Riyaale Ma isagaa iska Yimid? iyo Su’aalihii Aan Weydiin laha haddaan la kulmi lahaa
![]() |
| Ali Gulaid |
Hordhac
Sida laga warqabo wafdi uu Riyaale hogaaminaayo ayaa dhawaan socdaal ilaa saddex asbuuc qatay ku kala bixiyay Ingriiska iyo Mareykanka (January 2008). Waxa la ogsoon yahey dadka Ingriiska ku dhaqani ina aay laba jeer oo hore iyaga oo aad isu abaabulay aay Riyaale soo dhaweeyeen. Socdaalkiisan imika se waxa u dhaqdhaqaaqayey dhawr xukuumada xil u haya oo qudha. In kasta oo aan sidii berigii hore aan la isu abaabulin haddana jaaliyadu waay isku deyday ina aay madaxweynaha la kulanto. Nasiib daro se wuu kaga baxay inkasta oo uu u balan qaaday sida aay jaaliyadu war saxaafadeedka ku soo saareen. Waana mar labaadkii uu jaaliyada Ingriiska kaga baxo isaga oo weliba u balan qaaday.
Socdaalkiisan uu Mareykanka ku yimid se waa kii uugu horeeyay sidaa awgeed dadka ku dhaqan nawaaxida ku dhaw caasimada Washington, D.C. siddii laga filaayay amba waajibku ahaa waay soo dhaweyn weftiga.
Anigu se inkasta oo aan hadda ku suganahay Mareykanka kuma talo jiro ina aan wefdiga la kulma (dhulka oo kala durugsan awgeed) bal se waxa aan qoraalkan ku qaada dhigayaa a) haddi aan la kulmi laha su’aalaha aan weydiin laha b) dareenka ka dhashay Socdaalka Riyaale iyo Su’aalaha la iska weydiinaayo c) Su’aalaha Riyaale iyo Jawaabaha Mareykanka sida aay u dhaceen inta laga xasuusan karo d) hadalkii ka dhexdhacay weftiga markii shirka aay ka soo baxeen sida la soo weriyay
Hadaba bal inta aanan kuwaa u gelin waxa aan ku horeynayaa a) cidda uu Riyaale diiday ina uu la-kulmo b) Siyaasadda Mareykanku uu ka Leeyahay Somaliland cidda u dhuun daloosha b) danta Mareykanku ka leeyahay Somaliland inteebaynu ka ognahay c) siyaasadda Mareykanka ee ku waajahan ictiraafku waa maxay d) Marxuum Cigaal Markii uu yimid yuu arkay.
Cidda uu Diiday ina Uu Riyaale La Kulmo
Waxa nasiib darro ah ina uu Madaxweynuhu saacad amba laba saacadood uu siin kari waayo dadka ajnebiga ah ee arrimaha Somaliland daneeya isaga oo maalin dhan ku lumiyay daawashada caasimada (Washington, D.C.). Dhulkan Mareykanka waxa jooga aqoon yahano aad u aaminsan qadiyada Somaliland oo dagaal uugu jira sidii loo Ictiraafi lahaa. Waxa kale oo iyana jirra qaar daneeya arrimaha geeska Africa amba aqoon gaar ah u leh oo had iyo jeer wax laga weydiiyo oo loo bahan yahey ina wax la gashado kuwaasi oo afkaartooda la qaddariyo kuna xidhan machadyada siyaasadda Mareykanka laga hogaamiyo ee laga qiyaaso hadba dabeyshu xaga aay u socoto. Nasiib darro Madaxweynuhu wuu ka cudur daarta ina uu lakulmo. Halkaasi Somaliland fursad dahabi ah ayaa ku dhaaftay. Waxanan ka magacaabayaa dadka uu arki kari waayay: Ambassador David Shinn, Adjunct Professor, The Elliott School of International Affairs, The George Washington University; Prof. William Reno Program of African Studies, North Western University; Dr. J. Peter Pham Director of the Nelson Institute, James Madison University; Ambassador, Princeton Lyman Director, Africa Policy Studies, Council of Foreign Relation; Dr. Jeffrey Herbst Vice president-Provost-Academic Affairs, Miami University, Ohio
Siyaasada Mareykanku uu Ka Leeyahay Somaliland Yaa u Dhuun Daloola
Dadka waddanka gudihiisa ku dhaqani waxa aay u heystaan ina dadka ku dhaqan Mareykanka ee reer Somaliland aay siyaasadda Mareykanka u dhuun daloolaan! Had iyo jeer waxa aad la ii weydiiyay Mareykanku muxuu Somaliland ka damacsan yahey? Marka aan ku jawaabo war uuma hayo dadku waay niyad jabaan iyaga oo ku celcelinaaya oo miyaanad Mareykan ka iman. Runtu waxa aay tahey sida ninka Carabta joogaa aanu uuga warqabin siyaasadda Sucuudiga amba Imaaraadku ayaanu ninka Mareykanka joogaana aanu siyaasadda Mareykanku Somaliland ka damacsan yahey ugu dhuun daloolin. Cidda iyagu xidhiidh GAAR ah la-leh Mareykanka iyaga ayaa is caddeyn ee inta kale waxaa ay ogtahey uun waxa warbaahinta caalamka lagu faafiyay (aniguna kuwaasi ayaan ka mid ahay). Shaleyto ayaan Mareykanka ka imid oo wasaarada difaaca (Pentagon) iyo wasaarada khaarajiku (State Department) waa ka mideysan yihiin arrinta Somaliland iyo wax yaalo la mid ah cidda ku sheekeyneysaa malaha waa qaar iyagu xidhiidh dahsoon amba xidhiidh gaar ah la leh Mareykanka amba waa qaar wax aanay aheyn sheeganaaya. Midna xisaabta ku darso siyaasadda iyo dhacdooyinka aay ka mid tahey Mareykanku Riyaale miyuu soo casuumay waa kala duwan yihiin. Mareykanku ina uu Riyaale soo casuumay iyo in kale waa dhacdo cidda xiiseyneysaa soo ogaan karto
Danta Mareykanku ka Leeyahay Somaliland inteebaaynu Ka Ognahey
Sida saraakiisha Mareykango hore u sheegeen warbaahinta lagu fidiyay danta uugu weyn ee uu maanta Mareykanku ka leeyahay Somaliland waxa weeyaan laba: waa ta kowaad e waa ina aay dimuqraadiyaddu ka tis-qaaddo; doorashooyinka soo socdaana ay si xor ah oo xalaal u dhacaan wakhtigoodiina ku dhacaan. Waa ta labaad e waa ina aanay noqon meel argaggixisadu ku soo dhuuman karto kana duuli karto amba saldhig ka dhigan karto.
Berbera Mareykanku muxuu ka damacsanyahey? Anigu war uuma hayo. Waxase aan ogahay ina uu Jabuuti, Ethiopia, Imaaraadka, Sucuudiga, Kuwait, Qatar ina uu intaba saldhigyo ku leeyahay. Markaa adigu fasiro.
Siyaasada Mareykanka ee ku Waajahan Ictiraafku Waa Maxay
The Fact Sheet, Bureau of African Affairs, Washington, D.C. states, “Our policy on recognition is to allow the African Union to first deliberate on the question. We don’t want to get ahead of the continental organization on an issue of such importance… we do believe the African Union is the most appropriate forum to address the question of recognition of Somaliland as an independent state”. Nuxurka siyaasada uu Mareykanku ka leeyahay Ictiraafka Somaliland waxa uu isugu soo ururay sida hadalkan ka soo yeedhay wasiir ku-xigeenka khaarajiga Jendayi Frazer ka soo yeedhay ina aanu Mareykanku ka hordhacaheyn midowga Afrika (AU) oo uu taasi u daba fadhiisan doono midawga Afrika (AU). Waxa kale oo iyana in badan aay Ingriiska, EU, iyo Mareykankuba Somaliland kula taliyeen ina aay xoogga saaraan Afrika. Hadaladaasi waxa aay ka soo yeedheen wasiir-ku-xigeenka qaabilsan Africa (Jendayi Frazer) oo dhawr jeer ku celcelisay ha uugu denbeyso bishii December 5, 2007. Marlabaad waxa sidaa ku celiyay afhayeenka wasaarada kharajiga kabacdi markii uu la kulmay Riyale
Marxuum Cigaal Yuu La Kulmay Markii uu Mareykanka Yimid
Marxuum Cigaal markii uu Mareykanka yimid miyaa la soo casuumay? Jawaabtu waa maya. Yuu la kulmay? Waxa uu la kulmay State-Departmentka; Pentagon (wasaarada Difaaca); Jaaliyada Soomaaliyeed; khubaro ajnebi ah oo daneysa Somaliland. Waxa xusid mudan ina uu Cigaal Khariidad (Map) Somaliland ah oo uu ku soo arkay Pentagonka oo uu aad uuga xanaaqay reer Somaliland markii uu la shiray ku canaantay. Khariidadaasi oo Somaliland inteeda badan raacisay Puntland. Waxa se iyana muhiim ah ina uu diiday ina loo soo kireeyo shirkadaha madaxda ilaaliyaa
Dareenka ka dhashay Socdaalka Riyaale iyo Su’aalaha la iska weydiinaayo
Riyaale ma isagaa iska yimid? Jawabtu waa HAA. Si aan u xaqiijiyo wararka la isla dhexmaraayo ee shabakadaha iyo jaraa’idka Somaliland soo qoreen ee qaar odhanaaya Riyaale ayaa martiqaad ka helay Mareykanka qaar kalana odhanayaan aqalka cad ayaa laga casuumay (white House) waxa aan ugu horeeyn la xidhiiday xafiiska qaabilsan arrimaha Afrikada bari iyo geeska Afrika waxaana aay ii xaqiijiyeen ina wax martiqaad ah oo Mareykanku u fidiyay Riyaale aanay war iyo wacaal toona ka heyn. Kabacdi waxa kale oo aan la xidhiidhay nin kale oo u dhuun daloola arrimaha Somaliland iyo State -Departmenkaba waxaanu ii sheegay ina kal hore uu Riyaale soo dalbaday fiisa caafimaad oo Mareykanku isku qanciyay ina uu Riyaale dhakhaatiir fiican ka heli karro waddanada ay South Africa ka midka tahey oo aanay aheyn imaatinkiisa caafimaad mid ah lagama maarmaan iyaga oo xeerinaayay arrimo ku taxaluqa Somalia
Haddaba waa maxay sababta fiisaha maanta loo soo siiyay? Jaaliyada oo uu la kulmo awgeed. Sababtu waxa weeyaan oo uu cudurdaar ka dhigtay ina uu doonaayo ina uu la kulmo jaaliyadda reer Somaliland ee Mareykanka degan. Halkaa waxa ka cad ina uu iskii isakaga yimid oo aan casuumad Mareykanku u fidin. Madaxweynuhuna wuu ka gaabsaday mar la weydiiyay cidda casuuntay markii uu soo amba-baxaayay.
Hadaba yimide yuu la kulmi doonnaa? Wasiiraka Khaarajiga (Ms. Rice) ma arki doonaa? Wasaarada difaaca cid ma ka arki doonaa? Waxa uu la kulmayaa intii Cigaal la kulmay. Sida aan ka soo xaqiijiyay xafiiska qaabilsan Geeska Africa wasiirka khaarajiga arki maayo. Waxa se uu arki doonaa Jendayi Frazer ( wasiir ku-xigeenka qaabilsan Afrikada Bari) iyo shaqaale kale oo qaabilsan Geeska Africa kuwaasi oo ah kuwii aay arkeen Marxuum Cigaal, Siiranyo, Faysal iyo C/casiis Samale (gudoomiyaha labaad ee Golaha Wakiilado).
Maxuu Riyaale kala hadli doona Mareykanka? Sida aan warka ku qaatay waxa uu kala hadlay saddex wax ayaa uugu weynaa: waa ta hore e waxa uu weydiiyay waxa uu Mareykanku u ictiraafi waayay Somaliland? Waa ta labaad e waxa uu weydiiyay ina wixii mucaawina ah ee Mareykanku Somaliland siinaayo uu u siiyo si toos ah oo aanu u soo marin hay’adaha Samafalka ah waa ta sadexaad e ina loo kordhiyo mucaawimada hadda lagu siiyo la dagaalanka argaggixisada.
Su’aalaha iyo Jawaabihii Riyaale iyo Mareykanku is weydaarsadeen sidan ayaay u dhaceen inta laga xasuusan karo
-
Riyaale: Muddo siddeed iyo toban (18) sanno ku dhaw ayaanu ku soo dhaqmeynay ictiraaf la’aan oo aanaan adduunkana wax mucaawima ah ka helin, saddex doorasho ayaanu qabanay, distoor ayaanu leenahay, calan ayaanu leenahay, wixii dawlad looga baahnaa oo dhan waanu buuxinay, xuduudii waanu sugnay wax kale iska daayo baasaboor Somaliland ah ayaan maanta Mareykan ku soo galay, haddaba waa maxay waxan aa noo ictiraafi la’dihiin?
-
Mareykanka: Madaxweyne waxaasi oo dhan waan ka warqabnaa waana ku amaanantihiin waxa aa qabsateen hase yeesho e sidii aanu labada gudoomiye ee mucaaridka (KULMIYE iyo Ucid) iyo Gudoomiyaha labaad ee wakiilada (C/casiis Samaale) hore ugu sheegnay siyaasaddayada ku waajahan Somaliland xaga Ictiraafka waxa weeyaan ina aanan u gacan dhaafin midawga Afrika (AU) markaa halkaa ka hawl gala
-
Riyaale: Dee haaye iyagiina way isku kaaya celcelinayaan uun ee idinku maa noola hadashaan?
-
Mareykanka: Madaxweyne idinka ayaa nagaga fiican ina aa ka hawl gashaan ee dadaalka kordhiya hana niyad jabina
-
Riyaale: Haddaba wixii mucaawima ah ee aa nasiineysaan naga daaya Hay’adaha Samaflka ee aa noo soo marineysaan oo si toos ah noo siiya?
-
Mareykanka: Madaxweyne haddaanu toos idiin siinno iyo haddaanu hay’ad idiin soo marinaba lacagtii waa idin soo gaadheysaa. Midda kale iyagu waxa aay ku shaqeeyaan hab-dhaqanka xisaabaadka caalamiga ah markaa waanu la xisaabtami karnaa
-
Riyaale: Malaha waxa aa u heystaan ina Afrikaanku ka siman yahey musuqmaasuqa ee waxa aan kuu sheegaya imika intii aanan soo bixin ayaan xeerkii musuqmaasuqa baarlamanka u gudbiyay markaa wax naga halaabayaa ma jiro haba yaraatee
-
Mareykanka: Madaxweyne waanu la soconaa marka uu hirgalo buugaagtiina u furtaan xisaabiyayaal madaxbanan (independent auditors) ee aa hirgelisaan qawaaniinta xisaabaadka ee sugan ee adduunka lagaga dhaqmo ee aanu ku qanacno waa la isla eega karaa
-
Riyaale: Sida aa uula socotaan argaggixiso iyo wadaaddo xag jir ah ayaanu dagaal xoog leh kula jirnaa imkaaniyaad badan oo aanu kula dagaalanana ma heysano markaa maxaa u kordhin weydiin mucaawimadan yar ee na siisaan?
-
Marekanka: Madaxweyne horta waanu la soconaa dagaalka aa kula jirtaan aragagixisada iyo dadaalkiina waana ku amaanan tihiin. Sida aad Madaxweyne ogsoontahey ciidamadiina aragagixisada waxa aanu ku taba barnaa Ethiopia, EU du waxa aay idinku cawisay qalab (SPU) kii lagula dagaalami lahaa aniguna mucaawinooyin kale waanu idiin fidinnaa. Waxa kale oo aanu la soconaa ina ciidankii loo tababaray aragagixisada aay bari dhaweyto gadoodeen oo aay mudaaharaad ku dhigeen baarlamanka iyaga oo ka cabanaaya ina masruufkii dheeradka ahaa ee EU du u qorta aanay helin oo aad Madaxweyne guddi u saartay soo baadha; arrintaasi Madaxweyne xageebaay ku denbeysay?
-
Riyaale: Arrintaasi waata aanu wasiirkii daakhilga iyo taliyihii ciidankaba ku erinay marka waxa aanu sidaa u yeelnay ina aanu dadka tusno ina aanan wax is weydaaris u dulqaadanayn imikana waay helaan wixii loogu tala galay
-
Mareykanka: Madaxweyne haddi aay su’aalihii kaa dhan yihiin waxa aan jecelahay ina aan dhawr meelood oo aanu dareen ka qabno wax kaa weydiiyo ha una qaadan xumaan ee waxa aanu uuga jeednaa ina ay wax idiin hagaagaan?
Riyaale: Waa iga dhanta hey ee soco
-
Mareykanka: Madaxweyne doorashooyinkii hore ee idiin qabsoomay amaan weyn ayaa ku hesheen haddana waxa idinku soo fooleh doorashadii Madaxweynaha oo mucaaridku ka cabsi qabaan ina aad dib u dhigto, haddaba imika ma ku ballan qaadeysaa ina mudeyntii axsaabta iyo komishanku isku raaceen ina aad doorashooyinka ku qaban doonto wakhtiga loo cayimay (Aug 31, 2008)
-
Riyaale: Waxa aan ku xasuusinayaa intii aan Madaxweynaha ahaa aniga ayaa hirgeliyay ina aay saddex doorasho noo qabsoomaan imikana way iga go’antahay ina doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan. Taa waan ka ballan qaadayaa
-
Mareykanka: Madaxweyne waxa aan kula socodsinayaa ina caalamka oo dhami aad u daneynaayo ina doorashooyinku wakhtigoodi ku qabsooman haddi aay dib uuga dhacaana aay geedi socodkii dimuqraadiyada xagal daacin doonaan lagana yaabo ina aay qalaanqal u horseedo nabada aa ku faantaana wax yeeli kara. Dhinaca wanaagsan haddi aad ka iigtana Madaxweyne haddi doorashadaasi wakhtigeedi ku qabsoonto si nabadgelyana ku dhamato ictiraafka wax weyn ayaay idiinka tareysaa
-
Riyaale: Adigu kharashka ayaa weli naga kala dhiman ee waxaba taa haka werwerina
-
Mareykanka: Madaxweyne sidaa heshiisku yahay kharashka waxa aay aheyd ina Mareykangu bixiyo tababarka shaqaalaha ka shaqeeyn doona doorashada; kharashka kalana aay Somaliland bixiso (25%) EU duna baaqiga (75%) waxaana xubnihii komishanka ka socday ee maalintii dhaweyto yimid Nairobi aay danjiraha noo fadhiya Kenya u sheegeen inaanay qeybtiinii weli soo dhamaanin, markaa qeybtiinii ma bixisen haddi aaydan bixina goormaa bixineysaan?
-
Riyaale: Waxa dhacay is faham la’aan ee intii u horeysay waanu bixinay baaqigiina dhakhso ayaanu u bixineynaa ee ta ka xil la’ aw. Waxa se nagu xidheen diiwaangelinta cod bixiyaha oo laga yaabaa ina aay nagu adkaato
-
Mareykanga: Madaxweyne anagu idinkumaanu xidhin ee waanu idinkula talinay ee idinka ayaa isku xidhay oo ku qayaxay qaynuunka doorashada ina aan doorasha la qaban karin haddi aan la diiwan gelin codbixiyaha anaguna waanu idinka caawineynaa dhaqaala iyo farsama ahaanba suurta gelinteeda
-
Mareykanka: Madaxweyne waxa yaala badan ayaa la idinku eedeynayaa. Waxaana ka mid ah a) ina garsoorkii ku milmay fulinta b) ina aa is hortagteen furida axsab cusub c) ina aa u xidheen madaxdii QARAN si sharci darro ah c) ina aa inqilaabteen daladii xuquugal insaanka ee Shuro-Net d) ina aa saxaafadii cabudhissen imikana soo wadaan dhaqan gelinta xeerkii Yemen ku dhaqmi jirtay berigee hore ee aay aheyd shuuciga e) ina aa soo wadaan komishan xuquuqal insaanka ah oo aad adigu soo maqacaawday f) ina musuqmaasuqu xukuumadaada hadheeyay g) ina xukuumadaado (cabinet) badan tahey; markaa ma laga yaaba ina ceebahaasi idinka hortaagan yiheen ictiraaafka?
-
Riyaale: Adiga oo iga raali ah waxa la moodaa ina aad afkii mucaaridka ku hadleyso. Intaasi waa iga kaftan. Horta waxa aan kuu sheegayaa anagu qabaa’il baanu nahey oo waa ina uu qabiil waliba iska dhex arkaa xukuuumada. Mida kale anagu weli curdinbaanu nahey waananu sheegnaa ina weli wax badani naga dhiman yiheen waxaanaanu u araknaa qalad ina nalaga mid dhigo dawladaha hore u maray. Meeshu waa Afrika sawdigaa arkaaya wax ka dhacaaya Kenya!
Mareykanka: Madaxweyni aad ayaad u mahadsantay kuna soo dhawoow Washington
Sheekadii ka dhexdhacday Weftiga markii shirka aay dhameysteen
Riyaale: Cabdilaahi (Wasirka dibada) saw kagamaan yuumin
-
Cabdilaahi: Madaxweyne aad iyo aad; waanse kula yara qabqabtay
-
Riyaale: Oo bilaaydii mucaaridka ayaa inooga soo horeysay; Intaa wax baay qorayaan; waxba se ma leh; ina Cali Waraabi isaga gartay oo meelwalba wuu taagnyahey ee Siiranyo iyo C/casiisna goorma ayaay yimaadeen xageebaay inaga dhaafeen iyaguna ma baasaboor ajnebi ah ayaay sitaan
-
Cabdilaahi: Madaxweyne Somaliland adiga oo la xamanaayay mooyaani cid aan baasaboor ajnebi ah sidanni ma jirto. Bal nimankayagan ku la socda sidaa u eeg: Axmed Xashi, Cabdi Haybe iyo Casow (Ingriis) anigaaba uugu leeta oo (Green Card) leh
-
Cabdilaahi: Madaxweyne shirkii SOPRI ayaay yimaadeen ee aad saacadii u denbeysay tidhi kuwii mucaaridka ayaa kolay inuu soo dhex xulaaya ee inaga dhaaf
-
Riyaale: Dee haaye adiga ayaa iga baqadsiiyay; Ah waay ina seegtay. Meesha KULMIYE inagu dhaafay waa dibada hase yeesho e imika intii Maxamed Aar inoo soo galay shaqa weyn baaynu ka qabanay. Cismaan Hindina waa inaaynu dibada u soo dirnaa hakaga boodhiyee Tvga Universalna waaynu u kireysan ileen Tvgii Qaranku halkan ma jiro
-
Riyaale: Waar adigu Cabdi Haybe siddii Cabdilaahi ilamanaad qabqabane ma sidaas ayaad u tamar yar tahey?
C/Haybe: Madaxweyne anigu kama hadlo halka Madaxweynuhu ka hadlaayo
Riyaale: Haa ye dee markaasi oo kale waa la isla yar qabqabtaa
-
Riyaale: Kuwii yaryaraa ee jaraaidkuna saw madaarki inagu sugi maayaan, kuwaasi naftii ayaay noo keenen laakiin waxa aaynu ka ceel bixi marka xeerka cusub la ansixiyo.
-
Cabdilaahi: Waxba haka werwerin intii caadiga aheyd ee aan kuu la qimay ayuun baad odhan: “waxa aanu ka wada hadalanay danaha naga dhexeeye iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa”.
-
Riyaale: Waar Sacad (Sacad Sh. Cisman Nur) adigu saw digii lahaa Mareykankii waay soo dibceen.
-
Sacad: Madaxweyne Maalintii Marxuumku yimid iyo maanta waa cirka iyo dhulkaa
-
Riyaale: Oo Sacad Siiraanyo iyo C/casiisna maadaa u geeyay
-
Sacad: Madaxweyne sidiibaan anigu uugu geeyaa; Madaxweyne nimankan cidwalba waay arki karta
-
Riyaale: Oo markaa waxbaba ma aha e; dee markaa qabaabiirtii inamaad tusine; ma waxa aad ka cadheysan tahey waxoogaggii Cabdilahi Yare kaa raajiyay
-
- Riyaale: Intaa waaynu dhameyn doonaaye waxa aan ku idhi Sacad turubka ma ciyaartaa
-
- Sacad: Madaxweyne anigu dhal sheekh baan ah oo weligay ma ciyaarin waanse soo heli
Su’aalihii Aan Weydiin lahaWefdiga haddan la kulmi lahaa
- 1. Hay’adaha xuquugal insanka sida Amnesty International iyo kuwa maxaligaba ah ma u fasixi karta ina aay soo siyaartaan caruurta jeelasha ku xidhan?
2. Wadanka waxa ka jira gudiyo nabad sugid ah (Security Courts) oo sarajooga dadka ku xukuma oo aan wakhtigii Siyaad jirin, maxaa isbedelay ayaay dadku leeyiheen ee ka waran?
3. Sida laga warqabo waxyaalihii lagu xidhay madaxda ururka QARAN waxa ka mid aheyd ina dhagax dhiggi aad dhagax dhigtay warshadihii aay ka midka aheyd ta sibidhku aay ku sheegeen mid aan waxba ka jirin, hadaba sua’aasho waxa weeye maanta oo uu wasiirkii warshaduhu ka dhawajiyay ina aay aheyd mala-awaal, markaa ma qireysaa ina sharci darro lagu xidhay ma kana raali gelin doontaa?
4. Daladii Shuro-Net si lagu tilmaamay inqilaab madani ah oo kale ayaay xukuumado uugu wareejisay maamul xukuumada u adeega taasi oo kaliftay hay’adihii calamiga ahaa ee Shuro-Net caawin jiray ina aay joojiyaan mucaanadii dhaqaale, marka miyaan la odhan karin ujeedada xukuumado ka laheyd waxa weeye ina aay baabiiso hay’addihii u dagaalamaayay xuquuqda bani-aadmiga?
5. Mar suxufiyiinta maxaliga ihi ku weydiisay ina aad jebiso distoorka waxa aad ku jawaabtay distoorka ma jebiyo ee marmar ayaan iska garab maraa!!! Jebid iyo garab mar maxaa u dhaxeeya? Miyaanay se ka dhigneyn bakhtiga ma cuno ee fuudkiisaan cabaa?
6. Waxa aay Somaliland ku soo caana maashay wada tashi iyo isu tanasul oo aad adiguna ku celcelisaa hadana markasta oo la saaro gudi dhexdhexaadis ah ha uugu denbeeysu tii Abwaanta/culimada iyo aqoonyahanada waad ku gacan seydhaa waxa aay soo go’aamiyaan markaa miyaanad ka talaabsan wada tashigii iyo isu tanaasulkii?
7. Distoorka SL waxa kow ka ah ku dhaqanka ganacsiga xorta ah oo ka reeban faragelin, haddana dhoofintii Xoolaha waxa aad u xidhay nin carbeed oo la yidhaahdo Suleiman Al-Jabiri oo aad weliba qiimaha uu suuqa ka joogo mid ka jaban ku siisay. Sidoo kale shidaalkii waxa aad u xidhay TOTAL , miyanay taasi distoorka ka soo hor jeedin? Maxaase faa’iida ah ee wadanka uugu jirra?
8. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahy oo codsaday ina loo ogolaado ina aay furtaan baan (Private Bank) oo aad u diiday; waxa kale oo jirtay ina qaar kalana codsadeen ina aay warshada sibidhka iyago maal geliyaan oo markii hore aad ku xidhay ina aay mashruuca qof reer Awdal ah ku soo daraan oo hadana markii aay ku soo dareen aad u diiday, miyaan taa loo qadan karin ina aad hortaagan tahey horumarka wadanka?
9. Waxa aad markasta oo aad dibad u baxdo ku andacootaa dad maal gashada wadanka ayaan soo raadinayaa, kuwii maxaliga ahaa ee diyaarka u ahaana waad diidan tahey ina aay maal-gashadaan, waa maxay sababtu?
10. Dhulka shacabka Hargeysa wixii laga bixinaayo adiga ayaa bixiya; baasaboorka Somaliland ee la bixinayo adiga ayaa fasaxa oo weliba saxeexa, marka sow sidaasi ma aha waxa aan aniga isuu marin socon maayaan?
11. Gurigii hore ee aad ku jiri jirtay markii aad ku-xigeeenka aheyd waxa laga dhisayaa quri shan dabaq ah, gurigaa yaa dhisanaaya? lacgta ku baxeysa yaa leh?
12. Caalamka Somaliland mucaawimada u fidiya sida EUda waay ka ashkatoodiin xeerka saxafada ee aad u gudbisay Baarlamanka; ururka SLF , hay’adaha xuquuqul insanka iyo ururada saxaafaduba ixtijaaj ayaay ka bixiyeen, ma kula tahey ina aad la noqoto mise waxa aad leedahey la isu joojin maayo? Ma se ka war haysaa ina xeerka laga soo xigtay Yemen oo aay ku dhaqmi jirtay markii aay shuuciga aheyd?
13. Warbaahinta xukuumado khaasatan Radio Hgsa/Tvga Qaranka/ iyo jariidada Maandeeq intaba waxa si joogta ah loogu adeegsadaa aflagaadada madaxda mucaaridka iyada oo aan mucaaridka marnaba loo ogoleyn ina aay is difaacaan miyaanay ka mid aheyn wax ummado wada leedahay? miyanu qaynuunku dhiga hayen ina waxa ummada loo sinnaado?
14. Mar lagu weydiiyay musuqmasuqa wadanka laciifiyay maxaad wax uuga qaban weyday waxa aad ku jawaabtay maxa la musuqmaasuqaa waxbaba ma yaalane? Weli ma waxa aad aaminsantahey ina aanu musuqmaasuq wadanka ka jirin?
- 15. Waxa lagugu eedeeyaa ina aad musuqmasuqa kow ka tahey oo aad guryo ka dhisatay Qaahira iyo mela kale ma waxa aad leedahaye waxba kama jiraan?
- 16. Waxa la is la dhex marayaa Guurtidu ina aay soo wado ina aay laba sanno kuu kordhiyaan oo aay doorashada Madaxweynaha dhici doonto (2010) oo aay iska dhega tiri doonaan mudeyntii axsaabta iyo komishanku isla ogolaadeen ( Aug 31, 2008), adigu haddi aay sidaasi Guurtidu ku dhaqaaqdo maxaad yeeli doontaa?
17. Waxa aad ku cabaataa ina aqoonyahanka reer Somaliland aanay aqoontuuda uuga faa’ideyn wadanka hadana warbixintii (report) aay soo diyariyiin gudidii GOODWILL MISSION ee ururka SOPRI igmaday ee ku dheehneyd talooyinka iyo tusaalaha qiimaha leh waxba kamaad hirgelin; ururada aay ka midka yiheen SLF, SIRAJ iyo qaar kalaba in badan ayaay baaqyo xambaarsan talooyin wax ku ool ah si toos ah iyo si dadban xukuumada uugu gudbiyeen, weli ma la hayaa mar qudha oo aad talooyin kooda qaadatay?
- 18. Saxiibada SL (Somaliland Friends) sida Allun Michael, Lord Avery iyo madax ka socota EUda aay talooyin in badan kuu soo jeediyay, ma sheegi karta weli mid aad ka qaadatay?
19. Wasiirada xukuumada waxa aay ku kacaan amba ku hadlaan waxyaalo ummada kala fogeynaaya kuna dheehan qabiil amba aflagaado. Waxa ka mid ah wasiirka maaliyada oo had iyo jeer ku halqabsada qabbiil mar uu yidhaahdo HJ ayaa argagixisada inuu keentay, Ismaaciil yare oo yidhi KULMIYE ayaa ka denbeeyay dilkii argagixisada ahaa, Talaabo oo isagu ku luuqeeya aflagaado aan loo nisbeeyn karin qof wasiir ah sida madaxda QARAN ina la dilo ayaay aheyd ee haddi la xidhay waa loo naxaristay IWM, aflagaadadaa miyaad la qabtaa? Haddi aanad se la qabin maxaad uuga hadli weyday?
20. Waxa labadii sannaba mar wadanka yimaada Shuyuukh Carab ah (Emirates & Qatar) iyaga oo wata gawaadhida aad u dheereysa hubka shimbiraha lagu ugaadhsado oo inta aay hawdka xulaan dhulkii daaqa ka dhigaan garoomadii kubada lagu ciyaari jiray oo kale. Shuyuukhdaasi goorma ayaay wax ina tareen? waase maxay sababta aad uugu ogolaatay? ma cid ayaa lacag ka qaadatay?
21. Khayraadkii bada waa la xaalufiyay oo marakiib Masaari ah oo ku qarxinaaya miina bada hoosteeda ayaa jira oo lagu xamanayaa ina aad lug ku leeydahay; maxaa ka jira ina aad lug ku leedahey? waa maxay faa’idada Somaliland maraakiibtaa ka soo gashaa? Faa’iidada inaga soo gashaa ma se u dhigan taa khasaraha aay khayraadka bada gaadhsiinayaan?
- 22. Miisaaniyadii sannadka (2008) saddex bilood ayaay dib u dhacsan tahey, maxaa dib u dhigay? Goor maase baarlamanka la keenayaa
- 23. Madaxweyne ummada ma bilaash ayaad uugu shaqeysaa, haddi aanad uugu shaqeyn mushaharkaagu waa imise? Ma dhabaa se ina aad madaxweyne Bush ka mushahar badan tahey?
24. Shirweynihii KULMIYE baryahan aad ayaa looga hadlayaa hadaba waxa lala socda ina uu shirweynihii UDUB laba sannadood dhaafay mudadiisii ee Goorma la qabanayaa? Sidiibaa se xisbigu u soo xulayaa ergooyinka?
25. Adigu waxa aad hore u sheegtay ina aad markale isa soo sharaxeyso qaynuunkuna waxa uu odhanayaa qudobka 88 (2) “Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan” markaa ma waxa aad leedahay ku si-me ayaan ahaa labadii sanno ee hore ee maan aheyn madaxweyne?
- 26. Waxa kale oo la leeyahy Madaxweyne-ku-xigenku waxa uu diyaar u yahay ina uu isla kaa soo sharaxo? Taa weli maka wada hadasheen? Adigu se waxa la leeyahay waxa aad doondooneysaa cid kuu noqota M-k-xigeen ee yaad indhaha ku heysaa? Maxaa ka jira se ina aad madaxda reer KULMIYE qaarkood indhaha ku heys oo aad sidii Cabdi Haybe qaar kale ka soo xadeeyso?
27. Madaxweyne adiga oo mahadsan su’aasheyda uugu denbeysaa waxa weeyi waadigii Germany caafimad u tagay imikana waxa la leeyahy Mareykanka waxa aad u timid cafimaad? Markaa waa ceynkee xaaladaada caafimaad?
Gebogebo
Aan idiin horeysiiyo e Madaxweynuhu waxa uu markale dadka uugu bushaariiyay mashaariicdii uu wasiirka warshaduhu ku sheegay MALA-AWAAL ee lagu qiimeeyay saddexda boqol ee milyuun la bilaabi doono laba bilood kabacdi -taasi oo ku beegan aakhirka March 2008. Cajiib! Wax la taaban karo oo uu wefdigu ka soo hooyay socdaalkan lama hayo. Wefdigu waxa aay maalin dhan oo la shaqeeynaayay ku lumiyeen dalxiis aay sawiro badan oo qurqurux badan iska soo qaadeen iyagii oo diiday ina aay lakulmaan halgamayaal ajnebi ah oo siyaasada Mareykan wax laga weydiiyo uuna dhuun daloola. In kasta oo uu arkay State-departmentka hadana dad badani waxa aay u arkayeen socdaalkani ina uu yahey dalxiis. Waxa iyana dadkii goob jooga ahaa niyad jab ku kiintay khudbadii uu bixiyay markii uu dadka lakulmay oo aheyd mid aad u macna yareeyd. Fikirka aay dadku kala soo noqdeen markii aay khudbadiisii dhageysteen waxa aay kala soo dhex baxeen ina Riyaale aanu aheyn nin aqoon leh uu wadanka ku hogaamin karo iskuna xeeray koox aan isaga waxba dhaamin.
Dadku waxa aay is weydiinayaan safaarkii Marxuum Cigaal ee sagaal sanno ka hor iyo kan maanta Riyaale ku yimid Mareykanka iyamaa midha dhalay? Dadbadani waxa aay aaminsanyiheen socdaalkii Cigaal ina uu guuni-isu-taaga Somaliland dhidibada u aasay; Waxanay dadku walaac ka muujiyen ina uu safarkani ahaa mid wax ku uul ah.
Isku soo wada xoori oo socdalka uu Madaxweynuhu ku yimid Mareykanka waxa aay niyada ka dishay cid kasta oo ka naxeysay guuni-isu-taaga Somaliland.
Ali Gulaid
San Jose, CA


TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde