Manhajka Waxbarashada Somaliland oo laga saaray Taariikhda Halgankii SNM iyo Jawaabo adag oo ay ka bixiyeen Axmed Siilaanyo iyo Xasan Ciise

Hargeysa (Somaliland.org) - Manhajka Waxbarashada ee dugsiyada Dhexe ee Somaliland ayaa la xaqiijiyey in laga saaray cutubyadii ka hadlayey taariikhda ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo halgankii loo soo maray xorraynta iyo dhismaha Somaliland. Waxaana arrintaas si cadho leh uga hadlay madaxda iyo siyaasiyiintii hoggaamineysey ururkii SNM oo ku tilmaamay Khiyaamo Qaran iyo wax aan loo dulqaadan karin.

Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa ayaa cadadkiisii Isniintii qoray in Buug cusub oo loogu talagalay ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe, lana daabacay sannadkii 2005, balse, ardayda loo qaybiyey sannad-dugsiyeedka 2007/2008, laga saaray cutubyo door ah oo ka hadlayey taariikhda Somaliland, halgankii qadhaadhaa ee SNM u soo martay xorraynta dalkan Somaliland, cadaadiskii iyo cabudhintii Taliskii Siyaad Barre kula kacay shacbiga Somaliland iyo weliba ku dhawaaqistii goonni isu taagga iyo dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida uu qoray Wargeyska Jamhuuriya, buuggan oo lagu magacaabay “Cilmiga Bulshada” waxa lagu beddeley buuggii Taariikhda ee fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee la daabacay 1998, isla markaana si baahsan uga hadlayey taariikhda Somaliland iyo Halgankii SNM.

Waxaana uu warku sheegay in Manhajka oo ay daabacaaddiisa iyo dejintiisa iska kaashadeen Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan Dhaqanka iyo Waxbarashada ee UNESCO uu ku saxeexan yahay Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne).

Hase yeeshee, Wasiirka Waxbarashada oo maanta weriyayaal ka kala socda saxaafadda madaxa bannaani ugu tageen xafiiskiisa wuu ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo arrintaas, waxana uu si kooban u sheegay inaanu wax war ah ka haynin arrintaas, balse, uu soo baadhayo, saxaafaddana uu si fiican ugaga warrami doono maalmaha soo socda.

Taariikhda Somaliland iyo halgankii SNM oo wargeyska Jamhuuriya iftiimiyey faa’iidada ay u leedahay jiilasha soo kacaya ee aan ogeyn qiimaha ay Somaliland ku fadhido iyo halka ay ka timi, waxaa wararkan ku saabsan in Manhajka laga saaray ka cadhooday siyaasiyiinta iyo madaxda ururkii SNM, isla markaana si weyn u cambaareeyey.

Guddoomiyaha ururka SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac oo xalay telefoon ugu warramay Wargeyska Jamhuuriya ayaa ku tilmaamay arrintan dembi qaran oo aanay Wasaaradda Waxbarashadu sina uga gilgilan kari masuuliyaddeeda.

“Arrintaa dembiga ugu yar ee ay wasaaraddu ku yeelan kartaa waa in ay il-duuf ahaan uga tageen cutubyada ka hadlayey taariikhda SNM, dembiga ugu weynina waa inay kas uga tageen, iyada oo ay labadu yihiin dambi culus oo masuuliyadeeda aanay madaxda wasaaraddu sinaba uga gilgilan karin,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

“Haddii ay caddaato in wasaaraddu ula-kas uga saartay manhajka waxbarashada taariikhda halgankii SNM, waxaad ku kalsoonaataa in aannu arrintaa dabageli doono ilaa inta aannu ka gaadhayno kama dambyasta, sidaana kaga hadhi mayno waanuna ku tuntuusan doonaa,” ayuu raaciyey Xasan Ciise.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta weriyayaal ka kala socdey Radio Horyaal iyo Telefishanka Madaxa bannaan ee SLTV wax ka weydiiyeen arrintaas ayaa si weyn u cambaareeyey, kuna tilmaamay ayaandarro aad u weyn.

“Halgankii SNM waa halganka Somaliland keenay, waa halganka xorriyadda Somaliland keenay, ummad badan ayaa u shahiiddey, ku maal-beeshay, ku naafowdey, ku agoomowdey. Maanta, Somaliland gebigeedaba waxa dhashay SNM,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

“Waynu ku sugeyney wakhtigeeda. Markii hore mujaahidiintii baa la baabi’iyey, maantana waxa la tirtirayaa magacii SNM baa la tirtirayaa oo siduu u dhan yahay meesha laga saarayaa,” ayuu raaciyey.

Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inay tahay ayaandarro kale haddii ummaddu diidi weydo oo ay ka dhiidhiyi weydo waxyaabaha noocaas ah ee ay ka mid tahay tirtirista taariikhdii SNM. Waxa kale oo uu sheegay in uu ogaadey in carruur yaryar oo arday ah la qoro Sirdoonka iyo Basaasiin, dalkii oo dhanna laga dhigay NSS (National Security Service, Hay’addii Taliskii Siyaad Barre u qaabilsanayd Cabudhinta iyo cadaadiska) taas oo uu sheegay inay ahayd waxyaabihii SNM ka dagaalantay lidkeeda.

“Maalin walba in Rajiimkaasi tallaabo soo qaadayo oo u soo qaadayo inuu wixii uu yaqaanney uu ku soo celiyo, oo dalkiiba laga dhigay basaasiin oo halgankii iyo magaciisii iyo taariikhdii la tirtiro,” ayuu yidhi.

Waxana uu sheegay inay si adag u cambaaraynayaan, ugna xun yihiin arrintan, isaga oo ballanqaaday in aanay noqon arrintani mid socoto ama hirgasha.

“Waxaanu ballanqaadaynaa in arrintaasi aanay noqon mid socota. Waxaanu ballanqaadaynaa ama ha la jeclaado ama ha la necbaado halgankii SNM oo buuxa taariikhdiisu ay soo noqon, dalkana ay baal dahab ah ka geli doonto,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008