Wareegtada Madaxweyne Rayaale Ku Sii Daayay Hoggaanka Qaran Iyo Sirta Ku Duugan Erayga Cafis Ee Uu Isticmaalay
Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa digreeto uu soo saaray 17/12/07, waxa uu ku cafiyay hoggaanka siyaasadeed ee ururka QARAN, kuwaas oo muddo shan bilood ku siman ku jiray xabsiga Mandheera, ka dib markii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday xukun isugu jiray xadhig iyo xayiraad siyaasadeed….
Digreetadaas Madaxweyne Rayaale ku cafiyay siyaasiyiintaas, oo u muuqatay mid sir ah islamarkaana abuurtay shaki, marka la eego sida aan loogu gudbin saxaafadda iyo maxaabiista la soo daayay, ayaa wargeyska Geeska Afrika waxa u suurto gashay inuu helo nuqul ka mid ah wareegtadaas. Cafiskaas, ayaa madaxweynuhu waxa uu u cuskaday qodobo ka mid ah distoorka Qaranka iyo xeerka Ciqaabta guud. Wareegtadan uu ku saxeexnaa Madaxweyne Rayaale oo aad u koobnayd waxay u qornayd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markuu arkay qodobka 90aad, faqradda 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, markuu arkay qodobka 149aad ee xeerka Ciqaabta guud, markuu arkay xukunka maxkamadda gobolka Hargeysa MGH/DDL/424/2007, markuu dhagaystay tallooyinka masuuliyiinta iyo salaadiintu ay u soo jeediyeen, markuu tixgeliyay munaasibadda ciid Al Adxa ee innagu soo fool leh.
Wuxuu gu’aansaday: Qodobka 1aad, inuu cafis gaar ah (pardon) u fidiyo xadhiga (Prison term) ee maxaabiista hoos ku qoran ee ay ku xukuntay maxkamadda gobolka Hargeysa inta u hadhsan.
- Maxamed Cabdi Gaboose
- Maxamed Xaashi Cilmi
- Jamaal Caydiid Ibrahim.
Qodobka 2aad, waxaanu amrayaa in la sii daayo inta ka horaysa maalinta Ciid Al Adxa.”
Qodobka 149aad ee Madaxweynuhu u cuskaday cafiskiisa, waa qodob ku jira xeerka ciqaabta guud ee dalkii Somaliya, waxaanu nuxurkiisu yahay inuu Madaxweynuhu maxbuuska ka cafiyi karo dhammaan xukunka ku dhacay, ama uu qaar ka mid ah ka saamixi karo amaba uu xukunka u bedeli karo.
Sida ka muuqata digreetada Madaxweynaha, waxa uu saddexdan siyaasi ka cafiyay qayb ka mid ah xukunkii Maxkamadu ku riday, kaas oo ah xadhigii, balse waxa uu ku daayay xayiraadii Maxkamadu ka saartay dhinaca siyaasadda.
Distoorka Qaranka qodobkiisa 90aad, faqradiisa 5aad, waxa uu Madaxweynaha awood u siinayaa inuu wax cafiyi karo amaba saamixi karo. Waxa haddaba isweydiin mudan waa maxay faraqa u dhexeeya cafis iyo Saamaxaad.?
Sida uu dhigayo qodobka 149 ee xeerka ciqaabta guud ee dalkii Jamhuuriyadda Somaliya, cafis (Pardon), waxa uu macnihiisu yahay in Madaxweynuhu awood u leeyahay inuu maxbuuska ka wada tir tiro dhammaan xukunkii ku dhacay, ama uu qaar ka mid ah ka dhaafo amaba uu u bedelo. Qodobka 144 ee xeerka ciqaabta guud ee dalkii Somaliya ayaa isna waxa uu ka hadlayaa macnaha Saamaxaad (Amnesty). Saamaxaad (Amnesty) waxa uu macnihiisu yahay inuu Madaxweynuhu awood u leeyahay inuu maxbuuska ka tir tiro dhammaan xukun maxkamadi ku riday.
Sida muuqata labadaas kelmadood ee saamaxaad iyo cafis, waxa u dhexeeya faraq miisaan leh, Saladiintii ku guulaysatay in siyaasiyiintan la soo daayaana, qoraalkoodii codsiga ahaa ee ay madaxweynaha kaga dalbanayeen inuu siyaasiyiintan QARAN soo daayo, waxa ay u isticmaaleen erayga SAAMAXAAD. Hase yeeshe Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu soo daynta siyaasiyiintan u adeegsaday CAFIS.
Sida cad, inkasta oo la soo daayay saddexdaas nin ee kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, haddana waxa weli ka maqan xuquuqdoodii siyaasiga ahayd ee uu dammaanad qaaday Distoorka Qaranka Somaliland. Xuquuqdoodaas siyaasiga ahi waxa ay kaga maqantahay xukun maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday oo ay u adeegsatay qodobka 101 ee Xeerka Cqaabta guud, xarafkiisa 2A kaas oo lagaga xayiray inay wax doortaan iyagana la doorto iyo dhammaan xuquuq kasta oo siyaasadeed. Qodobka 101 ee Xeerka Ciqaabta guud ee maxkamadda gobolka Hargeysa u adeegsatay siyaasiyiintan QARAN, waxa markii hore laga soo dheegtay xeer dalka Talyaaniga loo sameeyay sannadkii 1930-kii, xilligaas oo uu Talyaaniga ka talinayay nidaam faashisti ahi.
Qodobkan 101 ee Xeerka Ciqaabta guud, ayaa waxa uu ka hor imanayaa qodobka 130aad farqadiisa 5aad ee Distoorka Qaranka oo u dhigan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah. Inata laga soo saarayo xeerar waafaqsan Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland.’
Sidoo kale qodobka 128aad faqradiisa 2aad, ee Distoorka Qarankku, waxa uu leeyahay ‘Distoorka ayaa u sareeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan.’
Haddaba, marka la eego kelmadda uu Madaxweynuhu u isticmaalay soo daynta siyaasiyiintan oo ah CAFIS, waxa muuqanaysa inay jirto sir ku duugan wareegtadii Madaxweynaha taas oo uu uga dan lahaa in lagu duudsiyo xuquuqdoodii siyaasiga ahayd ee Distoorku u jideeyay. Waxaana muuqata ifaafale ah in xadhigii raggani uu ahaa mid ay ka dambaysay ujeedo siyaasadeed.
Sidoo kale waxa isna xaaraan ahaa qodobka 101 ee Maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay siyaasiyiitan, kaas oo si cad uga soo horjeeda Distoorka Somaliland islamarkaana aan ahayn mid lagu dabikhi karo qaran Dimuqraadi ah oo jooga qarnigan 21aad.
Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika…

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)