Dowladda Maraykanka oo Caddaysay in aanay waxba iska beddelin Mawqifkeedii Aqoonsiga Somaliland iyo Jawaabta Madaxweyne Riyaale

Washington Dc (Somaliland.org) - Dowladda Maraykanka ayaa caddaysay in aanay waxba iska beddelin mawqifkeeda ku aaddan Aqoonsiga Somaliland, kadib wadahadalo Madaxweyne Riyaale la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, halkaas oo uu booqasho ku joogo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, McCormack oo Khamiistii saxaafadda warbixin siinayey ayaa la weydiiyey in kulankii Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabbilsan Afrika, Ms Jendaya Frazer la yeelatay Madaxweyne Riyaale uu hordhac u yahay tallaabo Maraykanku u qaadayo dhinaca Aqoonsiga Somaliland, waxa uu yidhi,

Ma jiro wax isbeddel ah oo ku yimi siyaasaddayada ku wajahan halkii aanu ka taagnayn Aqoonsiga Somaliland. Annagu ma nihin kuwo qarka saaran aqoonsiga Somaliland. Waxa jira qorshe socda oo ah in Midowga Afrika qaato xilka arrintaa, annaguna waxaanu doonaynaa inaanu si dhow u eegno ama isha ugu hayno xaaladdaas, laakiin, ma jirto wax isbeddel ah oo ku yimi siyaasaddayadii”.

Hase yeeshee, Mr. McCormack, waxa uu sheegay in kulankaasi uu qayb ka yahay xidhiidho ballaadhan oo uu Maraykanku la yeelanayo ashkhaasta siyaasadeed ee Soomaaliya ee danaynaya dhismaha hay’adaha dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, taas oo salka ku haysa qorshe dheer oo Maraykanku doonayo in lagu gaadho mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaan u malaynayaa inay muhiim tahay inaanu xidhiidho siyaasadeed oo badan la yeelano inta aanu awoodno ashkhaasta xilkaska ah ee Soomaaliya jooga ee danaynaya dhismaha hannaanka dimuqraadiyadeed iyo hay’adaheedu ee Soomaaliya, iskuna deyaya inay ka soo qaadaan halka ay taallo, isla markaana gaadhsiiyaan mustaqbal aad u rajo fiican,” ayuu yidhi Mr. McCormack.

“Xaqiiqdii, kulamadii Jendaya [la yeelatay Madaxweyne Riyaale], waxay ahaayeen kuwo si cad u hoos imanaya qaybtaas, waana siyaasad aanu doonayno inaanu sii wadno oo aanu ku soo jiidano,” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in qorshahan ay doonayaan inay xasillooni ballaadhan kaga dhaliyaan Soomaaliya, isaga oo xusay inay ka mid noqonayso inay la shaqeeyaan Axsaabta siyaasadda iyo inay dhiirrigeliyaan xisbiyada siyaasadda.

Waxa kale oo uu sheegay Mr. McCormack inay daynayaan la dagaalanka Argagixisada Soomaaliya iyo weliba Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo hadda muddo toddobaad ah booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay Diblomaasiyiin iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo isugu jira wasaaradda Arrimaha Dibadda, ammaanka Qaranka iyo hay’adda Kaalmadda dibadda u qaabilsan dalkaas ee USIAD. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta uu la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Ms Jendaya Frazer, Madaxa hay’adda la-dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo weliba masuulka Pentagonka u qaabilsan Afrika.

Waxaana la filayaa inay ka wadahadleen arrimo ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo ammaanka Geeska Afrika.

Madaxweyne Riyaale oo Qiray:

Madaxweyne Riyaale ayaa waraysi ay la yeelatay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA Jimcihii ayaa qiray in wadahadalkii uu la yeeshay masuuliyiinta Maraykanku aanu waxba ka beddelin mawqifkii Maraykanku ka taagnaa Aqoonsiga Somaliland.

Isaga oo guud ahaan ka warramaya wixii ay kala hadleen Maraykanka iyo Ingiriiskana, waxa uu yidhi, “Annagu marka u horraysa qaddiyaddayada, ama mid dhaqaale ah noqoto, dhaqaale sidii nalooga caawinayo oo dal dhismaya ayaanu nahay oo nabadsameeyey oo wax qabsaday, sidii nalooga caawin lahaa waan kala hadalay, Maraykan hadday noqoto iyo Ingiriis hadday noqoto iyo qaddiyaddayada inaanu kala hadalay”.

Waxana uu intaas ku daray oo uu sheegay Madaxweyne Riyaale in guusha ugu weyn ee uu gaadhay ay tahay in farriintaas ay gudbiyeen, wixii ka soo baxana ay sugayaan.

“Kumana talagelin marka u horraysaba waxaanu rabno inaanu hello, laakiin, waxaan leeyahay farriintayadii inaanu gudbiney baan ku qanacsanahay.. waxa ka soo bixi doonana mustaqbalka ay eegi doonaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

Madaxweyne Riyaale, oo la weydiiyey sida uu u arko hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ah in aanu waxba iska beddelin mawqifkoodii hore, waxa uu sheegay in wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka markii ay tageen aanu jirin wax aqoonsi ah oo ay haysteen ama la siiyey, balse ay ka wadahadleen.

“Hadday yidhaahdeen wax iska kaaya beddelay ma jiraan markii aanu kulanayna been may sheegin ayaan odhan karaa, waayo wax go’aan ah oo final ah oo aanu kala qaadanay ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

Madaxweyne Riyaale, waxa uu sheegay in Maraykanku uu taagan yahay mawqifkiisii hore ee ahaa in Midowga Afrika ay u daba joogayaan aqoonsiga Somaliland.

Warar ku saabsan socdaalka Madaxweynaha ayaa mar kasta tibaaxayey in ujeeddada ugu weyni ay tahay kaalmo dhaqaale inuu ka soo helo dalkaas, gaar ahaanna uu qayb ka qaato dhaqaalaha Maraykanku ku bixiyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Riyaale ayaa la filayaa caawa inuu ka soo ambabaxo Maraykanka.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos