Madaxdii Ururka QARAN oo la sii daayay

Madaxdii ururka QARANMadaxdii ururka QARAN ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid ayaa xabsiga laga soo daayay aroornimadii hore ee maanta, Salaasa 18/12/2007, kadib markii ay xabsigu ku jireen muddo shan bilood ku dhow (144 maalmood) iyaga oo dawladdu u xidhay sifo siyaasadaysan oo guud ahaan laysku raacay inay sharciga baalmarsantahay.

Dr. Gaboose oo u waramayay weriyaha BBC-da ayaa sheegay in abbaara 4-tii aroornimo laydhka lagu shiday taasoo aan caado u ahayn xabsiga. Kadibna waxa u soo galay taliye xigeenka iyo ciidankiisii oo ku wargeliyay inay degdeg alaabtooda u soo qaataan.

Wuxuu Dr. Gaboose sheegay inaan wax waraaqo ah laga saxeexin iyaguna aanay wax codsi ah u qoran madaxweynaha. Wuxuu sheegay in xitaa waraaqdii lagu xidhay aanay mar qudha arag intii ay xidhnaayeen iyo markii maxkamaddoodu socotayba.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay inay guryahoodii soo gaadheen abbaara shantii subaxnimo. Wuxuu intaa ku daray in dareenkoodu aad u wanaagsanyahay.

Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ku adkaystay in dimoqraadiyadii iyo xaqiiba ay adkaadeen, soo-dayntooduna ay tahay guul u soo hoyatay ummadda Somaliland maadaama aanay ka tanaasulin mawqifkoodii. Wuxuu sheegay xabsigii lagu bajin jiray dadka ku taagan xaqu inuu beenoobay.

Wuxuu Dr. Gaboose u mahad celiyay dhamaan dadkii u gurmaday intii ay xabsiga ku jireen.

Sidaasoo kale Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay guryahoodii iyo caa’iladahoodii ku soo noqdaan.

Jamaal Caydiid ayaa isna sheegay inay sii wadidoonaan hawshoodii [urur-siyaasadeedka QARAN].

Madaxda ururka QARAN waxa la xidhay bishii 28-kii bishii July ee sannadkan.

Somaliland.Org


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos