Saraakiil la sheegay inay ka tirsan yihiin Milateriga Maraykanka oo Diyaar khaas ah shalay ku yimi Hargeysa

Hargeysa (Geeska): Diyaarad ya (Jet) oo siday saraakiil milatari oo la sheegay inay ahaayeen Maraykan iyo ilaaladooda oo hubaysanaa ayaa barqadii shalay ka soo degtay madaarka Cigal Airport ee magaalada Hargeysa.
Diyaaradaas oo ahayd mid gaar ah, waxa la sheegay inay siday lix ruux oo qaar ka mid ahi siteen dirayska ciidamada iyo qoryaha fud-fudud qaarna siteen dhar shicib…

[size=]Diyaaradani waxa ay madaarka soo cago dhigatay abaaro 11:00 barqanimo, waxaana ka soo degay lix qof oo saddex ka mid ah si gaar ah loo ilaalinayay. Sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa xilligii diyaaradu soo cago dhigatay, waxa saraakiishaas iyo ciidankii ilaalinayayba madaarka ku soo dhaweyay Wasiirada duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Qaranka.
Shan ka mid ah dadkii diyaaradda la socday oo kala ahaa laba askari oo hubaysnaa iyo saddex sarkaal, waxa ay madaarka u soo dhaafeen dhinaca gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo hal askari oo aan wax hub ah sidana lagaga yimid diyaaradda hoosteeda oo kursi cad loo dhigay.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan saraakiishaas iyo ujeedada socdaalkoodana toona, balse ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay shir qaatay dhawr saacadood mid ka mid ah hoteelada Hargeysa kula yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen. Laakiin waxa kulankaas labada dhinac lagu macneeyay inuu ahaa mid lagaga wada hadlayay arrimo amniga ku saabsan.
Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, oo abaaro 12:30 duhurnimo ee shalay tagay madaarka Hargeysa, ayaa indhahooda ku soo arkay diyaaradda raggaas siday oo uu xilligaas hoos fadhiyay nin ka mid ahaa askarta ajaanibka ah ee diyaaradda la socotay oo diyaaradda hoosteeda loo dhigay kursi, balse aan kursiga ku fadhiyin xilligaas una muuqday nin feejigan oo lagaga tagay ilaalinta ammaanka diyaaradda.
Abaaro 1:50 duhurnimo, oo ay weli madaarka ku suganyihiin saxafiyiinta Geeska Afrika, ayaa waxa garoonka dib ugu soo laabtay saraakiishii iyo ciidankii ilaalinayay oo ay galbinayeen Labada Wasiir ee Daakhiliga iyo Duulista Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Cali Maxamed Waranacade iyo weliba dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka, kuwaas oo watay baabuurtoodii shaqada.
Weriyayaasha umay suurto gelin inay la kulamaan saraakiishaas Maraykanka ah, ka dib markii ammaankooda aad loo adkeeyay, laakiin sawir qaade ka tirsan Wargeyska ayaa ku guulaystay inuu dhawr sawir ka qaado diyaaraddaas iyo muuqaalka guud ee markii ay raggaasi diyaaradda sii fuulayeen.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, o­nline Version…


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE