Axmed Siilaanyo Oo Dhaliilay Aqoonta Madaxweyne Rayaale Ee Hab Dhaqanka Dawladadaha iyo Diblomaasiyadda

[:s4]Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareyay manhajka waxbarashada fasalka siddeedaad ee dugsiyada Somaliland oo gebi ahaanba laga reebay taariikhdii SNM.
Md. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in arday tiro badan oo ciyaal iskuul ah la qoray shaqada basaasnimada. Md. Siilaanyo, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale oo ku saabsan safarkii Madaxweyne Rayaale kaga hadlay waraysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Madaxabanaan ee Radio Horyaal kaas oo u dhacay sidan:
Guddoomiye waxa jirta in manhajka Waxbarashada Somaliland, gaar ahaan fasalka siddeedaad laga saaray taariikhda halgankii SNM arrintaas sideed u aragtaa?…

Arrintaas waxaan u arkaa ayaan darro aad iyo aad u weyn. Waynu ognahay halgankii SNM waa halganka Somaliland keenay, waa halganka xornimada Somaliland keenay, umad badan ayaa u shahiitay oo naftooda u hurtay, ku maal beeshay, ku lugo beeshay kuna dhintay.
Maanta Somaliland gebigeedaba waxa dhashay halgankii SNM. Waynu ku sugaynay wakhtigeeda, marka hore mujaahidiintii ayaa la baabiyay, maantana waxa la tirtirayaa magacii SNM, haddii ay umadda reer Somaliland waxa caynkaas oo kale ah aqbasho oo ay ka dhiidhiyi weydo, damiirkeeduna fari waayo in waxaasi wax la qaadan karo aanay ahayn, maanta waxaynu ognahay ilaa carruur dhallinyaro ciyaal iskuul ah ayaa basaasnimada lagu daraa oo la yidhaahdaa basaasnimo ku shaqeeya, haddii dalkii laga wada dhigay NSS, oo dhaqankii SNM ka dagaalantay lidkiisii ay haysato, muddo ayaynu ku sugaynay in maalin walba rajiimkaasi tallaabo soo qaadayo oo uu u soo qaadayo inuu wixii uu yaqiinay ku soo celiyo oo dalkiiba laga wada dhigo basaasiin miidhan, oo halgankii iyo taariikhdiisii la tirtiro inteena waynu ku sugaynay, waa ayaan darro aad u weyn, waanu ka xunahay, waanu cambaaraynaynaa oo si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, waxaanan balan qaadaynaa in arrintaasi aanay arrin socota noqon, ama hala jeclaado ama hala necbaade in halgankii SNM oo buuxa taariikhdiisu soo noolaan doonto, dalkana baal dahab ah ayay ka geli.
Wasiirka Waxbarashadu, waxa uu sheegay in arrinta ay baadhitaan ku wadaan, dhawaana ay soo bandhigi doonaan waxa uga soo baxa baadhitaankooda. Jawaabtaas wasiirku sidee ayay kuula muuqataa?
Wuxuu soo baadhayo ayaanan garanayn, haddii uu isaga in meesha laga saaray aanu ogayn, maxaa la baadhayaa, markaas waxa weeye haddii aanu wasiirkii tacliintuba ka war qabin iyadaaba la yaab leh oo markaas waxa weeye cid wasiirka ka saraysa gacan kale ayaa hawshaba maamulaysa, dalkeenana waa lagu yaqaan oo anigu la yaabi maayo taas oo inta badan wasiirada waxbaba gacantaba uguma jiraan oo meesha dalka laga maamul kuligeen waynu wada ognahay.
Guddoomiye, Madaxweyne Rayaale waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. Sidee ayuu adiga safarkaasi kula muuqday?
Safarkaasi wuxuu ahaa dabcan maadaama oo uu Madaxweynihii qaranka yahay kuligeenba safarkaas rajo weyn ayaynu ka qabnay, aadna waan u jeclayn inuu safarkaasi ku soo guulaysto Madaxweyneheenu oo uu maanta wax wax ku ool ah oo niyadu inoogu samaato ay safarkaas ka soo baxdo weynu wada jeclayn, in badan ayaanan kuligeen ugu ducaynay. Inkasta oo markii uu baxayba ay dhaliilo badani ka muuqdeen. Waynu ognahay oo dalalka uu madaxweynuhu u baxayay waxay ahaayeen dalal aad u waaweyn, waana dalalka dunida looga taliyo, waynu ognahay oo maanta ictiraaf raadinteenu arrin fudud maaha, mid Afrikaan iyo Somaliya inagu taageersantahay maaha, saaxiibo badan oo ina taageersan mooyee dawlado ilaa imika ma lihin. Dhaqan ayaa dunida lagu yaqaanaa, sidii aynu mudaharaadkii banaanka ugu soo baxnay inaga oo wada jirnay oo midnimadeena ku muujinaynay, quruxdu waxay ahayd Madaxweynuhu markuu safarada caynkaas ah ku baxayo inuu weji qaran ku baxo, oo kii mudaharaadka mid la mid ah ku baxo. Afrika waxa lagu wada yaqaanaa wax iska soo wada horjeeda, may ahayn inuu saddex afar qof oo wasiiiradiisa ah kaxaysto ee waxay ahayd inuu asxaabta mucaaradka ah kaxaysto, inuu guurtida wax ka kaxaysto, waxay ahayd inuu Baarlamaanka ka kaxaysto oo uu sawir qaran oo wada jir ah muujiyo. Anigu waxaan qabaa dad badan oo halkaas joogana waan la xidhiidhay ama way ila soo xidhiidheen, arrintaas saluug fara badan ayaa ka muuqday. Sababta kale ee ay ugu qurux badnaan lahayd inuu sidaas sameeyo waxay ahayd, dadka asxaabta ah ee aynu leenahay in badan waxay walaac badan ka muujiyeen oo ay xogogaal u yihiin dhacdooyinka ka socda dalkeena sida xagga xuquuqal insaanka, geedi socodka Dimuqraadiyadda oo shaki badani uu ka galay, waanu ognahay markay wareegayeen in lagala hadlay, waxaas ma sheegayo Madaxweynuhu, laakiin dadkii dibadda ku dhaqnaa xaqiiqdii waxa jiray qaar su’aalo xaasaasi ah weydiiyay oo uu ka kacay kana cadhooday, waxa jirtay markii uu London joogay jaaliyadii Somaliland ee damacday inay u shirto inuu diiday oo dad xul ah oo mid mid gooni ugu tago mooyaane uu diiday inuu jaaliyadda la kulmo oo uu Madaxweynuhu ka door biday inuu xaflad gaar ah oo qoyskiisa loo sameeyay uu ka qayb galo. inkasta oo aynu Madaxweynaheena wanaagiisu inaga inagu soo noqonayay, haddana dhaliilo badan ayaa ku jiray qaabka uu hawsha u galay, qaabka uu ula dhaqmay bulshada lafteeda.
Beri hore ayaa waxa jirtay intuu Madaxweynuhu Itoobiya tagay, isaguna uu wax inoo sheegay qoladii kalena wax kale sheegtay, imika Madaxweynaheena waxaynu ku baranay markuu yimaado inuu isaguna waxa yidhaahdo oo uu yidhaah cid walba wax kasta waanu ka dhaadhicinay, qolooyinka kalena yidhaahdaan sidaas may ahayn ee wax kale ayaanu ku wada hadalnay. Wixii uu Afhayeenka Maraykanku maalintii dhawayd ku hadlay waynu maqalnay, ama ha noqoto wadamadas Madaxweynuhu soo maray ama kuwii kale ee aanu tagin, dee inaga dagaalkeena qaranimo ee ictiraaf doonka ahaa, inaga iyo dawladeenaba wuu u taaganyahay, waxa qudha ee aan leeyahay waxa weeye, Madaxweynoow wixii ka dambeeya ee imika inagu soo baxsada laba hal labadaba aan iska ilaalino, waxay dunida inaga sugaysaa oo ka war qabtaa, geedi socodkii iyo doorashooyinkeena shaki iyo madmadow badan ayaa soo galay. Xuquuqal insaankii iyo jaraa’idkii waxyaabihii la inagu qiimaynayay ahaa su’aalaad badan in lagaa weydiiyayna waad ogtahay, dadkuna su’aalo badan ayuu iska weydiinayaa.
Sharciyadii miisaaniyadda dhammaanteed daaqadda ayaa laga tuuray, lagumana dhaqmo tii ugu dambaysay ee Baarlamaanku gudbiyay, markaas sharciyadii, xuquuqal insaankii iyo dimuqraadiyadii mid waliba halka ay marayso waynu ognahay.
Markaas anigu waxaan aaminsanahay maanta dadkeena iyo shacbigeenu jacayl ay wadankooda u qabaan ayaynu ku taaganahay oo iyagu ay nabadgelyadii iyo xasiloonidii muujinayaan. Annagu maamulka iyo dawladeena xumaan lama jeclin, waxaanu doonaynaa keliya oo aan aaminsanahay dhaqdhaqaaqaas loo socda ee dooroashooyinka xantuna dibadda iyo gudaba ku badantahay oo qayaxan oo shirka marka la isugu yimaado mar walba ka muuqanaysa xisbigii Madaxweynaha inay mar walba qaadayaan tallaabo aynu kuligeen u soo joogi doono inaan doorasho ku dhicin. Duniduna way ka war qabtaa taas oo magac kaga heli mayno, dalkeenana sharaf iyo wada jir kaga heli mayno, markaas waxaan ku guubaabinayaa dawladda in jacaylkaas uu dadkeenu jecelyahay inuu midoobo oo uu dimuqraadiyadii ku jiro inay ku soo noqoto oo ay dadka qiimayso.
Guddoomiye, xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray, qaabka ay ictiraafka u raadinayeen ma isleedahay waa halkii ugu haboonayd, waase halkee ayaad isleedahay halka ugu haboon ee ay ahayd in laga bilaabo aqoonsi raadiska Somaliland?
Horta cidii laga helayaba in laga raadiyaa way haboontahay, dunidu siyaabo badan bay u samaysantahay oo in la yidhaahdo halkaas halaga raadiyo, meel ay taalo oo aad ka soo qaadaysaa ma jirto. Mar waxa la yidhi dunidu way kala awood badantahay oo waxa jira dawlado ka awood badan kuwa kale, oo cidda wax tarka iyo dhaqaalaha leh inaad ka hawl gashaa meesha way ku jirtaa oo waa qodob. Had iyo jeer dunidu waa xaafad xaafad oo gobolkaaga ayay dunidu marka horeba kugu xidhaysaa oo Yurub iyo Ameerika waxa ay ku odhanayaan Afrika ka soo bilow Afrikaanka ayay u talaaye, markaas cidday wax kaaga xidhanyihiin ee Afrika inaad ka hawl gasho waa loo baahanayahay, waxa sii jira jiiraankaaga, iyo caalam kale oo qayb ka mid ah aynu nahay oo ah Caalamal Islaam ama Caalamal Carab iyadana waa caalam aynu u baahanahay inaynu ka shaqayno, halkaas waxaan aaminsanahay inkastoo ay dhibaatooyin leeyihiin oo madax adayg badan kala kulanay haddana waxaan aaminsanahay in arligaas culayskii loo baahnaa inaan la saarin oo weelkeedii la samayn. Afrika waynu ka hawlgalnay haddana inaan lagala hadhin oo cagta lagu sii badiyo.
Markaas anigu ma odhanayo waa laga madhanyahay ee waynu aragnaa oo dawlad tidhi waan idin ictiraafaynaa dad ashkhaas ah mooyee ma hayno dawlad. Waxaan aaminsanahay berigii horeba sideetan sanno iyo googo’ ayaynu u dagaalamaynay inaynu xorowno aakhirkina waynu helnay oo inaga ayaa si fudud u bixinay.
Waxaas oo dhan waxa ka muhiimsan marka ugu horaysa dunida waxa saamaynayaa sidaad ula hdasho maaha ee waa waxaad dhulkaaga ka qabato ee lagaa arko wax dunida indhahooda soo jiidan karo sida horumarka, dimuqraadiyadda iyo wada jirka, laakiin haddii meel walba musuq maasuq, cadaalad xumo jirto jidka aanad ku helayn oo cid waliba kaaga jeedsanaysaa waa dariiqaas, kaasna inaynu wax ka bedelno ayaynu u baahanahay.
Safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay Maraykanka, markii uu la kulmay Mrs. Jendayi Frazer, waxa soo baxay war uu soo daayay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka kaas oo uu ku sheegay inaanay waxba iska bedelin fikirkii Maraykanka ee Somaliland, madaxweynuhuna hadalkiisii uu warbaahinta kula hadlay wuxuu ninkaas ku tilmaamay inuu ahaa nin hoose. Markaas ninkaas Afhayeenka ah sidee ayay kuula muuqataa?
Waxay ila tahay Madaxweynaha diblomaasiyadda wax weyn baa ugu dhiman, Madaxweynaha wax weynbaa diblomaasiyadda adduunka ugu dhiman. Nin la baxay magaca Afhayeenka oo dawlad dhami u diratay, isagu meesha uma dhiiban oo ninku inuu qiimo leeyahay ma qiimayn kare dawlad dhan ayaa ka dhigatay Afhayeen oo af dawladeed ayuu ku hadlayay, afkii dawladda Maraykan ayaanu ku hadlayay, markaas inuu yidhaahdo umuu hadlayn dawladda Maraykanka waxay muujinaysaa garaadkiisa siyasadeed iyo aqoonta uu u leeyahay dhaqanka duwaliga ah, halka ay ka taagantahay ayay aad u muujinaysaa waana ayaan darro.

Source; Wargeyska Geeska Afrika, o­nline Version..


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur