Madaxweyne Riyaale oo Golaha Guurtida u soo jeediyey inuu muddada xilka u kordhiyo Golayaasha Deegaanka
Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta u gudbiyey Golaha Guurtida soo jeedin uu kaga dalbanayo inuu u sharciyeeyo golayaasha Deegaanka dalka muddada xilka, si waafaqsan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku dib ugu riixeen doorashooyinka deegaanka.Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, madaxweyne Riyaale warqadda soo jeedinta ee uu u dirtay Golaha Guurtida, ogeysiinna uu ka siiyey Saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa uu ku sheegay, “Sida aad ka war qabtaan mudada xilka Golayaasha Deegaanka Jamhuuriyada Somaliland waxay ku eg tahay 15-ka December 2007. Waxa kalood la socotaan in saddexda Xisbi Qaran, UDUB, KULMIYE iyo UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July 2008.
Haddaba, anigoo tix-raacaya dastuurka JSL, qodobadiisa 111-aad, faqradiisa 1-aad iyo 42-aad, faqradiisa 3-aad iyo go’aankii ay wadajirka u gaadheen Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranku, kaasi oo ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July, 2008. Waxaan si qadarin mudan idiinka codsanayaa in aad Golaha Deegaanka ee hadda jira u sharciyaysaan sii haynta xilka Mudadaa ka hadhay doorashada Golaha Deegaanka cusub”.
Doorashada Golayaasha Deegaanka ayaa qorshaysnaa 15ka December, 2007. Hase yeeshee, saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa isku raacay bishii September in dib loo riixo doorashooyinka soo socda ee Deegaanka iyo Madaxtooyada, kadib markii lagama maarmaan ay noqotay in la diiwaangeliyo codbixiyayaasha, doorashooyinka ka hor.
Waxayna waxayna wada saxeexeen saddexda xisbi iyo Komishanku heshiis, iyada oo doorashada Deegaanka ee qorshaysnayd Dec. 15 loo muddeeyey inay dhacdo 1ka July, 2008, doorashada Madaxtooyada oo qorshaynayd 14 April-na loo cayimay 31ka August, 2008, muddadaa gudaheedana lagu dhammaystiro diiwaangelinta cod bixiyayaasha.
Intii ka dambeysey heshiiskaas, waxa soo baxayey dareemo in Madaxweyne Riyaale aanu ku qanacsanayn heshiiskaas, isla markaana waxa soo baxay guux in Golaha Guurtidu uu ku doodayo in iyagu ay xaq u leeyihiin wixii mudda-kordhin ku saabsan, taas oo abuurtay shaki ah in Guurtidu ay doonayaan inay Madaxweynaha u kordhiyaan muddada xilka in ka badan muddada lagu heshiiyey in dib loo dhigo doorashooyinka.
Go’aankan Madaxweyne Riyaale ee uu ugu soo jeediyey Guurtida inay sharciyeeyaan muddada dib loo dhigay doorashada deegaanku waxa uu ku soo beegmay iyada oo bogaga hore ee wargeysyada ka soo baxa Hargeysa maanta uu ku qornaa war ka soo yeedhay xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo daboolka ka qaaday in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn in doorashooyin dhacaan, isaga oo taas ku macneeyey in xukuumaddu diidey Miisaaniyaddii loogu talagalay doorashooyinka iyo diiwaangelinta, ilaa iyo haddana aanay jirin wax lacag ah oo Komishanka loo siidaayey.
Warkaas waxa isla maanta ka jawaabey oo beeniyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku tilmaamay fikrad xubintaas ku kooban, balse, aanu ku metelin Komishanka.
Ma cadda in go’aanka ka soo baxay Madaxweyne Riyaale maanta uu yahay mid uu si dadban ugu beeninayo hadalka ka soo yeedhay xubinta ka tirsan Komishanka iyo inuu ahaa mid qorshaysanaa. iyada oo muddada xilka Golayaasha deegaanku aanay ku ekayn 15ka Dec oo ah maalintii doorashadu dhacday, balse, ay ku egtahay muddada xilka ee 5ta sannadood ahayd badhtamaha January oo ku beegan markii golayaasha deegaanka la soo doortay ay xilka la wareegeen.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde