Prof Lewis Oo Cambaareyey Talaabadda Xukuumaddu Ka Qaaday Shuro Net
Prof. I.M. Lewis oo wax ka dhiga Machadka London School of Economics, ayaa sheegay in talaabooyinka xun ee Xukuumadda Somaliland ka qaaday Ururada Xuquuqul iinsaanku abuuri karaan Dawlad la mid ah tii Siyaad Barre.
Prof. Lewis waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray, kaas oo uu si faahfaahsan ugaga hadlay waxyaabaha carqalada ku ah aqoonsi raadinta Somaliland.
Qoraalkaasi waxa uu u qornaa sidan:
“Wararka laga sheegayo inay Dawladu isku dayday inay aamusiiso Ururada u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda aadamaha ee Somaliland waxay khatar weyn ku tahay Xoriyaadkii iyo Hay’adihii Dimuqraadiga ahaa ee uu Dalku hawsha badan u soo galey, waxaanay abuuri karaan Dawlad la mid ah tii Siyaad barre, taas oo ay Somaliland iska xoreysay, taas oo ah ta maanta Somaliya ku kelifaysa inay nidaam kelitalisnimo ku sii hoos jirto.
Sida ay haatan Midowga Yurub ugu dhaqaaqeen talaabo ay ku doonayaan inay aqoonsadaan Somaliland, ayaa noqonaysa mid hoos u dhacaysa, ilaa inta laga saxayo talaabooyinkan naxdinta leh si dhakhso ah.
Sidoo kale, waxa khatar geli kara ololaha ay Somaliland ugu jirto inay aqoonsi hesho, waxa haatan lagu guulaystay waxay noqonayaan wax ay adag tahay in dib loogu guulaysto, kuwa ay seegto fursadanina waxa ay mar kale ku noqon doonaan qaar ay dhalintoodu mustqalka qoomameeyaan, taariikhduna ma tix-gelin doonto.
I.M. Lewis, Emirtus Professor of Anthropology London School of Economics”.
Xigasho: Somaliland Future Online

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur