Axmed Siilaayo iyo Dr. Gaboose oo ka waramay Waxyaabihii ay ka wadahadleen Jendayi Frazer kulamadii ay la yeelatay Saddexda Xisbi iyo ururka Qaran
Hargeysa (Somaliland.org) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ms. Jendayi Frazer ayaa galabta ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhammaysatay booqasho maalin ah oo ay ku timi dalka iyo kulamo xidhiidh ah oo ay la yeelatay Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda oo uu ku jiro ururka Qaran iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Ms Frazer oo ay weheliyeen Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya Addis Ababa, saraakiil ka socdey Gaashaandhigga Maraykanka iyo askar ilaalo ah oo ku hubaysnaa boobayaal fudud iyo qalab kale waxay ka soo degtey madaarka Caasimadda Hargeysa 9:30, waxaana la dejiyey Hotel Ambassador, halkaas oo ay kulamo kula yeelatay Madaxda xisbiyada, Madaxweyne Riyaale, hoggaanka ururka Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaran iyo masuuliyiin kale.
Ms Jendayi Frazer oo saxaafadda ugu warrantay Madaarka ayaa sheegtay in booqashadeedu jawaabcelin u tahay socdaalkii Madaxweyne Riyaale dhowaan ku tegey Washington, dalka Maraykanka, isla markaana ay muujinayso sida dowladda Maraykanku diyaarka ugu tahay inuu kala shaqeeyo maamulka Somaliland xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland iyo ta gobolka.
“Iyo weliba inaanu aqoonsanno,” ayay tidhi, “Dimuqraadiyadda Dastuuriga ah ee halkan ka jirta, oo Maraykanku taageersan yahay doorashooyinkii xorta ahaa ee hore uga dhacay, isla markaana aanu kaalmo ka geysano doorashooyinka soo socda ee dhacaya sannadkan”.
Ms. Frazer, oo la weydiiyey mawqifka rasmi ahaan Maraykanku ka taagan yahay aqoonsiga madax bannaanida Somaliland, waxa ay sheegtay in marar badan ay sheegeen inay sii wadayaan inay Somaliland ka caawiyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dimuqraadiyadda. Balse, waxay sheegtay in ay u arkaan in arrintaasi ay tahay mid u taalla ururka Midnimada Afrika, isla markaana ay kala shaqayn doonaan madaxda Midowga Afrika marka ay go’aansanayaan inay u aqoonsadaan Somaliland dal madax bannaan.
Ms. Jendayi Frazer, waxay kulan wadajir ah la yeelatay Saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, iyada oo isla markaana si gaar-gaar ah ula kulantay hoggaanka urur-siyaasadeedka Qaran iyo Madaxweyne Riyaale.
Kulamadaas oo dhammaantood ka dhacay Hotel Ambassador waxay ahaayeen kuwo albaabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafadda loo ogolayn. Hase yeeshee, kulamadaas kadib ayaa weriyayaashu wax ka weydiiyeen madaxda asxaabta waxyaabihii lagaga wada hadlay kulamadaas.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo oo weriyayaasha ugu warramay barxadda hore ee Hotel Ambassador, kadib markii uu dhammaaday kulankii Ms Frazer la yeelatay saddexda xisbi, waxa uu sheegay in dhammaantood ay aad ugu soo dhoweeyeen dalka Ms Frazer iyo weftigeeda, annaga oo u sheegnay ayuu yidhi “inay sharaf weyn u tahay Qaranka Somaliland oo dhan in iyadoo ka socota dowladdaa dunida ugu weyn ay maanta daneeyeen Somaliland oo ay halkan noogu yimaaddeen”.
“Ta labaad waxaanu u caddayney oo aanu ka wadahadlay in marka ay timaaddo in arrimaha markay timaaddo aqoonsiga iyo goonni isu taagga Somaliland wax aanu ku kala duwan nahay haba yaraatee aanay jirin oo dowlad, axsaab iyo shacab aanu isku mawqif ka nahay,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu sheegay in ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland, taas oo uu sheegay in xisbiyadu ku kala aragti duwanaayeen, isaga oo xusay in xisbi mucaarid ahaan ay muujiyeen werwer ay ka qabaan in hannaanka doorashadu uu qalloocdo, isla markaana ay weydiisteen Maraykanka inuu gacan ka siiyo doorashooyinkaas hadday noqoto xag dhaqaale iyo dhinac baraarujineedba.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay dhinaca kale inay ka waraysteen Ms Frazer arrimo ay ka mid yihiin socdaalkii Madaxweyne Riyaale dhowaan ku tegey Washington DC, kaas oo uu sheegay in Madaxweynuhu aanu axsaabta iyo Golayaasha midna uga waramin, isla markaana aanay helin warar dhaafsiisan intii saxaafaddu qortay.
“Runtii Jendayi Frazer si aad u wanaagsan oo faahfaahsan ayay u hadashay. Waxay muujisay inay danaynayaan Somaliland, laakiin, marka ay timaaddo Ictiraaf ay tahay arrin u taalla Afrikaanka, balse, iyagu wixii taageero ah ee ay geysan karaan, hadday noqoto dhinaca horumarinta iyo dimuqraadiyadda ay diyaar u yihiin,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu sheegay inay aad ugu dheeraatay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka soo socda oo ay ku nuuxnuuxsatay ahmiyadooda.
“Waxay culays weyn saartay, aadna ugu dheeraatay [oo ay tidhi] waxa keliya ee maanta lagu nabadgeli karaa, gacan weynna aan idinka siinaynaa waxa weeye waa geeddi socodkaa dimuqraadiyadda, in doorashooyinku dhacaan, wakhtigoodii dhacaan, sida haboonna ay u dhacaan,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
“Runtii yididdiilo badan ayaa hadalkeedu na geshey, hadday tahay taageerada ay qaranka diyaarka ula yihiin iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay gudaheenna iyo sidaynu dalkeenna u badbaadinayno ka bixiyeen,” ayuu raaciyey Axmed Siilaanyo.
Waxana uu sheegay in imaatinkeeda oo keli ahi uu qiimo weyn u leeyahay Somaliland.
Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa isaguna ku tilmaamay imaatinka Ms Frazer, mid yididdiilo weyn u ah Qaranka Somaliland, isla markaana muujinaysa in dunidu iminka ilgaar ah ku soo eegayso Somaliland.
Isaga oo ka warramaya arrimihii ay kala hadleen-na waxa uu sheegay in ay ka mid ahaayeen ta guud ee qaranka oo ah in dadka reer Somaliland u qalmaan aqoonsi marka la eego dedaalkii iyo tacabkii ay galeen iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Waxana uu sheegay in qoraal ay ugu gudbiyeen Ms Frazer aragtidooda iyo doodda sharciyadda ururkooda.
“Waxaanu ku mahadinaynaa masuuliyiintaa sare ee Maraykanka iyagaa soo codsaday ururka Qaran inay la kulmaan, xukuumaddeenuna nooma dalbin, annaguna maanu dalban,” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
“Codsigooda laftiisa ayaa noo ahaa rajo wanaagsan iyo qiimayn wanaagsan iyo qadarin wanaagsan,” ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay inay uga warrameen in waxa ay wax ku raadinayaan ay tahay dariiqa nabadda iyo sharciga.
Kulanka Ms Frazer la yeelatay Madaxweyne Riyaale oo uu ku weheliyey Madaxweynekuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin arrimaha ay ka wadahadleen.
Ms Frazer ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey dowladda Maraykanka ee booqasho ku timaadda Somaliland inta la xasuusto. Waxaana diyaargarowga imaatinkeeda gogol-xaadh u ahaa socdaalo qarsoodi ah oo saraakiil milateri oo Maraykan ahi ku yimaaddeen Hargeysa maalmihii la soo dhaafay.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@Somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Mohamed Yasin H. Dualeh
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur