Koox Salaaddiin ah oo booqasho dhexdhexaadin ah ugu tegey siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran

Hargeysa (Somaliland.org) - Koox Salaaddiin ah oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada beelaha deegaanka Hargeysa ayaa shalay booqasho ugu tegey siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera.

Salaaddiintaas oo toddobaad ka hor ay soo baxday booqashadooda Mandheera oo lagu tilmaamay mid la xidhiidha waanwaan ay isku deyayaan inay ku soo afjaraan xadhiga siyaasiyiintaas, waxa u xaqiijiyey wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo ka mid ahaa kooxda Salaaddiinta ah ee Jeelka Mandheera ku booqatay siyaasiyiintaa xidhan.

Hase yeeshee, waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo ujeeddada booqashadooda iyo arrimaha ay ula tageen siyaasiyiinta xidhan.

Suldaanku waxa uu qiray in booqashadoodu qayb ka tahay dedaal dhexdhexaadin ah oo ay ku jiraan, isaga oo xusay in aanay wax war ah bixinayn inta ay hawshaas dhexdhexaadinta ku jiraan.

Waxa kale oo uu u sheegay wargeyska Haatuf in booqashadooda Mandheera ka hor ay is arkeen masuuliyiinta xukuumadda iyo inay toddobaadkan gudihiisa war ka soo saari doonaan hawshaas.

Toddobaad ka hor ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in koox salaaddiin ah oo khaastan ka soo jeeda Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa ayaa wadaan hindise sidii xal loogu heli lahaa xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran. Waxaana ka soo baxay warar is khilaafsan iyo dareemo iska soo horjeeda ujeedada iyo cidda ka dambaysa hindisaha.

Wararkii u horreeyey ee ka soo baxay hindisaha kooxdaa salaaddiinta ah ayaa ahaa in xukuumaddu ka dambayso hindisaha Salaaddiinta, ujeedadooduna ay tahay inay siyaasiyiinta xidhan ku soo qancinayaan inay ogolaadaan in lagu siidaayo cafis ay iyagu salaaddiin ahaan ay u weydiiyaan Madaxweynaha, maadaama, Madaxweyne Riyaale uu ku adkaysanayo in siyaasiyiintaa xidhani ay u soo qortaan codsi ay ku dalbanayaan in la cafiyo, si uu u siidaayo, taas oo ay siyaasiyiinta xidhani ay diideen.

Hase yeeshee, warkaa waxa beeniyey Guddida Ku-meel-gaadhka ah ee hoggaanka ururka Qaran oo sheegay in Salaaddiintaasi ay iskood isu xilqaameen, isla markaana ay isku deyayaan in xal loo helo mawqifyada kala durugsan ee ay kala taagan yihiin siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran iyo Madaxweyne Riyaale.

Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah guddida Qaran oo ka jawaabayey dareenada ku saabsan in xukuumaddu abaabushey Salaaddiintaas, waxa uu sheegay in Salaaddiintaasi ay ka duulayaan mawqifkii iyo go’aankii guddidii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha, kuwaas oo go’aamiyey in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo siyaasiyiinta ururka Qaran, xorriyaddooda siyaasadeedna loo soo celiyo iyo weliba in lala eego doodooda sharciyadda ururkooda Qaran iyaga oo dibadda jooga.

Warar ku dhowdhow Salaaddiinta oo aanu helay ayaa sheegaya in salaaddiintu ay geeyeen Siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran ee ay ku booqdeen Jeelka Mandheera qoraal dhawr qodob ah oo ay ugu talagaleen inay Madaxweyne Riyaale hordhigaan, kuwaas oo ay doonayaan in lagu soo afjaro xadhigga siyaasiyiintaas.

Qodobadaas ayaa la sheegay inay yihiin kuwo la mid ah kuwii guddida dhexdhexaadinta oo ay ugu horrayso in siyaasiyiintaas si shuruud la’aan ah xabsiga looga siidaayo, loona soo celiyo xorriyadooda iyo xuquuqdooda siyaasadeed. Waxaana la sheegay in siyaasiyiintaasi ay soo aqbaleen qodobadaas.

Salaaddiinta oo la sheegay in Madaxweyne Riyaale uu hore uga ogolaaday hindisahooda, haatanna ay doonayaan inay kula noqdaan Madaxweynaha wixii ay isla soo ogolaadeen siyaasiyiinta xidhan.

Siyaasiyiinta ururka Qaran ee kala ah: Guddoomiyaha ururka qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Guddoomiyekuxigeenka 1aad, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Guddoomiyekuxigeenka 2aad, Jamaal Caydiid Ibraahim, waxay ku xidhan yihiin Jeelka Mandheera, muddo Afar Bilood ku dhow.

Waxa kale oo shalay booqday siyaasiyiintaas saraakiil ka socda hay’adda Caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka ee Amnesty International oo booqasho ku yimi dalka.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur