Shuro-net iyo ururrada Bulshada Rayidka ah oo xalay xaflad ballaadhan oo khudbado kulkulul laga jeediyey ku xusay Maalinta Xuquuqul Insaanka ee 10 Dec.

Hargeysa (Somaliland.org) - Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xuska maalinta Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah ee 10 December oo ku beegnayd shalay, ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si baaxad leh loogaga hadlay xaaladda dalku wakhtigan marayo, isla markaana si kulul loogu cambaareeyey Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisu tacaddiyada ay kula kacdo xuquuqda muwaaddiniinta iyo ku tumashada sharciga.

Xafladdaas oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dalladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD iyo Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Dalladda Ururrada Xuquuqul Insaanka ee SHURONET, gacanna ay ka geysteen Dalladda ururrada Dhallinyarada ee SONYO iyo Ururka Dhallinyarada Geeska Afrika ee HAVOYOCO, waxa ka qaybgalay, hadallona ka jeediyey Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdulcasiis Maxamed Samaale, masuuliyiin ka socdey labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, xubno ka tirsan Guddida Ku-meel-gaadhka ah ee ururka hoggaankiisu xidhan yahay ee Qaran, madaxda ururrada Saxaafadda Somaliland, xubno ka tirsan Dhallinyaradii UFFO ee taliskii Siyaad Barre xabsiga dheer iyo dilka ku xukumay, balse ka soo samatabaxay, madaxda qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno ka kale oo ka mid ah daneeyayaasha Xuquuqul Insaanka. Waxayna dhammaan dadkii halkaa ka hadlay siyaalo kala duwan u tilmaameen xaaladda xuquuqul Insaanka Somaliland ee wakhtigan.

Marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Guddidii hoggaaminta Dalladda Ururrada Xuquuqul Insaanka Somaliland ee SHURO-Net ee xukuumaddu inqilaabtay oo xafladdaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dadka munaasibaddaas isugu yimi ay yihiin dadkii dhab ahaan danaynayey xuquuqul Insaanka laga soo bilaabo 1982-kii, iyada oo tusaale u soo qaadatay Dhallinyaradii UFFO ee dowladdii Siyaad Barre xabsiga dheer u dirtay sannadkii 1982kii oo qaar ka mid ahi ay xafladdaasi fadhiyeen. Waxayna xustay in dhallinyaradii UFFO ay iyaga oo dhallinyaro ah garteen inay diidaan dulmigii iyo xaqdarradii dalka ka dhacaysey, xabsigii dheeraa ee Taliskii Siyaad Barre ku rideyna ay ka soo samatabaxeen, maantana iyaga oo odayaal muxtarim ah ay dalkooda si sharaf ah u joogaan.

Samsam oo ah gabadh u ololaysa xuquuqul Insaanka, iyada oo qeexaysa Xuquuqul Insaanku waxa uu yahay iyo ilaalintiisana waxa ay tidhi, “Xuquuqul Insaanku waa caddaalad, maaha wax kale. Waa qof dhiban oo aad caddaaladdiisa u doodayso. Maaha wax cidna lagu xumaynayo, cidna lagu wanaajinayo”.

“Caddaaladdana dhexdhexaad iskama taagi kartid oo ma odhan kartid dhex baan ka ahay. Waxa weeye, ama Caddaalad baa jirta ama caddaalad darraa jirta, labadaa uun baad mid ku sifoobeysaaa ee ma odhan kartid dhex baan taagnahay,” ayay raacisay Marwo Samsam.

Waxayna intaas ku daraytay oo ay sheegtay in iyada oo dalka Somaliland ay ka jiraan waxyaabo badan oo ah dhibaatooyin loo geysto xuquuqul Insaanka - sida xadhigga Siyaasiyiinta ururka Qaran, dadka badan ee Guddida Nabadgelyada u xidhan iyo weliba dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay inqilaabkii iyo faragelintii xukuumadda ee SHURO-NET - ay haddana doorteen inay hal-ku-dhegga Sannadkan u qaateen in taageerada, hambalyada iyo dhiirrigelinta dadka dibadda ka wada ololaha aqoonsi-raadiska Somaliland, iyada oo sheegtay in sababta ay taas u qaateen ay tahay aqoonsiga Somaliland oo ah mid qofkasta oo reer Somaliland ahi ku hamiyayo ama higsanayo. Sidaa darteed, ay u muuqatay inay dhiirrigeliyaan dadka Somaliland jecel ee aqoonsigeeda dibadda uga ololaynaya, kuwaas oo ay sheegtay in ay niyadjabayaan ama ay ka xumaanayaan marka ay maqlaan waxa ka dhacaya Somaliland gudaheeda.

“Marka tan waxaanu u soo qaadanay inteena halkaa joognaa inaan muujino ciddii u halgamaysa ee doonaysa in Somaliland la ictiraafo inaan garab taagan nahay, inaanu liqayno dhibaato kasta oo dalka gudihiisa nagu haysata annagoo ka turjumayna ilaa Islaanta miskiinadda ah ee iyadoo baahan naawilaysa Ictiraafka,” ayay tidhi Marwo Samsam.

Dhinaca kale, Samsam Cabdi Aadan, iyada oo ku hadlaysa magaca Shurronet iyo Dalladaha kale ee Bulshada Rayidka ah ee xafladdaasi qabtay, waxay halkaa kaga dhawaaqday deeq ay ku caawinayaan Cusbitaalka Dadka Waalan ee Hargeysa iyo Suxufiyiinta reer Soomaaliya ee xukuumaddu amarka ku bixisay inay dalka ka baxaan. Waxayna sheegtay in Cusbitaalka Waalida ay siinayaan 10 neef oo Adhi ah iyo Bil dawadeed. Sidoo kalena, suxufiyiinta ay ugu deeqayaan bustayaal ay dhaxanta ka huwadaan inta ay dalka joogaan, iyada oo sheegtay in ay ogaadeen in suxufiyiintaas soo qaxay aanay haysan hu’ ay dhaxanta ka galaan xilligan oo Hargeysa uu ka jiro qabow dheeraad ah habeenkii.

Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdulcasiis Maxamed Samaale ayaa isagu khudbad dheer oo uu xafladdaas ka jeediyey kaga warramay dulmiga iyo xadgudubyada xuquuqul Insaanka oo uu sheegay in cawaaqib xun lagala kulmo diin ahaan iyo maaddi ahaanba. Waxana uu dadka ku baraarujiyey in ay diidaan, lana dagaalamaan dulmiga iyo xadgudubyada, gaar ahaan, kuwa ay ku kacaan dadka awoodda haya, isaga oo tusaale u soo qaatay dowladihii hore ee Somalia iyo sidii ay u burbureen.

Mudane Cabdulcasiis, waxa uu aad uga hadlay xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran oo uu sheegay inay ku xidhan yihiin xaqdarro.

“Dadkaasi xaqdarro ayay ku xidhan yihiin. Haddaan la odhan xaqdarro ayay ku xidhan yihiinna, qofka yidhaahdaa waa inuu ogaadaa xaqdarradaa uu maanta xaqa ku sheegayo inuu ku xidhmi doono,” ayuu yidhi Mudane Cabdulcasiis.

“Siyaasiyiinta QARAN ee xidhan iyo cid kasta oo dulmi ku xidhan, waxaan aaminsanahay shakhsiga xidhan karaamadiisu way siyaadaysaa, tijaabadu maaha ashkhaasta xidhan. Tijaabadu waa inta dibadda joogta, inta usha lagu eegayaa waa inta dibadda joogtada,” ayuu raaciyey Mudane Samaale.

Waxana uu sheegay in dhaqanka noocan ah iyo tijaabadaasi ay tahay mid laga bartay Kacaankii Siyaad Barre oo tilmaamay in la soo dhoweeyey, dilka iyo xadhiggana uu ka bilaabay intii inqilaabka laga fulisey ee hawsha la waddey, wax kasta oo uu sameeyona lagu taageeray.

“Wallaahay Taariikhdaa Maxamed Siyaad Barre ee laga sheekeeyo iyo taariikho kale oo ka horreeyey oo ummado kale oo laga sheekeeyoba inay maanta waxyaabo saansaanteedii lihi dalkeenna ka taagan yihiin,” ayuu yidhi mudane Cabdulcasiis.

Mudane Cabdulcasiis, waxa uu sheegay inuu quus ka taagan yahay in Madaxweyne Riyaale soo daayo siyaasiyiintaas oo uu marar badan ballanqaaday, balse aanu fulin.

“Haddii aad leedihiin maxaa loo soo dayn la’yahay, anigu ma filayo in la soo daynayo, waayo qofba meel ayuu ka eegaa, waxaana aniga ii muuqata oo aan dareemayaa in iyagana la dili doono rag badan oo kalena la dili doono,” ayuu yidhi mudane Cabdulcasiis.

Mudane Cabdulcasiis, waxa uu ku tilmaamay Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi inay taageereen Madaxweyne Riyaale iyo xisbigiisa UDUB doorashadii Madaxtooyada, waxana uu ku masaaley sidii Siyaad Barre u diley raggii la dhaliyey Kacaanka 21kii Oct.

Waxana uu xusay in maxaabiistaa iyo kuwo kaleba si toos ah iyo si dadbanba loo dili doono.

“Anigu waxaan qabaa in aan xukuumadda la odhan siidaaya siyaasiyiintaa. Waxaan qabaa in la yidhaahdo dila. Waayo, waa sida keliya ee ay garanayaan, dadkeenuna waa sida dadkeennu wax ku dareemo,” ayuu yidhi.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka xisbiga KULMIYE ayaa isaguna sheegay in aan dib looga baryi doonin Madaxweyne Riyaale inuu soo daayo siyaasiyiinta ururka Qaran. Waxana uu ballanqaaday in xisbiga KULMIYE uu go’aan ka soo saari doono arrinta.

Guddoomiyekuxigeenka xisbiga UCID, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ayaa isaguna ku cambaareeyey xukuumadda xadhiga siyaasiyiintaas iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda Aadamaha.

Guddoomiyaha Haatuf Media Network oo dhowaan ka soo laabtay Yurub ayaa isaguna sheegay in uu iskii ugu ololaynayey aqoonsiga Somaliland, balse, dhacdooyinka iyo tallaabooyinka xukuumadda Somaliland qaadaysey Lixdii bilood ee ugu dambeysey darteed, uu ceeb la mari kari waayey dunida, kana jawaabi kari waayey su’aalaha dadka ajnebiga ah ee danaynaya dimuqraadiyadda Somaliland ay weydiinayeen.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxa uu sheegay in gebi ahaanba aanay waxba ka jirin eedaha loo jeediyey suxufiyiinta reer Muqdisho ee magangelyada soo biday Somaliland, martidana u ah ururkaas.

Waxana uu ugu baaqay xukuumadda inay ka noqoto muddada maalmaha ah ee ay u qabatay suxufiyiintaas inay dalka kaga baxaan.

Axmed Muxumad Madar oo ka mid ahaa Dhallinyaradii UFFO ee lagu xidhay Hargeysa 1982 ayaa isaguna halkaasi ka hadlay. Waxana uu ku canaantay xisbiyada Mucaaridka ah in aanay ka gaabiyeen kaalintoodii ahayd inay dadka u horkacaan sidii ay xuquuqdooda u difaaci lahaayeen.

Xafladdan xalay ayaanay ka soo qaybgelin cid ka socota xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda UDUB. Hase yeeshee, Xaflad kale oo ay soo qabanqaabisay xukuumadda oo loo sameeyey xuska 10 Dec. Maalinta Xuquuqul Insaanka Caalamka ayaa waxa ka qaybgalay, hadalona ka jeediyey Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno door ah oo wasiirro ah.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE