhaariyey xubnahaas Dhaarta Dastuuriga ah oo u dhigan sidan:
“Waxaan Ilaahay ugu dhaartay in aan u noqonayo daacad Diinta Islaamka, Dalkayga Somaliland, dadkiisana ku maamulayo Sinnaan iyo Caddaalad inta aan xilka hayo”.
Sidaa darteed, waxa uu sheegay ururka Qaran in xubnaha Komishanku aanay dhaarsanayn, waxayna ugu baaqeen xubnaha Komishanka, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sareba inay is casilaan gefka sharci darteed.
“Waxa aynu ognahay sharcigu in aanu ciyaarta aqoon, oo dhibic keli ahi ay qofka dili karto (a coma can kill a man),” ayuu yidhi ururka Qaran.
“Kol haddaan Komishankii sharci lagu dhaarinna ma dhaarsana,” ayuu raaciyey.
Ururka Qaran waxa uu ku tilmaamay sababta loo baalmaray Dhaarta Komishanka ee Xeer Lr.20/2001 inay daarran tahay in la qariyo kelmedda “Ururrada” ee ku xusan dhaarta Komishanka iyo in Komishanku aanu dhex u noqon ururrada, xisbiyada iyo musharraxiinta.
Waxana uu ugu baaqay golayaasha Sharcidejinta inay dabagalaan arrintan.
Ururka Qaran oo hoggaankiisa loo xidhay inay ku dhawaaqeen urur-siyaasadeed, kaas oo ay xukuumaddu ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxay sii wadaan dhaqdhaqaaqyadooda, kadib markii ay soo dhammaysteen xabsi 5 bilood ku dhow. Waxayna waraaqo u qoreen golayaasha Sharcidejinta iyo Hay’adaha Garsoorka iyo Komishanka oo ay u bandhigeen garnaqsiga Sharciyadda furashada ururrada siyaasadda.
Shirguddoonka Wakiillada ayaa iyagu hore uga jawaabey dacwadda ururka Qaran. Waxayna sheegeen in aanu jirin sharci xaaraantimaynaya ama diidaya in la furto ururro siyaasadeed 5tii sannadoodba mar. Maxkamadda Sare ayay sheegeen in aanay wax jawaab ah ka helin, halka Komishankuna uu ka gaabsaday khilaafka sharci ee ka taagan furashada ururrada siyaasadda.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)