Mugdiga ku Geedaaman Safarka Madaxweyne Rayaale. By: Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Sidii caadadu ahayd, mar kale ayaa dhinacyada siyaasadda iyo Golayaalsha Qaranka Soomalilayn is weydiinayaan ulajeedada safarka Madaxweynuhu ugu baxay debedda waqtigan.
Waxa dhaqan noqotay inaan Madaxweynuhu waxa tafaasiil ah ah ka bixin ujeedooyinka safarada uu debedaha ugu baxayo. Goalayaalsha Qaranka ee Wakiilada, Guurtida, xitaa Golihiisa Wasiirada, xitaa Xisbigiisa UDUB ayaan sheegi Karin ujeedada dhabta ah ee Madxweynuhu ugu baxo meelaha uu tegayo. Waxad mooddaa inay safaradaasi sir qaran yihiin. Haddii ay sir qaran yihiin miyaan golayaalsha qaranku wax ka ogaadeen? Cajiib. Dhab ahaantii isaga iyo in yar oo uu ku kalsoon yahay ayaa runta safarka ka warrami karta.
Mugdiga joogtada ah ee ku geedaaman safarada Madaxweynuhu wuxu keenay in dadku ku denbaabo ujeedada safar kasta oo uu u baxo.
Maqaalkaygan waxan ku eegayaa argtiyaha dadku ka bixinayo safarkan Madaxweynaha ee ugu danbeeyey.
Fasiraadii Madaxweynuhu Safarka ka bixiyey Laguma Qancin
Warkii uu Madaxweynuhu saxaafadda ugu talo galay ee ku saabsanaa halka uu u ambabaxayo iyo sababta uu u tegayaa wuxu ahaa:
“Waan dhoofayaa, waxan tegayaa dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Maraykanka. Waxan dalalkaas u tegayaa danta Somaliland “.
Maadaama warka Madaxweynuhu safarkiisa ka bixiyey aannu waxba dadka u iftiimin, bal aynnu mala-awaalkeena hoos ugu daadegno. Waxa la leeyahay Madaxweyne Rayaale Marykan ayuu ku socdaa, Itoobiya iyo Ingiriisku waa jidkii ay diyaaradda Itoobiya Airline la sii maraysay.
Haddii xaal sidaas yahay isweydiintu waxay tahay: waa kuwee xafiisyada Maraykanka ee casumaadda fidiyey? Ma Guriga Cad baa laga casumay? Ma Wasaaradda Gaashaan dhigga (Pentogan)? Ma Wasaaradda Arrimaha Debeddaa? Mise Jaaliyadda Soomalilayn ee Maraykan degan baa casuntay? Mise shirikadihii batroolka ee xogta shidaalka Somalilayn hayey baa odayga u yeedhay? Mise…? Mise…?
Lafagurka Suuqa ee Safarka Madaxweynaha :
1. Wasaaradda Gaashaan-dhigga (Pentogan) oo u baahan inay saldhigyadeeda milateri ku fidiso Geeska Afrika, Berbera si gaar ilsha ugu haysa, ayaa Madaxweynaha casumaadda u fidisay.
2. Fekred kale waxay ledahay, Madaxweynaha waxa uu u baxay arrin caafimaad waana sababta uu marwadiisa u sii kaxaystay, hadhowna wuxu taas uga faaidaysanayaa la kulanka jaaliyadda Somalilayn iyo wixii saraakiil reer Maraykan ah ee lala kulmi karo oo uu ictiraafka Somalilayn kala hadli doon.
Mala-Awaalka Ugu Mudda-karsan ee la xidhiidha Safarka Madaxweynaha:
Martiqaadka Madaxweynuhu wuxu la xidhiidhaa ammaandarada ka soo cusboonaatay dalka Kiiniya. Dadka u dhuun daloola siyaasadda Geeska Afrika waxay qirayaan inay xaaladda nabadgelyo ee mandaqaddu aad u cakiran tahay. Gaar ahaan:
- Itoobiya oo saddex dhinac dab kaga baxayo: a) jabhado hubaysan iyo mucaarid xoogan oo gudaheeda ah, b) Muqdisho oo ay ku bariiqatay si ay uga baxdona ay garan la’dahay c) iyo muranka xuduudka ee iyada iyo Eriteriya ka dhexeeya oo keeni kara dagaal lagu riiqdo.
- Suudaan oo dab kaga shidan yahay gobolka Daarfuur
- Koonfurta Soomaaliya oo indhoweydba bahalo galeen ahayd
Khatar soo food Saarta Goobihii Nabdda iyo Dimuqraadiyaddu ka Hirgalshay
Kiiniya iyo Soomalilayn ayaa ahaa meelaha ay beelsha caalamku niyad samida u haysey, sababaha soo socda awgood:
- Kiiniya iyo Soomalilayn labaduba waxay ahaayeen dhul nabddoon
- Labadaba waxa ka socday isbeddel dimuqraadi ah, waxayna ku guulaysteen qabashada wejigii kowaad ee doorashooyinka, doorashooyinka golayaalsha deegaanka iyo wakiilada iyo Madaxtooyada oo ay ku soo baxeen Rayaale iyo Mwe Kibaaki.
- Labada dalba waxay waqtigan xaadirka ah jooga qabashada wejigii labaad ee doorashooyinka, caalamkuna si feejigan ayuu u danaynayey in isbedelka dimuqraadiga iyo nabaddu sii gaamuraan.
Haddaba dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay Kiiniya wuxu welwel geliyey beelsha caalamka gaar ahaan Midawga Yurub oo si weyn u danaynayey isbedeladaas. Ku shubashadii doorashada ee Mwe Kibaaki waxay daaqadda ka tuurtay nabaddii iyo isbeddelkii dimuqraadiga ahaa, mustaqbakii Kiiniyana mugdi ayuu galay. Waxa beelsha caalamka u muuqday in Rayaale ku joogo waddadii Mwe Kibaki. Haddii uu taas ku tallaabsadona ay xasiloonida Somalilayn daaqdda ka baxayso, taasina manadaqadda Geeska Afrika ka yeelayso goob laysku qalanayo oo ay argagixisada caalamiga ahi ku amar ku taaglayso. Si aan taasi u dhicin, waxay beelsha caalamku, gaar ahaan Midawga Yurub Maamulka Maraykanka kula talisay inay Rayaale cadaadis ku saaraan inuu ka waantoo inuu sida Kibaki gacan-bidixeeyo doorashooyinka soo socda. Beelsha Caalmku waxad mooddaa inay ku baraarugeen in dhabada Rayaale hayaa halis tahay loona baahan yahay in looga digo haadaanta uu kula dhacayo Somalilayn oo ah goobtii ugu danbaysay ee nabddonayd ee Geeska Afrika.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,
Xubin Golaha Wakiillada Somaliland, Hargeysa.

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Mohamed Yasin H. Dualeh
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur