Tacsi uu dirayo kusimaha Guddoomiyaha KULMIYE
K/S Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Mohamed Cabdi Adan (iskeerse), isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuun Jiif Caaqil C/kariin Xaaji Ducaale oo xalay 23.12.2007 ku geeriyooday Magaaladda Hargaysa.
Marxuunku wax uu ka mid ahaa wariyeyaasha caanka ah ee Radio Hargeisa ka soo shaqaynaayey muddo ku dhaw 30 sanadood, isla markaana waxa uu ka soo qayb-qaatay nabadayntii Somaliland .
Ku-sii-simaha Guddoomiyuhu waxa uu mar labaad si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku, waxaana uu ilaahay iga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
K/S GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
MD. MOHAMED CABDI ADAN (ISKEERSE)

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)