“Intii aan dibedda marayay waxaan ogaaday Daahir Rayaale in aanu daacad ka ahayn gooni-isu-taagga Somaliland oo ajande kale uu leeyahay,” Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Fiisaha Baasaboorka Yuusuf GaboobeHargeysa (Saxan) -Guddoomiyaha wargeyska Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo todobaadkii hore ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray dhowr dal oo Yurub ah ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale aanu daacad ka ahayn qaddiyada Somaliland isla markaana uu leeyahay ajande qarsoon. Yuusuf Cabdi Gaboobe, waraysi ay la yeesheen wargeyska Saxansaxo iyo idaacadda Radio Horyaal waxa uu werwer ka muujiyay qaddiyada aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inay saamayn xun ku yeesheen waxyaabaha dalka gudihiisa ka dhacaya iyo hab dhaqanka xukuumadda madaxweyne Rayaale oo uu tilmaamay inay niyadjab iyo rajo xumo ku beereen beesha caalamka, intii u heelanayd horumarka Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay ee ay kaga soo dhex baxday mandaqadda qalalaasuhu barriinsaday ee geeska afrika, isla markaana ay ka hirgelisay xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, iyada oo dhinaca kalena ay jiraan ayuu yidhi dalal aynu xidhiidh wanaagsan la lahayn oo haddana wax fekrad ah ka haysan Somaliland. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo dalka dibadda uga baxay kadib markii xabsiga Mandheera laga sii daayay, isaga iyo laba suxufi oo kale oo ka tirsanaa wargeyska Haatuf, waxa uu tegay dalalka Ingiriiska, Ireland iyo Norway oo uu kaga qeyb galay shirar lagu martiqaaday oo lagaga hadlayay saxaafadda, isgaadhsiinta iyo xuquuqda aadamaha, kuwaas oo uu kaga hadlay Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan dhinaca saxaafada, xorriyatul-qawlka io xuquuqda aadamaha, isla markaana uu kulamo kula yeeshay qaar ka mida madaxda dalalkaa reer Yurub oo uu kala hadlayay qaddiyadda Somaliland. Isaga oo ka warrramaya isbeddelka ku dhacay aragtida dadka reer Yurub ka qabeen Somaliland, waxa uu yidhi Yuusuf, “Anigu dalalkaa badan ee aan soo maray iyo dadkaa badan ee aan la kulmay ee masuuliyiinta dawladaha reer Yurub ah, runtii isbeddel weyn ayaa aragtidii fiicnayd ee Somaliland laga qabay ku dhacay. Taana waxaa u sabab ahaa xad gudubyadii xukuumadda madaxweyne Rayaale ay ku tallaabsatay sannadkan 2007 iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ay ka midka yihiin xadhigii suxufiyiinta Haatuf, haddii ay noqoto xadhiga siyaasiyiinta Qaran, burburinta dallada SHUROnet, tacaddiyadii faraha badnaa ee dadka lagula kacayay sida hiliblayaashii la xidhxidhay. Wararkaas oo dhami caalamka way u soo baxayeen, oo caalamku wuu la socday, xeerkan saxaafadda ee cusub, kaasina aad baa loola yaabay oo isaga waaba mid noociisa oo kale aan la arag, dawladihii dunida ugu diktaytarsanaa ayaan xataa noocan la iman”.

Fiisaha Baasaboorka Yuusuf GaboobeMarkaa sumcad dil faro badan iyo karaama dil faro badan ayaa Somaliland ku timi dhinicii caalamka. Waxaana uu sheegay in falalkaas iyo hab dhaqanka xukuumadda madaxweyne Rayaale loo arkay mid meesha ka saaraya wixii Somaliland ku macaashtay ee ay kaga duwanaatay Somaliyada qasan, taas oo ah dimuqraadiyadda, isaga oo sheegay in nidaamka dimuqraadiyada ee Somaliland ka hirgalay uu marka hore yahay mid dadka reer Somaliland ku kala badbaadeen kuna heshiiyeen, mar labaadkana uu Somaliland u soo jeediyay indhaha caalamka loona arkay dad dedaalaya oo iyagu wax qabsaday. Waxaana uu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe isaga oo tilmaamaya natiijada wanaagsan ee ka dhalatay nidaamkan, “Dimuqraadiyaddu waa ta keentay in Daahir Rayaale oo ahaa kabtan (nabadsugiddii Siyaad Barre ah) uu noqdo madaxweynaha Somaliland. Dhinaca kalena beesha caalamka, dimuqraadiyaddu waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana la isweydiin jirey in la aqoonsado Somaliland iyo in kale, cidina inamay soo hadal qaadeen haddaynaan wax qabsan, laakiin maanta meel kasta oo aan tegayay waxa la I weydiiayay waxyaabaha ka dhacaya dalka, xadhigii suxufiyiinta Haatuf, murankii komishanka doorashooyinka, murankii golaha wakiilada iyo madaxtooyada iyo xadhiga madaxda Qaran iyo burburintii SHUROnet oo dhacay intaan xaggaa joogey” ayuu yidhi.

Waxaana uu sheegay in arrimahaas iyo qaar kale oo badan oo uu ka mid yahay xeerka saxaafadda loo sameeyay ay niyad jab ku rideen dadkii taageersanaa qaddiyadda Somaliland. Waxaana uu tusaale u soo qaatay baarlamaanka Ingiriiska oo uu sheegay in 30 mudane ay is urursadeen oo ay u ololeeyeen aqoonsiga Somaliland kuwaas oo uu sheegay inay qaarkood ay golaha baarlamaanka Ingiriiska dhexdiisa ku caan baxeen ololaha qaddiyada Somaliland. Waxaana uu sheegay in xildhibaanadaasi ay kala soo xidhiidheen dawladda Somaliland, una sheegeen in arrimahani ay sumcad xumo weyn u keeneen Somaliland, aqoonsigii ay doonaysayna uu dib u dhac ku keenay. Sidoo kalena wasiirada Ingiriiska qaar ka mid ahi ay waraaqo ka qoreen lana soo xidhiidheen dawladda Somaliland iyaga oo u soo maray safaaradda ay ku leeyihiin Addis ababa, balse gebi ahaanba aan dheg loo dhigin. “Anigu intii aan dibedda marayay waxaan ogaaday Daahir Rayaale in aanu daacad ka ahayn gooni-isu-taagga Somaliland oo ajande kale uu leeyahay”. Ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe. “Taana goorteeda iyo goobteeda ayaan kaga hadli doonaa”. Ayuu raaciyey. Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sheegay in markii hore loogu dul qaadanayay madxweyne Rayaale inuu daacad ka yahay Somaliland imika wuxuu isku darsaday daacad darro iyo maamul xumo. Ayuu yidhi. Dhinaca kale, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo noqday qofkii ugu horrreeyay ee baasaboorka Somaliland loogu dhufto fiise ama dal-ku-galka Norway waxa uu sheegay in baasaboorka Somaliland la socodsiin karo haddii xukuumadu u hawlgasho. Isaga oo ka warramaya sidii ay ugu suurtagashay arrintaasi, waxaa uu sheegay in uu martiqaad ka helay urur ay leeyihiin suxufiyiinta Norway si uu uga qeyb galo shir ay lahaayeen isla markaana safaaradda Norway ku leedahay London uu fiise ka dalbaday, kadibna ay u sheegeen todobaad kadib in fiisihiisii la soo ogolaaday, balse aan baasaboorka loogu dhufanayn fiisaha, maadaama baasaboorka Somaliland aanay aqoonsanayn, sidaa darteed la siinayo warqadda la yidhaahdo laasa-basaaraha oo uu ku gelayo kagana soo baxayo Norway, hase yeeshee uu taas diiday kuna adkaystay in baasaboorkiisa loogu dhufto, haddii kale uu iska joogayo. Waxa uu sheegay Yuusuf in safaaraddu ay arrintaa u gudbisay madaxda ka saraysa kadibna ay ogolaadeen in baasaboorka Somaliland lagu dhufto fiisaha.

Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa uu bandhigay caddaymo in fiisahaasi uu yahay fiisihii ugu horreeyey ee lagu dhufto baasaboorka Somaliland ee lagu tago Norway. Waxaa u daliil ah inuu yahay fiisihii u horreeyey ee ay ku dhuftaan baasaboorka Somaliland, lambarka tirada socota ah (serial number) ee fiisaha oo ah 01″, ayuu yidhi. Yuusuf waxa uu jawaab ka bixiyay war madaxtooyadu ku beeninayo in uu yahay qofkii u horreeyey fiisaha Norway loogu dhufto baasaboorka Somaliland, isla markaana madaxweyne Rayaale oo laba goor socdaal ku tegay Norway aanay u suurtagelin in baasaboorka Somaliland uu ku tago, balse la siiyay warqada baasa-lasaaraha. “Waa beentii madaxtooyadu ku caanbaxday ee looga bartay oo xataa iminka beesha caalamku ku baratay,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay in Ireland sidoo kale, uu ku tegay baasaboorka Somaliland oo loogu dhuftay fiise.

Source: Wargeyska Saxansaxo.


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE