Khalkhal ka dhashay qiimaha sarrifka Doolarka oo hoos u dhac weyni ku yimi iyo Guddi Madaxweyne Riyaale u magacaabay waxka qabashadiisa
Hargeysa (Somaliland.org) - Qiimaha Doollarka Maraykanka ayaa aad hoos ugu dhacay suuqyada magaalada Hargeysa, marka loo eego sarrifka Shilinka Somaliland, iyada oo sicirka badeecadaha, gaar ahaan, maceeshadda daruuriga ah oo lagu sargooyo Doolarkana aanu hoos u dhicin, balse, kor u sii kacayey waayadan dambe, taasina waxay khalkhal ku keentay ganacsiga dalka, waxayna saamaysay nolosha dadweynaha.
Sarrifka Doolarka oo toddobaad ka hor 6,300 SL.Shs. halka Doollar, ayaa haatan maraya 5,100 Sl.Shs, waana hoos u dhicii ugu weynaa ee ku yimaadda qiimaha sarrifka Doolarka muddo iminka dhawr sannadood ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa hadda ku baraarugtey mushkiladda ka dhalatay hoos u dhaca sarrifka doolarka.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge, shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo qabsoomay Isniintii shalay ayaa lagaga wadahadlay qiimaha sarrifka doolarka ee hoos u sii socda, sicir-bararka maciishadda iyo weliba dhibaatada uu ku keenayo dhaqaalaha dalka iyo nolosha muwaadiniinta dan yarta ah.
Waxana uu sheegay warsaxaafadeedku in Madaxweyne Riyaale oo shirkaa guddoominayey uu magacaabay guddi ka kooban Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, Baanka Dhexe, Rugta Ganacsiga iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa inay si degdeg ah uga hawlgalaan wax ka qabashada hoos u dhaca sarrifka doolarka iyo sicir-bararka maciishadda.
Bankiga dhexe ayaa isagu shalay bilaabay inuu suuqa ku siidaayo lacag shilin Somaliland ah si ay wax uga tarto hoos u dhaca sarrifka doolarka. Sidoo kale, laanta baadhista dembiyada ee Booliska ayaa looga yeedhay qaar ka mid ah sarriflayaasha suuqa magaalada Hargeysa, iyada oo wax laga weydiiyey sababaha keenay hoos u dhaca sarrifka doolarka.
Lama garanayo sababta keentay hoos u dhacan ku yimi sarrifka doollarka oo si xun u saameeyey dhaqaalaha liita ee dalka, gaar ahaan, nolosha qoysas badan oo ku tiirsan biil yar oo dibadda looga soo diro. Hase yeeshee, wararka u dhuundaloola suuqa ganacsiga Somaliland, waxay iftiiminayaan in hoos u dhacan uu keenay doolar badan oo dalka soo galay, kaas oo ah mid xoolo lagu doonayo, kana soo burqaday jeebka Maalqabeenka Carbeed, Saleebaan Siciid Al-Jaabiri ee kootada loogu xidhay dhoofinta xoolaha nool ee xilligan xajka loo dirayo Boqortooyada Sucuudiga. Waxaana lagu tilmaamay inay mushkiladdani ka mid tahay cawaaqibka dhaqaale ee ka dhalanaya ganacsiga xoolaha ee ninka ajnebiga ah kootada loogu xidhay.
Dadka u dhuundaloola ganacsiga dalkuna, waxay sheegayaan in ganacsatada waaweyn ee dalka oo iyagu xoolaha dhoofin jirey, soona dejiya maceeshada daruuriga ah iyo badeecadaha kale ay isu dheellitiri jireen sarrifka lacagaha iyo qiimaha badeecadaha, iyaga oo lacagta adag ee ka soo baxda xoolaha ay dhoofiyaan ku soo beddeli jirey raashin iyo badeecado kale oo daruuri ah, isla markaana lacagta Shilin Somaliland ama Shilin Soomaaliga ah ee ay ku iibiyaan badeecadaha ay soo dejiyaanna ay dib ugu iibsadaan xoolaha, hase yeeshee, ay taasi meesha ka baxday hadda, kadib markii ganacsadaha Carbeed kootada lagu siiyey dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland, kaas oo ay xoolaha u iibinayaan laba nin oo ka mid ah ganacsatada Hargeysa.
Waxaanay wararkaasi tibaaxeen in ragga xoolaha u iibinaya Al-Jaabiri ay suuqa soo geliyeen doolar badan oo ay ku doonayaan ama ku iibsanayaan xoolo, kaas oo hoos u dhigay sarrifkii doolarka, isla markaana sababay in ganacsatada oo markii hore doolar iyo shilin Somalilandba badeecadaha ku iibin jirey ay door-bidaan hadda inay badeecadooda ku iibiyaan shilinka Somaliland.
Ganacsiga iyo dhoofka xoolaha nool ee kootada loogu xidhay ganacsadaha Sucuudiga ah ayaa si weyn looga qayliyey, xukuumaddana loogu baaqay inay ka noqoto.
Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri oo qandaraas ku qaatay xoolaha tegaya Sucuudiga ee Geeska Afrika ayaa xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay qiimaha uu ku qaadanayo neefka adhiga ah oo ah US$36. Hase yeeshee, ganacsato heerar kala duwan ah oo xoolaha dhoofiya ayaa sheegay in isla ganacsadahaas laftiisu uu neefka adhiga ah looga siiyo Jabuuti iyo Boosaasoba US48. Waxaanay ganacsatadaasi rumaysan yihiin in lacag ka badan US$10 neefkiiba uu u saaran yahay xukuumadda iyo labada ganacsade ee Al-Jaabiri u iibinaya xoolaha.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@Somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
M. A. Duale
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur