Wasiirka Arrimaha Gudaha oo faahfaahin ka bixiyey falkii lagu dhaawacay Madaxii hay’adda Hallo Trust

Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi Cirro) ayaa sheegay in falkii toogashada ahaa ee shalay lagu dhaawacay madaxii hay’adda Hallo Trust ee magaalada Hargeysa, Mr. Arman aanu ahayn fal argaggixiso, wax siyaasad ahna aanu ku lug lahayn, balse, uu falkaa geystey nin hore uga tirsanaa shaqaalaha hay’adda oo ku cabanayey xuquuqdiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey falkaa shalay ka dhacay xafiiska hay’adda Hallo Trust, waxa uu sheegay in ninka ajenbiga ah ee la toogtey iyo ninka toogteyba ay hay’adda u wada shaqaynayeen, isaga oo in ninka la dhaawacay ee Armenian-ka ah oo ka mid ahaa madaxda xafiiska Hallo Trust uu muddo yar oo ilaa sannad ah joogey xafiiska, halka ninka Somalilanderka ah ee falka geystey uu u shaqaynayey hay’adda muddo 8 sanadood ah, balse uu ka mid ahaa shaqaale hay’addu dhintay dhowaan.

Waxana uu sheegay in shalay markii uu toogashada sameeyey uu hay’adda u doontay xaqiisii. Hase yeeshee, wasiirku ma kala caddayn in la siiyey xuquuqdiisii iyo in kale. Waxana uu yidhi, “Si kasta ha ahaatee, qofka bani’aadamka ahi wax wuu taban karaa, laakiin, dee waakaa isagu dembiga ku galay ee ninka ajnebiga ah ee isaguba shaqaalaha ah dhaawaca u geystey”.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in nasiibwanaag dhaawacu noqday dhaawac fudud. Waxa kale oo uu ammaanay ciidanka Booliska oo uu sheegay inay yihiin ciidan tababaran, gaar ahaan kuwa loo xulo inay ilaaliyaan hay’adaha samafalka ee dalka joogga, waxana uu sheegay inay tusaale fiican u tahay in askartii ilaalinaysey hay’adda Hallo Trust oo lugta ka toogtey ninkii dhaawaca geystey, isla markaana qabtay, taas oo uu ugu mahadceliyey askarta Booliska iyo madaxdooda.

Waxa uu sheegay wasiirku in ninka ajnebiga ah ee toogashada lagu dhaawacay uu ladnaa shalay markii dalka laga qaaday, lana geeyey Jabuuti, balse, waxa uu sheegay in maanta aanu wax war ah ka helin sida xaaladdiisu tahay.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay falkaas mid caadi ah oo aan ahayn fal argagixiso iyo mid siyaasadeed midna, isaga oo sheegay inuu taas u caddaynayo dad uu sheegay inay si kale u turjumayaan.

“Sida xaqiiqada ah inay ahayd dhacdo caadi ah, adduunka meel aanay ka dhicini ma jirto, meel aan maalinkasta la isku dilini ma jirto,” ayuu yidhi Wasiirku.

“Walow arrinta baadhisteedii la wado, haddana wuu qirsan yahay oo wuxuu yidhi xuquuq iga maqnayd awgeed ayaan ninkan u diley, aniga ayayna iga go’day inaan xabadda ku dhufto,” ayuu raaciyey wasiirku.

Waxana uu sheegay in kiiska baadhistiisii gebagebo tahay, si dhakhso ahna maxkamad loogu gudbin doono.

Wasiirka iyo Taliyaha Booliskuba waxay shalay sheegeen in ninkaa xuquuqdiisii la siiyey shalay, ka hor intii aanu falka geysan. Mana sheegin waxa kale ee uu tabanayo ama xuquuqda kale ee ka maqan ee kelliftey inuu dilkaa ku kaco.

Wasiirku waxa uu ku celceliyey in muwaaddiniinta Somaliland looga baahan yahay in dariiqa sharciga ah ay u maraan wixii ay tabanayaan ama xuquuq ah ee ay sheeganayaan, balse aanay sharciga gacantooda ku qaadan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

Dood dhacdahan ku saabsan >> Eeg aragtida akhristaha


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE