Wasiirka Waxbarashada oo caddeeyey in Manhajka cusub ee Waxbarashadu uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirka Waxbarashada Somaliland, mudane Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) ayaa caddeeyey in Manhajka cusub ee Waxbarashada Somaliland uu yahay mid ay la wadaagto Soomaaliya, isku meelna lagu daabacay. Waxana uu jawaab ka bixiyey warar toddobaadkan saxaafadda guduhu faafisay oo sheegaya in Manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland ee Dugsiyada Dhexe laga saaray taariikhda halgankii SNM, taas oo si weyn loogu cambaareeyey Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, iyada oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Horumarinta Manaahijta Somaliland, waxa uu beeniyey in manhajka cusub ee Waxbarashada Dalka laga saaray taariikhdii Halgankii SNM. Hase yeeshee, waxa uu qiray in Manhajkii hore ee Waxbarashada oo uu ku tilmaamay mid ku-meel-gaadh ahaa oo loogu talagalay in ardayda wax looga dhigo kadib markii Somaliland dib u dhisantay gebi ahaanba la beddelay, lana dejiyey Manhaj Casri ah oo la jaanqaadaya manaahijta caalamka iyo ta gobolka Geeska Afrika, taas oo uu sheegay in loo habeeyey si waafaqsan Garaadka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, mudane Xasan X. Maxamuud (Gadhweyne), isaga oo ka hadlaya buuggii taariikhda ee fasalka 8aad ee manhajkii hore oo wargeyska Jamhuuriya sheegay in 5 cutub oo ka mid ahi ay ka hadlayeen taariikhda halgankii SNM iyo dhismaha dowladda Somaliland, laga saaray buugga Cilmiga Bulshada ee Manhajkan cusub taariikhdaas, waxa uu sheegay in buugga Taariikhda 8aad ee Manhajkii hore uu ka koobnaa buuggii Taariikhda laga dhigi jirey dugsiyada Dhexe wakhtigii dowladdii Soomaaliya oo laga saaray intii aan ku haboonayn Somaliland, laguna beddeley taariikhda Halgankii SNM iyo taariikhda geeddi-socodka nabadda iyo dhismaha dowladda Somaliland. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in manhajkaasi uu ahaa mid ku meel-gaadh ah, isla markaana khuburo kala duwan oo u fadhiisatay dejinta manhajka cusub ay u habeeyeen maadada Taariikhda si casri ah oo caalami ah, isaga oo sheegay inay u dejiyeen si jaranjaro ah, taariikhda dalka, ta gobolka Geeska Afrika iyo taariikhda dunida. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in aan laga tegin taariikhda halgankii SNM iyo dhismaha Somaliland, balse ay ku jirto buugta Cilmiga Bulshada ee fasalada 5aad iyo 6aad, halka buugga Fasalka 8aad lagu barto taariikhda dunida. Waxa kale oo uu sheegay in taariikhda halgankii SNM lagu dhigto buugga Taariikhda Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.

“Buugga 5aad ee Cilmiga Bulshada dhammaantii waa Somaliland, Juquraafi ahaan iyo taariikh ahaanba, waxaana ku xardhan dhammaan halganadii Somaliland, 1884, qaybsigii Afrika oo Somaliland ka mid tahay dalalkii Gumaysigu qabsaday ilaa kii u dambeeyey ee SNM 1981-1991. Halganadaa ka soo bilow ilaa kan u dambeeyey ayaa buugga ku xardhan oo ardayda looga dhigaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in buugga Fasalka Lixaad oo laga barto Cilmiga Bulshada ee Geeska Afrika isagana ay ku jirto Somaliland, halka buugga fasalka 7aad oo ka hadlaya Qaaradda Afrika isagana uu ku yaallo maabka Somaliland, laakiin, buugga Fasalka 8aad oo ka hadlaya Dunida aanay Somaliland ku jirin.

Buugta Cilmiga Bulshada oo Wasiirku ku soo bandhigay Shirkaa jaraa’id ayaa buugta fasalada 5aad iyo 6aad waxa meelo aad u yar kaga xusan taariikhda SNM iyo halgankii xorraynta. Waxayna masuuliyiinta Manaahijtu ku macneeyeen sababta loo yareeyey inta kaga qoran taariikhda halgankii SNM buugtaas sabab farsamo oo la xidhiidha heerka ardayda loogu talagalay iyo ta kale, halgankii SNM oo ay xuseen inuu ahaa marxalad laga soo gudbey.

Arrintan ku saabsan Taariikhda Halgankii SNM ee laga reebay Manhajka Waxbarashada waxa si xoogleh u cambaareeyey, kuna tilmaamay dembi Qaran madaxda iyo mujaahidiinta ururkii SNM.

Wasiirku waxa uu ku tilmaamay dhalliilahaas loo soo jeediyey Wasaaraddiisa kuwo ujeeddo kale laga leeyahay.

“Waxaanu u arkaynaa Baroortu Orgiga ka weyn . Ma jiro wax layaabatiin ah ama in ummadda laga daayo walaahowga,” ayuu yidhi Wasiirku.

“Waxaanu odhan karnaa mar haddii ay wuxu sidaa u cad yihiin kicinta iyo warka naaxnaaxinta leh ee kala dilaya ummadda in aan loo baahnayn wakhtigan aynu ku socono horumarka iyo xornimada aynu dib ula soo noqonay ee aynu iminka ku jirno dhammaystirkeeda,” ayuu raaciyey Wasiirku. Waxana uu intaa ku daray in qorista iyo diyaarinta buugga Cilmiga Bulshada ay ka qaybqaateen Mujaahidiin SNM ah.

Wasiirku waxa uu soo jeediyey in halgankii SNM aan la siyaasadayn, lana kooxayn, isaga oo sheegay in halgankaasi uu ahaa halgan shacab oo guuleystey, isla markaana SNM ay dhashay Somaliland, taariikhdeeduna ay tahay mid aan qarsoomi karin.

Dejinta iyo Daabacaadda Manhajka cusub oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada iyo Dhaqanka ee UNESCO, waxa buug kasta jeldiga sare kaga taalla astaanta Qaranka Somaliland iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaana ku saxeexan Wasiirka Waxbarashada Somaliland. Hase yeeshee, warqadda labaad ee mahadnaqa buugtaas oo uu ku saxeexan yahay Madaxda hay’adda UNESCO ee Soomaaliya, waxay hay’adda ugu mahadnaqaysaa “Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya”. Waxayna ku caddeeyeen in buugtaas loogu talagalay Caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, mudane Xasan X. Maxamuud oo aan weydiiyey sida ay isu daboolayaan labadaa arrimood, ayaa caddeeyey in Manhajkan cusubi uu yahay mid loogu talagalay dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey oo dhan.

“Waxa weeye inaga [Somaliland] iyo Soomaaliya kaasaan wadaagnaa, [isaga oo kor u taagaya buug ka mid ah buugta Manhajka] waanna la inoo wada sameeyaa, ogow meel baa lagu wada sameeyaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

“Weliba kuwii aynu qornay ee aqoonyahankeennu qoray ayay qaateen oo ay xuruufta “Dh” iyo “R” kala beddeleen,” ayuu raaciyey Wasiirku.

Wasiirku waxa uu ku tilmaamay is khilaafka ku jira buugga “Khalad Madbici ah”.

Hase yeeshee, sarkaal ka tirsan Xafiiska Manaahijta oo wasiirku isaga riixey inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo arrinta, ayaa sheegay in Hay’adaha Qaramada Midoobey aanay aqoonsanayn Somaliland, waxkasta oo ay Somaliland u qabanayaanna ay xagga dambe ka raaciyaan Soomaaliya, isla markaana hay’adda UNESCO ay ugu talagashay buugtan markii la qorayey Soomaaliya oo dhan.

“Buugta markii la qorayey waxa loo qorayey oo ay iyagu soo jeediyeen UNO-gu ilaa maantadaa waad ogtihiin warqad ka soo baxda oo u gaara Somaliland may samaysan oo ma soo baxdo, mar walba Soomaaliya ayay inagu daba-dabaqdaa,” ayuu yidhi.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in Xafiiska Manaahijtu uu mawqif iska taagey oo uu dedaaley, isaga oo xusay in la doonayey in dadka Manhajka qorayey ee Soomaaliya iyo Somaliland Hargeysa la isugu keeno, oo loogu qabto Shirhawleed (Workshop), balse ay diideen, inkasta oo uu sheegay in isku meel ay ku wadadiyaariyeen Manhajka.

Markii la diyaarinayey Manhajka ayaa mar waxa soo baxday khilaaf ku saabsan arrintan oo u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNESCO, hase yeeshee, waxa muuqata in xukuumadda Somaliland lagaga guuleystey arrintan.

Arrintan oo daahfurtay midnimo dhinaca manhajka Waxbarashada ah oo Somaliland la gashay Soomaaliya, ayaa ah mid ka miisaan weyn arrintii wasaaraddu ka hadleysey ee ah in Manhajka laga saaray taariikhda halgankii SNM, taas oo isla markaana iftiiminaysa sababta taariikhda halgankii SNM looga saaray Manhajka.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE