TACSI UU DIRAAYO KU-SII-SIMAHA GUDDOOMIYAHA KULMIYE
K/S Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Mohamed Adan Cabdi (Iskeerse), isaga oo ku hadlaa magaciisa, kan Guddida fulinta, Golaha dhexe, iyo taageerayaasha Xisbiga, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga reer Somaliland, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Maayarkii Magaalada Berbera MARXUUN SICIID DA’UD CILMI, oo shalay 15.12.2007 ku geeridaaya Shil Baabuur wadada u dhaxaysa Hargeisa iyo Berbera.
Guddoomiyuhu waxa uu Tacsi taas la mid ah u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay MARXUUN SALEEBAAN SICIID ROOBLE, oo isna ku geeriyooday Shilkaas Baabuur, ahaana ilaaladii Maayarkii Berbera..
Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labada Marxuun, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN MD. MOHAMED CABDI ADAN (ISKEERSE)
K/S GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)