Madaxda ururka Qaran iyo Madaxda xisbiga KULMIYE oo yeeshay shir albaabadu u xidhan yihiin

Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee dhowaan xabsiga laga siidaayey ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Guddida Fulinta ee xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE.

Kulankaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, saxaafadduna dibadda ka joogtey wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin.

Hase yeeshee, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee ururka Qaran, Jamaal Caydiid Ibraahim oo kulankaasi kadib weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in kulanka iyo wadahadalka ay la yeelanayaan xisbiga KULMIYE aanay gaadhin heer ay saxaafadda u bandhigaan, isla markaana ay sii soconayaan, albaabaduna ay u xidhnaan doonaan sida kulanka maanta.

Waxana uu si kooban u sheegay in ay ka wadahadlayaan xisbiga KULMIYE xaaladda guud ee dalku marayo wakhtigan iyo sidii loogu midoobi lahaa badbaadinta dalka.

“Horta sidaa albaabadu noogu xidhan yihiin ayay noogu xidhnaanayaan arrimahayagu. Welina may gaadhin xilli aanu saxaafadda u bandhigno,” ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

Waxana uu raaciyey, “Laakiin, haddii aan in yar idiin sii sheego waxa weeye, halka maanta marxaladda dalku marayso ee danta guud ah sidii looga midaysnaan lahaa waxna looga qaban lahaa ayaanu ka wadahadalay. Waxa mandaqadda iyo gobolka ka socdana waad ogtihiin, marka badbaadinta dalka iyo qaranka guud ahaan ayaanu ka wadahadleyney”.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyey ee noociisa ah, waxaana la filayaa inuu daba joogo hindise iskaashi oo madaxda ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey ay soo jeediyeen iyo weliba ballan ay ku qaadeen inay hadda wixii ka dambeeya ka shaqayn doonaan sidii ay u dhisi lahaayeen, waxna ula qaban lahaayeen xisbiga KULMIYE, dhowaan mar ay ka hadlayeen martiqaad Casho-sharaf ah oo xisbiga KULMIYE u sameeyey siyaasiyiintaas xabsiga laga siidaayey, iyaga oo sheegay inay taas kaga abaalgudayaan hiilkii xisbiga KULMIYE la barbar istaagnaa siyaasiyiintaas muddadii ay xabsiga ku jireen iyo weliba taageerada ay siiyeen ololaha ay ugu jiraan sharciyadda ururkooda Qaran oo xukuumaddu ku tilmaantay sharcidarro.

Casuumaddaas casho-sharafta oo siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, madaxda ururka Qaran iyo weliba xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka soo baxay xisbiga KULMIYEba ay si adag uga hadleen xaaladda dalka, habdhaqanka keli-talisnimo ee Madaxweyne Riyaale iyo ku tumashada sharciga oo ay werwer ka muujiyeen, waxay isla qaateen madaxda ururka Qaran iyo xisbiga KULMIYE in la abuuro guddiyo wadajir ah ka wada shaqeeya sidii loogu midoobi lahaa badbaadinta dalka, meelna loogaga soo wadajeesan lahaa xukuumadda maanta talada haysa.

Waxaana la filayaa in kulankan maanta uu horseed u yahay wadatashigaas iyo abuurista guddiyadii la isla qaatay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa berrito inuu dalka ku soo laabto, isaga oo soo gutey Waajibaadkii Xajka ee Sannadkan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos