Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka Warramay Ololaha KULMIYE Dhexdiisa iyo Xaaladda Guud ee Dalka

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka Warramay Ololaha KULMIYE Dhexdiisa iyo Xaaladda Guud ee Dalka Hargaysa (Jam)-Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga KULMIYE, isla markaana u sharaxan jagada madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye dhexdiisa, ayaa shalay u ambabaxay safar uu ku soo mari doono dalal badan oo dibadda ah. Isaga oo ku sheegay ujeeddada safarkiisana mid la xidhiidha arimaha xisbiga kulmiye iyo kuwo ku saabsan qaranka Somalilandba.

Hadaba intii aanu Dr. Axmed Xuseen Ciise, ka dhoofin garoonka caaamiga ah ee Cigaal inteenational airport, ayuu waraysi uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Jamhuuriya iyo Idaacada internetka ka hadasha ee RADIO WAAHEEN ugu ka warramay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta gudaha Somaliland iyo sidoo kale tartanka siyaasadeed ee xisbigiisa ka dhex taagan, warasysigaas oo dhinacyo badan lehna waxa uu u dhacay sidan:-

Su’aal: Dr. Axmed Safarkaagani halkee buu ku jihaysan yahay?

Jawaab: Waxaan u baxayaa Waddamo badan oo dibadda ah oo ayka mid yihiin Ingriiiska, noorway, faransiiska, maraykanka iyo wadamadda Baraasiil, ujeeddada safarkayganuna waxay la xidhiidhaa uun arrimaha xisbiga iyo kuwa qaranka Somaliland oo aan inta badan ku hawlanahay ugu horeyna waxaan kulan balaadhan la yeelanayaa Jaaliyadaha Somaliland ee degan London, Bristol, Cardiff, waxa kale, oo aan kulama la yeelanayaa madax badan oo ka tirsan dawladaha aan mari doono waxaan rajaynayaa inaan rajo fiican kala soo noqon doono .

Su’aal Run ahaantii xaalada dalku ee siyaasadeed khaas ahaan geedi-socodkii dimuqraadiyadda, waxa uu galay xaraj, markii intii hore oo dhan saddexdii sano ee u dambaysay muran siyaasadeed bay nu ku jirnay murankaasi oo u dhexeeyey golayaasha qaranka, markii taaas aynu ka baxnayna ba inagoon runtii taas wada dhamaynba haddan markii aynu ka baxanay taas waxa soo baxay inay dagaal xoogan xukuummadu ay ku qaaday geedi-socodkii dumuqraadiyadda, sidaas sheegtayba waxa xidhan madaxdii qaran Maxamed Xaashi Cilmi Dr. Gabboose iyo Jamaal Caydiid Raggaas oo runtii ah rag birimageydo ah oo ah runtii raggii Somaliland baa as-aasay ayaa maanta afartii bilood ee an Hargeysa joogayba xidhna waxaan u arkaa arrin ayaan daro ah baaqyo badan baa laga soo jeediyay, culimu’udiinku wuu ka hadlay, xisbiyada mucaaridka ahi way ka hadleen, khaas ahaan anigu runtii ahaantii aad baan uga hadlay waayo waxaan arkayaaragaasi inay ku xidhan yihiin xaq-darro, waxay u xidhan yihiin uun fikirkooda siyaasadeed maxakmkammada haggaagsan oo xukuntayna ma jirto jeel gudihii baa lagu xukumay waKhti saacad ka yabaa go’aan afar sannadood ah lagu qaaday, waana runtii waxa marka horeba dhibaatadii faraha badnayd Somaliland iyo soomaaliyaba u geystay, waxaad arkaysaa oo la mid ah kana horyasay weriyeyaashii wargeyska haatuf , imikana waxaad argtaaba in xuquuqul iinsaankii hayadihii wadaniga ahaa ee xuquuqul iinsaanka u dagaalamaayey in iyagiina xukuummadu ay fara baas ku hayso , waa arrin aan aad iyo aad uga xumahay, waayo dhawr iyo soddonkii sanno ee ugu dambeeyba . Hawlaha xuquuqal iinsaanka aan ku soo dhex jiray mar aan ka mid ahaa taliyayaasha Horn Watch iyo Amesty International iyo marar kaleba xuquuqal iinsaanku ayaan ku soo dhex jiray, manaan filaynin in Somaliland maanta ay dib ugu noqoto halkaas oo kale, waayo waxaasi waa wixii aynu ka soo dagaalnay waa qalad weeye waana gardarro waxaanan aad u jecelahay inaynu arrin taasi dhammaystiro ooaynu kusoo noqono wada tashigii iyo walaalnimadii iyo geedi socodkii dumuqraadiyadiyadii, dawladda waxaan ka rajaynayaa oo aan ka codsanayaa dhawr goor oo horena waan ugu baaqay waxaan ka filayaa inaanay dhegaha naga furaysan.

S: Dr. Axmed Xuseen, maadaama oo aad Safar arrimaha Somaliland ah dibedda ugu baxayso arrimaha aad ka soo sheekaysay maxaa dhiba ee ay qaddiyadda Somaliland u keeni karaan baad u malaysaan?

J: Runt ii wax weyn bay u dhimmaysaa haddii Somaliland ay tahay wadan cagaha ku taaagan oo la ictiraafsan yahay waxa laga yaabi lahaa arrimaha noocan oo kale, ina ymiisnka ay ku yeeashaan ka sahlanaan lahaa laakiin Somaliland waa wadan dunida ictiraaf kadoonaya waxaynu iibinaynaaba waa Somaliland waa dala xor ah oo inta kaleba dhaanta, markaa haddii aynu wixiiba ka hornimaadjno inagu oo aynu isxidhxidhno inagu oo aynu caddaaladd-darro la nimaadno, dabcan doodaadii aad wadatay ee ahayd, dalbaanu dhisaynaa dalalka adduunka ka mid ahayn oo xuquuqdii bani’aadamka ilaaliya oo dal jaarnumada ilaaliya oo nabad-gelyadada ilaalilye aad iyo aad bay u wiiqayssaa waana doodaha lagaala hor iman doono, waana waxaan filayo imikana in laigal hor iman doono inta badan waxaad arkaysaa dawladeenu waxay somlaiya uga go’ayso inay ka mid thay dhibaatadii inagu dhacday cadaalad daradii ay dawladdii Siyaad Barre inoo geysatay, markaa runtii adiguna markaad waxa oo kale samayso waxa lagu odhanayaa ma kuwii uun baad ka riixnasay markaa waxabaytani ina yeelaysaa.

S: Beryahanba waxa aad loo filayey xisbiga aad ka mid ka tahay ee KULMIYE in shirweynihiisu labaad qabsoomo, muddo badana waa lagu baaqayey ilaa haddana waxba kamay suurtogalin, maxaad markaa bulshadda ku qancinaysaan ee aad u qaban la’dihiin shirka?

J: Horta Maxamedow shirweynaha KULMIYE wa dhab oo dib u dhacay, inkastoon run ahaantii marna lagu dhawaaqin wakhti rasmiya oo xaddidiyaa, haddana waad ogsoon tahoo dee, wax la qarinayo maaha, dib uu u dhacay anigu runtii ma qabo inuu dib u dhacay, waayo sidaad ogsoon tahayba, imikaadan shirar farabadan baa socda, doodo badan baaa socda, kooxaha iyo dadka xisbiga ku jiraa intaa ololay wadaan.

Waxaan qabaa anigu muhiimaduna waxa weeye in lagu heshiiyo, dadku markay isku yimaadaan ee ay ka kongarka isugu yimaadaan waa inuu noqdaa kongeras si fiican u dhaca, oo si fiican loo soo habeeyay markaa waxaan qabaaainuu shirkiiba soconayo iminka, afartaa bilood ee u dambasya inuu shirkii socdo ayaan qabaa, maalintii ama labadii maalmood ee ay ergooinka isku imanayeey afarta boqol ee qof iyo labadii boqol iyo lixdanka qof inkasoo aanay dhicin. Laakiin shirarkii iyo shirweynihiiba inuu imik socdaa ayaan qabaa oo arrimihii loo baahnaaba imika laga wada hadlayo.

S: Waxa suuqa ugu jira oo xisbiga KULMIYE lug xamanayaa inuu jiq isku yahay, oo ay is haystan dadka hanka siyaasadeed leh ee xisbig ku jira ay iku marla yihiin, dad badane maray arkeen xaalku siduu yahay iskba tanaasuleen markaa adiga hamigaagii aad k u dhawaaq day ee ahaa inaad musharax jagada madaxweynenimo iksu taagaya ahayd xagee buu kuu marayaa?

J: waa su’aal wanaagsan weeye sidaad u ogsoon tahayba afar bilood horteed baan ku dhawaaqay damacayga siyaasiga ah ee ah inaan u loolamo jagada madaxweynenimada ee xisbiga kulmiye musharaxnimadiisa inaan u loolamo ayaan ku dhawaaqay aariintaasi bilowbay markii hore ahayd.

Afartii bilood ee aan hargeysa joogayna wada tashi farabadan iyo wada xaajood farabadan baan sameeyay, waxa ii muuqata runtii waxaan ku dhawaaqnaybay ahayd in ay Somaliland u baahan thay isbdel siyaasadeedba loo baahan yahay waliba jiil cusub inay u baahan tahay waxaas baanu ku dhawaaqnay, waxaanad moodaa in messagekaa ama farrinttaa si ay runtii dadkii qaateen meel wal oo aanu tagnaba taageerayaashaydu si laxaad leh oo aanan markii hore filaynin ayay noogu soo qulquleen dhallinyaro hadday noqoto, haween hadday noqoto, ururada madaniga ah , runtii taageero laxaad leh oo aanan markii hore filayn ayaanu helnay waxaanan runtii is leeyahay manta loolankaa aad gashay natiijadiisu aad iyo aad bay u fiican tahay waanna ku rajoweynaha y, waxaanan jecelahay inaan marwalba dadka u soo bandhigno fikirka duwan wixii hore ummadda ugu jirtay .

Waxaannu doonaynaa Somaliland in aannu tusno in ay noqoto dal xor ah madax bannaan hore u mar, mustaqbalka dadkiisa iyo daryeelka dadkiisa ka shaqeeyo, in aannu dal casriya Somaliland ka dhigno, waxaannu yaqiinsanahay Somaliland in ay tahay dal kheyraad farabadan leh, kheyraadkiisaas ina u baahan yahay in loo soo saaro waa l soo saari karaa waxbaa loo qaban karaa muddo yabaa Somaliland lagu horumarin karaa wuxu unoqon karaa dad dawladiisu ay l tartamaan dawladaha jaarka ah, baayacmushtarkiisu waxaa uu noqon karaa mid caalamka ka ganacsada, markaa dalkeenu waa dal rajo fiican leh, waxaanu u baahan yahay maamul casriya, meel wal oo adduunka aan tagana waanka helaynaa dad xirfad iyo aqoon dalkood ay ku hormariyaan leh .

S: Wakhtigii doorashada loogu tallogalay muddo yar baa ka hadhay ilaa haddana waxa muuqata muddada yar in aana ywaxba ku qabsoomay sida la hadal hayo adigu ka Axmed ahaan markaad arrimaha eegtay sideed u aragtaa doorashdu in ay dhacayso.

J: Horta muddo, kordhinta yare e Doorashada dibll odhigay waxay ahayd sidaan anigu u arko farsamo ayey ahayd, arritnaa farsamoayey ahayd, arrinta farasammana waa loo baahnaa dibu dhacbaa ky yiidoo murankii faraha badnaa ee siyaasadeed ee aynu inta badan ku jirnay baa keenay iminana waxaan aad ugu rajo weynaha, horta doorashooyka in ay dibu dhacaan maaha oo dadku ay garan ba waayn in ay doorasho dhacayso iyo in kale dee wadanku hore u soconmaayo wuxuu ku jiryaa uun muran siyaaasadeed wadanku waa inuu ka baxaa loolan ka siyaasadeed , waa in a y muddo xaddaysan xukuummaddu haysaa muddadaasi marka ay dhamaatana xukuumadaha ay ku soo noqotaa ama ta kale bedeshaa ba , hawshau waa inay sidaa u soctaa haddiise ay noqoto uun in loollan lagu jiro had iyo goor oo imika loolan baynu sannad ku jirnay sannad klaa inoo hadhdya sannadkak loolan baynu ku jirayaa markii wixii haddii ay loolan uun noqdaan waxba qabsan mayo markaa waainay wixii muddo yeeshan muddo yare e l kordhiyay axsabtu iyo komishnkiiba way isku raaceen in arrin farsmo awgeeed dib loogu dhigayo, wixii farsamo ee cayn kaas ahi wa wwax wanaagsan wa waxa laga wada heshiin karo wax kastoo laga heshiyaan waa lagu shaqayn karaa, laakiin waxaan lagu heshii uun baan u daran .

S: Axmed Golaha Guurtidu waa golaha keliya ee dastuurku u oggol yahay doorashooyinku wakhtigooda hadday ku qabsoomi waayaan inay dib u dhigi karaan, kuma waafaqsana Asxaabta iyo Komishanka heshiiska ay doorashooyinka dib ugu dhigeen mrkaa maxaad ka filayasa inay dhaqaaqi doonaan?

J: ma dooanayo inaan ka sii hordhaco mala’awaal baa jira ma jecli mala’awaalkaas inaan ka sii hordhaco, in aynu ka sii hordhacomaaha wax rasmi ah oo ka soo baxay oo aan oghaya ma jirto, laakiin iminka sida aan ku soconaa waxa weeye sidii ay komishankii iyo Asxaabta Qaranku ay isla qaateen taas oo ah in labada kun iyo sideeda badhtanmhooda ay doorashooyinka dhacaan taas uun baanu ku soconaynaa wax kale oo aanu ka hadli karnaana m jirto.

S: Isbeddelo ayaa ka dhacay arrimaah gudaha Somaliland, gaar ahaan gobollada Bari sida laascaanood oo ay ciidamadda gaadheen, maxay ku soo kordhinaysaa siyaasadda dibadeed ee Somaliland?

J: Arrintaas ay qaybo ka mida Somaliland ka hoos maqnaayeen maamulka Somaliland runtii waxay ahayd arrin waxyeelaysa madaxbanaanidda Somaliland, waayo adduunku wuxuu ku weydiinayaa inaad haysto xudduudii aad ku dacwoonaysay ee aad xaqa u lahayd ee boqol iyo saddex iyo labaatanka sanno soo jiray inaad maamusho oo aad adigu gacanta ku hayso, markaas maanta haddii aynu la soo noqonayo dhulkeennii, dhammaan maamulkiisu waa arrin aad u muhiim ah, doodda aannu adduunka la tagaynana waxbay ka taraysaa.

Jamhuuriya Online

TOP