Xisbiga KULMIYE oo jawaab ka bixiyey Dhalleecayn uu u jeediyey xisbiga UDUB “Malaha Cumar Jaamac waxaanu fahmin wixii laga hadlayey..”
Hargeysa (Somaliland. org) - Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey eedayn iyo dhalliilo uu u soo jeediyey Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, kaas oo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu kala hadlay Jendayi Frazer arrimo Gudaha Somaliland ah horraantii toddobaadkan markii ay booqashada ku timi Hargeysa, halka uu sheega in xisbigiisa UDUB iyo UCID ay kala hadlayeen Aqoonsiga Somaliland.
Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay Maxamed Cabdillaahi Xarbi ayaa ku tilmaamay eedayntaas been abuur iyo aflagaaddo loo geystey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Waxana uu u qoran yahay Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsani sidan:
“Xoghayaha Gudida Siyaasada Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax War-saxaafadeed uu soo saaray 6, February, 2008. wuxuu sheegay in Jendayi Frazer kaaliyaha Xoghayaha arrimaha debada ee Dawlada maraykanku inayBOOQASHO Ku timid wadankeena si ay u aragto “xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka”.
Hadaba, wuxuu yidhi “Waxaan aad uga xumahay inaan maanta Xuso in XISBIGA KULMIYE kala hadlay Weftiga arrimaha Gudaheena”.
Waxa ayaan darro ah in mas’uulkaas afka Xisbiga UDUB ku hadlayey uu been abuur iyo aflagaado u geysto Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, aflagaada noocaas ah ee ku wajahan Guddoomiyaha Xisbiga maaha markii ugu horeysay.
Waxa arrintu u eeg tahay in intaas uun shaqo looga dhigay Cumar Jaamac, waa ayaan daro inuu maanta sheegto inuu Siilaanyo ka Muwaadinsan yahay.
Siilaanyo waa loo ogyahay inuu ka hadlay mar walbana si adag oo cad uga hadlo Madax-banaanida S/land, horumarkeeda, nabadeeda iyo midnimadeeda.
Guddoomiyuhu waxa uu kulankaasi ka caddeeyey, hoostana ka xariiqay in arrintaasi Aqoonsi -raadinta Somaliland, mawqif mideysan oo aan khilaaf lahayn inay Dawlada iyo Hay’adaha Qaranka oo dhami meel ka wada taagan yihiin.
Waxa la wada ogaa oo Guddoomiya Xisbiga KULMIYE taageero iyo ducaba ugu gudbiyey Madaxweynaha markii uu America ku maqnaa munaasibadii mudaharaadka ee lagu taageeraayey madax-banaanida Somaliland ee dhawaan shacbigu isugu soo baxay.
Dowladda Maraykanku iyaga ayaa Casuumay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Qaran, Xukuumadu mana casuumin, inay meesha ka muuqdaana ma jeclayn, Xataa Casuumadii Madaxweynaha ee Hotel-ka la wada joogeyna waa ka reebeen Asxaabta. America waa wadan Diimoqraadi ah, waa wadan doodihiisa siyaasadeed maalin walba Dunida oo dhami kala la socoto Warbaahinta.
Waxay mucaaridka ugu yeedheen iyagu ee Xukuumadu ugu yeedhi wayday, waa inay ogaadaan dareenkooda, cuqdada Xukuumadu arrintaas ka qabtana iyagu kama qabaan.
Geedi-socodka Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinku, waxa ugu weyn ee ay inta badan ka hadlaysay Jendayi Frazer ayey ahayd. Waxaa kaloo ay xageena ula diyaar yihiin inay ka caawiyaan Doorashooyinka, Horumarinta Dalka, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.
Malaha Cumar wixii lagu hadlaayey ayaanu aad u wada fahmin”.
Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga UDUB, waxa uu ku eedeeyey xisbiga KULMIYE in aanu sheegin wax badan oo wanaagsan oo Somaliland qabsatay, balse, uu ka hadlay eedaymo uu ugu jeedinayo xukuumadda ku dhaqanka dastuurka dalka, la shaqaynta Golaha Wakiillada, xuquuqul Insaanka iyo doorashooyinku inay qabsoomayaan oo uu werwer ka muujiyey.
Waa markii labaad ee Cumar Jaamac warsaxaafadeed uu ku eedaynayo xisbiga KULMIYE inuu ka horyimi Qaranimada Somaliland uu soo saaro, hase yeeshee, warsaxaafadeedkii kan ka horreeyey oo uu ku eedeeyey xisbiga KULMIYE inuu ka soo horjeedo hawlaha Taakulaynta gobolada Bari, waxa markiiba ka jawaabey oo ka xaalmariyey xisbiga KULMIYE Wasiirka Dib-u-dejinta oo ku hadlayey magaca Guddida Taakulaynta Gobolada Bari oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland. org, Hargeysa.
E-mail: dubad@Somaliland. com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)