Maayorkii magaalada Berbera oo ku geeryoodey shil gaadhi, caawana lagu aasayo Berbera

Mayarkii Berbera Marxuum Siciid Daa’uud CilmiBerbera (Somaliland.org) - Maayorkii magaalada Berbera, Siciid Daa’uud iyo askari ka mid ah Ilaaladiisii ayaa maanta ku geeryoodey shil gaadhi oo ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

Alle ha u naxariistee, Siciid Daa’uud iyo askariga la socdey waxay geeryoodeen, kadib markii gaadhigii Maayorka oo ay ku safrayeen uu ku qallibmey meel u dhexaysa Degmada Dacarbudhuq iyo Tuulada Abdaal, iyaga oo ka ambabaxay magaalada Hargeysa, una sii jeedey Berbera. Waxaana la sheegay in gaadhiga uu u baxay taayir, sidaana uu ku qallibmey gaadhigu.

Labada Marxuum waxa meydkooda loo qaaday Berbera, halkaas oo caawa lagu aasayo.

Wadadka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa ah waddada ugu shilalka badan dalka, uguna khasaaraha badan.

Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa dhambaallo tacsi ah u diray qoysaskii, qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland, ee ay ka baxeen maayorka iyo askariga ku geeryoodey shilka gaadhi.

Dhinaca kalena, hal qof ayaa ku dhintay 25 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo isna maanta jidka laamiga ah ee u dhexeeya Burco iyo Caynabo.

Berbera MayorSida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Burco, shilkaasi waxa sababay gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo ku qallibmey meel u dhow Tuulada Ina Afmadoobe oo bariga ka xigta magaalada Burco, iyada oo la sheegay in gaadhigaasi uu ka yimi magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Qofkii ku dhintay iyo dadkii ku dhaawacmay Shilkaas ayaa loo soo qaaday magaalada Burco, halkaas oo lagu aasay marxuumka ku geeryoodey shilka, iyada oo Cusbitaalka guud ee magaaladana lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay.

Toddobaadkii hore ayaa shil ka dhacay jidka isku xidha magaalada Burco iyo Degmada Caynaba waxa ku geeryoodey xildhibaan ka tirsanaa golaha Guurtida Somaliland, mid kalena wuu ku dhaawacmay.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE