Madaxweyne Riyaale oo la kulmay Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Somalia/Somaliland

Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, Ambassador Georges Marc Andre. Waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan horumarinta dimuqraadiyadda iyo kaalmada Midowga Yurub siiyo Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge ayaa warsaxaafadeedkan ka soo saaray wadahadalkii dhexmaray Madaxweynaha iyo Ergeyga:-

“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambasador Georges Marc Andre oo fadhigiisu yahay Magaalada Nayroobi ee Caasimada dalka Kenya .
Madaxweynahaha Somaliland iyo Mark Andre waxay ka wada hadleen xidhiidhka iyo Iskaashiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaas gaar ahaan Arrimaha ku tacaluqa siyaasada iyo Mashaariicda horumarinta ah ee Midowga Yurub ay ka wado Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer uga waramay Arimaha Somaliland ay qabsatay iyo heerka ay maanta marayso .waxana uu si gaar ah carabka ugu dhuftay in Beesha Caalamku si aan cadaalad ahayn ay ula dhaqantay Arrimaha Somaliland, inkasta oo ay Somaliland hir gelisay Nidaam Dawli ah oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo wada tashi , taas oo ay haboon tahay in wadamo badan oo Afrika ahi ay kaga daydaan.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday doorashooyinkii isdaba jooga ahaa ee ka qabsoomay Somaliland. kuwii Dawladaha Hoose . Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada . kuwaas oo si nabad iyo cadaalad ah u dhacay,
Waxaanu Cadeeyay Madaxweynuhu in uu aaminsan yahay in doorashooyinka soo socdaana ay sidaa si leeg u dhici doonaan .
ugu danbayntii waxa uu Madaxweynuhu uu uga mahad naqay Wadamada Midowga Yurub taageerada ay ka siiyaan Somaliland Mashaariicda kala duwan ee ay ka hir galiyeen dalka Somaliland, ‘’Waxaananu diyaar u nahay in Xukuumad ahaan aanu sii xoojin doono geedi socodka Dimuqraadiyada , Xasiloonida iyo Nabada ay Somaliland ku caana maashay” ayuu ku soo gabo gabeeyay hadalkiisii Madaxweynuhu.
Mudane Georges Marc Andre Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay waxa uu Somaliland ku amaanay xukuumad iyo shacbiga waxa ay qabsadeen siiba Arrimaha Nabada iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland, isaga oo kula taliyay in ay halkaa ka sii wadaan siina xoojiyaan.
Mr Mark Andre waxa kale oo uu tibaaxay in ururka Midowga Yurub ay soo kordhin doonaan deeqda ay ku taageeraan Mashaariicda horumarinta ah ee ay ka hirgelin doonaan Somaliland shanta sanadood ee soo socda.
Mr Andre waxa kale oo uu u mahad naqay Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland soo dhawaynta fiican ee uu kala kulmay Mudadii gaabnayd ee dalka joogay.
kulankaa dhex maray Maanta Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale.”

Ma jiraan warar madax bannaan oo laga helay kulankaas. Waxaase la filayaa in Ergeyga iyo Madaxweyne Riyaale ay isla soo qaadeen xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran oo hadda muddo 4 bilood ku dhow ku jira jeelka Mandheera, iyada oo Midowga Yurub oo ah deeqbixiyaha ugu weyn ee Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo horumarinta dimuqraadiyadda ay walaac ka muujiyeen xadhigga siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta ee ay xukuumadda Somaliland beryahan dambe caadaysatey, marar badanna ay ku baaqeen in xorriyaddooda loo soo celiyo siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE