Qoraalada Naloo Soo Diro iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

Iyada oo lagu jiro sannadka 2008, muddo dheerna ay jirtay teknoolojiga internerka iyo kombuutarada casriga ah oo si fudud dadka uga caawinkara qoraalada, ma la aqabali karaa qoraal Af-Soomaali ku qoran haddana aan la akhrisan karin sababta oo ah waxa ka buuxa khaladaadka madbici ah?

Muddo dheer ayaa akhristeyaashu qoraalladooda u soo diriyeen Somaliland.Org loona soo daabacayay. Inkasta oo qoraallo badan loo soo qoro si heer sare ah, waxa jira oo aan layska indhatiri karin kuwo kale oo Af-Soomaali lagu soo qoray oo tayadoodu aad u liidato haddana qoraagu uu ku cabanayo inaan loo tixgelin (loo soo daabicin) oo layska indha tiray. Qoraagu ma iswaydiiyay inuu hoos uga maray heerkii laga filayay qof wax qori kara waxna akhriyi kara?

Somaliland.Org waxay isku dayaysaa intii karaankeeda ah inay hagaajiso qoraallada loo soo diro waana la aqbali karaa qoraal ay ku jiraan dhowr eray oo khaldan oo la ilduufay, hase yeeshee dadka wax qora ee jecel in qoraalladooda la soo daabaco haddana aan isku taxaluujin qabyo tirka qoraalkoodu gar kuma laha inay ka cadhoodaan ama ku cawdaan “maxaa qoraalkaygii laysaga indha tiray”. Waxa iswaydiin leh, qofka computerka soo horfadhiistay iyada oo lagu jiro 2008 ee wax soo qoray ma wuxuu awoodi waayay inuu wakhti yar ku qaato qabya-tirka qoraalkiisa (saxidda spelling-ka)? Mise wuxuu kala garankari waayay sida saxa ah ee uu magaciisa u qori karo inaanay ahayn khalif xaaji xassan ee ay kaga habboontahay Khaliif Xaaji Xasan, haddii Af-Ingiriisu u qorayana Khalif Haji Hassan iwm? Mise waxa aanuu garan sababta aan magaca dalkiisa loogu qorin somaliland ee loogu qoro Somaliland?

Aqoondarro ma aha ee badiyaaba waa hawl yaraysi iyo degdeg, waxana qofka qoraalkaa akhrisanayaa ay ku tahay dhib wakhti dheeraad ah inuu fahmo nuxurka qoraalka waxan suurto gal ah inuu ka tago inta aanuuba dhaafin labada layn ee ugu horreeya qoraalka. Qoraal aan cidina akhrisandoonin waa ku khasaare in webmasterku soo daabaco wakhtina iskaga lumiyo, ama waa inuu isagu (webmasterku) u saxaa oo uu wakhti dheeraad ah ku lumiyaa sixidda qoraalkaas.

Dadka wax soo qora badidoodu waxay joogaan waddamada reer galbeedka, su’aasha la isweydiinayaana waxay tahay maxay nidaamka wax loo qoro ee dalkaa ay joogaan caadada u ah wax uga baran waayeen?

Waxa khasab nagu noqotay in aanaan soo daabicin qoraallada aan la soo qabyo tirin, qoraaguna haddii uu sharraxaaddan akhristay in aanuu ka caban sababta loo soo daabici waayay.

Hoosta waxa ku qoran tusaalooyin ay ka muuqato qabyada qoraallada naloo soo diro ka muuqda:

  • somlialnad (Somaliland) / Etiobiya (Ethiopia ama Itoobiya) / wadanimo (waddaninimo)
  • axmed (Axmed), somaliland (Somaliland)
  • Af-Soomaali ama Ingiriisi in midkood ku adkaysto: ahmed xaaji xassan (Axmed Xaaji Xasan), ama dalka Djbuuti (Jabuuti ama Djibouti)

 

Waxa iyagana aanu qiimayndoonaa arrimahan soo socda:

Qoraalku …

  1. Ma yahay mid waxtar leh ama wax ku soo kordhinaya akhristaha?
  2. Miyay ku jiraan haddalo aflagaado ahi?
  3. Akhristeyaasha aan yaalaaba aad wax u soo qorin
  4. Nuqul qudha soo dir (Send one copy)
  5. Qoraalkaaga ma u soo qortay si habaysan?

  1. Ma yahay mid waxtar leh ama wax ku soo kordhinaya akhristaha?
    • Arrimaha ugu muhiimsan ee aan qoraalada ku qiimayndoonaa waa habkaloo soo diyaariyay qoraaguna ugu galay daraasad mawduuca uu wax kaqorayo. Haddii aan qoraalkaagu ku fadhiyin daraasad iyo baadhitaan aad shakhsiyan u gashay waxa aad ka hadlayso, ma yeelanayo qiime, waxana ay nagu kelifaysaa inaanaan soo qorin.
    • Haddii qoraalkaagu yahay war aad soo xigatay soo raaci meesha aad ka soo xigatay.
  2. Miyay ku jiraan haddalo aflagaado ahi?
    • Ma soo daabici doono qoraalada aflagaadada xambaarsan, kamana wargelindoono qoraaga go’aankaas aanu gaadhnay. Markaa waxaan idinka codsanaynaa inaad qoraaladiinu ay noqdaan kuwo asluub iyo ixtiraam ku dheehanyihiin.
  3. Akhristeyaasha aan yaalaaba aad wax u soo qorin
    • Waxa iyaduna jirta in dadka qaarkii ay si isdaba joog ah wax u soo qoraan ayna naga codsadaan inaan qoraaladooda joogtoo u soo qorno. Waxba ka a qabno, laakiin waa in qoraaladaada badani ay yihiin kuwo buuxinaya qodobada aan soo sheegnay haddii kale waxay nagu khasbaysaa inaan kala doorano si aan akhristeyaasha kale u siino fursad ay aragtidooda ku soo bandhigaan.
  4. Nuqul qudha soo dir (Send one copy)
    • Waxa jirta dad noo soo dira qoraalkooda in ka badan laba ama saddex jeer (Too many copies of the same article). Taasoo sababta in mail-box ku naga buuxsamo. Qoraalka dhowrka jeer layska soo daba diro dhamaantiis waan iska tuuraynaa anaga oo aan furin mana soo daabici doono waayo wakhti iyo space midna uma hayno.
  5. Qoraalkaagu ma yahay mid aad soo habaysay?
    • Qoraalada degdega lagu soo qoro badanaaba waxa ka luma nidaamkii hagaagsanaa ee wax loo qori jiray. Taasina waxay keentaa in qofka akhrisanaya ay ku adkaato akhriska qoraalkaasi sababtaas awgeedna waxaan ka doorbidnaa kuwa sida nidaamsan loo soo qoray. Dadka qoraalada soo qora waxaaan aad ugu adkaynaynaa inay si habaysan u soo qoraan qoraaladooda. Tusaale isu qiyaas labadan qoraal ee hoos ku qoran:
KHALAD SAX

 

MAXAA NALAGU XIDHXIDHAY SIDEESE NALOOLA DHAQMAY

waxa intas oo dhan dheer oo la yaab leh qabkii naloo qab-qabtay
, waayo subax qudha ayaa iyadoo uu nin waliba nabad u soo toosay oo
suuqa Hargeysa iska marayo ,qoryo nalagu qabtya

haddaba marka la eego waxyaalaha aanu soo xusnay waxay daliil u yiihin inaanu
u xidhanahay arrin Siyaasadeed, waayo xataa marka laga yimaado tusaalayaasha
aanu bixinay ee muujinaya inuu xadhigayagu salka ku hayo mawduuc siyaasadeed
.

waxa kale ,oo iyana Firkanax nagu noqotay wixii nala kulmay in tii aanu Xabsiga
ku jirnay ,ka dib markii ay nala kulmeen waxyaalo aanaan filayn oo aanu garawsan
way nay . TUSAALE AHAAN MARKII AAN MUDDO XIDHNAYN AYAY HA,ADDA NABADSUGIDU NOO MUDAYSAY IN 19 JULY 2003 NALA HORGEEYO MAXKAMAD

Maxaa Nalagu Xidhxidhay, Sideese Naloola Dhaqmay?

Waxa intaas oo dhan dheer oo la yaab leh qaabkii naloo qabqabtay, waayo subax qudha ayaa iyadoo uu nin waliba nabad u soo toosay oo suuqa Hargeysa iska marayo, qoryo nalagu qabtay.

Haddaba marka la eego waxyaalaha aanu soo xusnay waxay daliil u yihiin inaanu u xidhanahay arrin siyaasadeed, waayo xataa marka laga yimaado tusaalayaasha aanu bixinay ee muujinaya inuu xadhigayagu salka ku hayo mawduuc siyaasadeed.

Waxa kale oo iyana firkanax nagu noqotay wixii nala kulmay intii aanu xabsiga ku jirnay, ka dib markii ay nala kulmeen waxyaalo aanaan filayn oo aanu garawsan waynay. Tusaale ahaan markii aanu muddo xidhnayn ayay hay’adda nabadsugiddu noo muddaysay in 19-kii July, 2003, nala horgeeyo maxkamad.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008