Siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran oo la filayo in Caawa xabsiga laga siidaayo

Hargeysa (Somaliland.org) - Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhan jeelka Mandheera ayaa lagu wadaa caawa in xabsiga laga siidaayo.

Sida ay sheegeen warar laga helay ilo kala duwan oo xogogaal ah, Madaxweyne Riyaale ayaa cafis u fidiyey siyaasiyiintaas. Waxayna wararku sheegayaan in warqadda amarka siideynta siyaasiyiintaas uu caawa ula ambabaxay dhinaca Mandheera Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska Asluubta, kuwaas oo la filayo inay isla caawa ka soo qaadi doonaan Jeelka Mandheera.

Tallaabadan siideynta siyaasiyiintaas ayaa la sheegay inay kulan ay maanta Madaxweyne Riyaale la yeesheen salaaddiin ka tirsan Madax-dhaqameedyada beelaha Hargeysa oo beryahan dambe wadey dedaal ay xal ugu raadinayeen arrinta siyaasiyiintaas xidhan oo siideyntooda mawqifyo kala fog ay ka taagnaayeen siyaasiyiinta xidhan iyo Madaxweyne Riyaale, iyada oo Madaxweynuhu uu ku adkeysanayey in sida keliya ee loo siideyn karaa ay tahay iyada oo siyaasiyiintaasi ay soo qortaan codsi ay ku weydiisanayaan cafis, halka siyaasiyiinta xidhan iyo taageerayaashooduna ay ku adkeysanayeen in aanu jirin wax dembi ah oo laga cafiyo, sida keliya ee ay kaga soo baxayaan xabsigana ay tahay in si shuruud la’aan ah loo siidaayo, looguna soo celiyo xorriyadoodii siyaasadeed.

War laga soo xigtey salaaddiinta oo horena jeelka ugu booqday siyaasiyiinta xidhan ayaa sheegay in Madaxweyne Riyaale uu ogolaaday siideynta siyaasiyiintaas, isla markaana uu u sheegay inay dadka la ciidi doonaan Ciidda Carrafo oo ah Arbacada.

Wararka tilmaamaya in isla caawa la keenayo Hargeysa siyaasiyiintaas, ayaa tibaaxaya in xukuumaddu ay ka cararayso in dadweynuhu ka hortagaan oo ay soo dhoweeyaan siyaasiyiintaas marka la siidaayo.

Hoggaanka xidhan ee ururka Qaran oo kala ah: Guddoomiyihii ururka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiyekuxigeen, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim waxa la xidhay 28kii July, kadib markii ay xukuumadda isku maandhaafeen sharciyadda ururka Qaran oo ay ku dhawaaqeen bishii March.

19kii August ayaa maxkamadda gobolka oo dhegeysiga dacwaddooda u fadhiisatay Dugsiga Booliska Mandheera waxay midkiiba ku xukuntay 3 sannadood iyo 9 bilood oo xadhig ah iyo 5 sannadood oo aanay ka qaybgelayn tartanka siyaasadda.

Xadhigga siyaasiyiintaas iyo xukunkooda ayaa gudaha iyo dibaddaba si weyn loo cambaareeyey.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa,

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008