XOG iyo XUSUUS: Dhacdooyinkii iyo Murti-taariikheedkii Halganka Siyaasadeed ee Somaliland

XOG iyo XUSUUS

By: Maxamed Shiikh-Ibraahim Xujaale
Publisher: Aftahan Publication
ISBN No: 978-0-9550274-3-7
Book Price: £10.00
Year Of Publishing: 2007
Book Language: Somali

 

Dhacdooyinkii iyo Murti-taariikheedkii Halganka Siyaasadeed ee Somaliland.
Qalinkii & fikraddii: Maxamed Sh-Ibraahim Xujaale &
Tafaf-tirkii & qaabayntii: Dhuux Digaale Ducaale.

KOR-KA-XAADINTA BUUGGA:

 

Xaaska MadaxweynahaDhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, iyo kuwo shisheeye u geysteyba. Gaar ahaan; 30neeyadii sano ee ugu danbeeyey, waxa dhacay, dagaallo iyo colaado birta la iska aslay, iyo nac iyo cadowtooyo fara badan oo Soomaalidu isku haysey, ilaa maantana meelaha qaarkood weli dabkii colaadeed ka sii abqaalan yahay. Sabab kastaana ha keentee, weligiiba dadka iyo cid kasta oo meel wada degganiba way is dili jirtey, oo labo walaalo ah dhexdood, ayey markay doonto colaadi ka dhex aloosantaa. Iyadoo sidaas ah; ayaa haddana; waagii hore, waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda la isu geysto, dhaqan ahaan, iyo diin ahaanba; la iska dhaahin jirey, la iska raalli gelin jirey, la iska xaal marin jirey, la isaga garaabi jirey, dabadeedna laga heshiin jirey. Balse nasiib-darro, waxaas oo dhammi, maanta meesha way ka baxeen, oo ha la is dilo ama ha la is dulmiyoba’e waxa dhacday, in la is dafiro, la is xaqiro, la isu garaabi waayo, dabadeedna la sii kala fogaado, colaadduna sii hurto uun. Iskaba daa taas; ee waxa dhacday, in badanaa xaqiiqada iyo runta aan lagu dhiirran oo laga war-wareego, cidda run ku dhowaatana xaalkeedu wuxuu noqdaaba cirkaa dab kaa raac! iwm.

Haddaba; MAXAMED SHIIKH-IBRAAHIM XUJAALE ayaa buuggiisan XOG IYO XUSUUS; oo ka hadlaya qaar ka mid ah; Dhacdooyinkii iyo Murti-taariikheedkii Halganka Siyaasadeed ee Somaliland, waxa si geesinnimo iyo xeel-dheeri ah uu daboolka ugaga qaadayaa, xaqiiqooyinkii colaadeed ee Geeska Afrika Soomaalida dhexdeeda kaga kala dhacay, iyo dulmigii iyo waxyaabihii la is gaadhsiiyey; gaar ahaan; waxyaabihii ka dhacay; Somaliland, ee loo geystey dalka iyo dadkaba, kuwaas oo ka-hadalkooda dad badani indhaha ka laliyaan. Buuggan waxa ku duugan xog iyo dhacdooyin aad u fara badan, oo uu qoruhu qodax iyo qaniinba uga guray caddayntooda, oo haba yaraate’e wax keli ah oo la dafiri karo, ama la beenayn karaa aanay ku jirin. Wuxuuna buuggani aniga iigu muuqday, inuu horseed ama fure u yahay, xaalad cusub, iyo laydh caafimaad oo soo beegan. Bulshooyinka Soomaaliyeed, meel kasta ha kala joogaane, akhriste kasta faa’iido ayaa buuggan ugu jirta. Waayo; qofka aan wax badan ka ogeyn waxyaabihii dalka ka dhacay, ama loo sheeko-beenlayn jirey, waa xaqiiqadii uu kaga maarmi lahaa ku-tidhi-ku-teentii soo daashatey, ee lagaga habaabiyey daacadda iyo himiladiisa xaqa ah. Kii xog-ogaalka ahaa, balse runta iska dadbi jireyna, buuggani waa dabarkii xidhayey, ee beentiisa indhaha ka tuurayey iwm.

Dadka Somaliland ka baxsan, sida; Soomaalida Koonfureed, Jabbuuti iyo kuwo kaleba, ayey had iyo jeer ku yar tahay, ama iska indha-saaba xaqiiqadii ka dhacday dalka iyo madax-bannaanida Somaliland iyo wixii goonni-isu-taaggeeda kallifey iwm. Sidaa daraaddeed; Dadyowgaas iyo qof kastaba waxaan kula talin lahaa, in si tifaf tiran, looga bogto oo loo akhriyo, xogta mugga weyn, ee buuggani xanbaarsan yahay. Ka dibna waxa habboon, in si daacad ah oo aan muran iyo dafiraadi ku jirin, wax la isaga weydiiyo oo la furfuro waxyaabaha badan ee isku aabbudhan, ee ku dhex abaadey bulsho-weynta Soomaaliyeed ee la kala diley, intaana sii kala fogaanaysa. Qofka shicibka ah, ee aan denbiilaha ahaynna, waxaan uga digayaa, in uu iska jiro oo aanu ku anban xeeladaha iyo tabaha qiiq-isku-qarinta ah, ee ay ku adeegtaan denbiilayaasha diirka Soomaalida uga eg, balse aan ahayn ee nacabka ah iwm. Qofka wax waa la tusi karaa, waxna waa loo sheegi karaa, balse waxa aan wax kasta oo kale ula sinnayn ama ula mid ahayn; maskaxdiisa iyo caqligiisa, oo qof kasta, inta garaadkiisu le’eg yahay, ayey aqoontiisuna daaq geysaa. Taas waxa la mid ah, oo aan uga jeedaa; aqoonta habboon oo la adeegsado, ayaa been fakatay lagu soo dabbaali karaa, run dahaadhantayna shaaca lagaga qaadi karaa.

WIXII FAAHFAAHIN AMA DALAB AH, WAXA LAGALA SOO XIDHIIDHI KARAA DARKAN AFTAHAN, IYO WELIBA DADKA KALA AH:-
Dhuux Digale Dualeh (Diiwaan) 079 449 777 42,
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 079 038 021 39,
Maxamed Baashe Xaaji-Xasan 020 779 066 11,
Maxamed Shiikh-Ibraahim Xujaale 079 515 082 35.

ALLAA MAHAD LEH

Dhuux Digaale Dualeh.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008