Madaxweynuhu wuxuu sheegtay inaanuu ka warhaynin faro galinta xukumadu ku hayso Ururada ku midoobay Dalada Shuuro, Hadaba Yaa ka masuul ah faro galintan Xukumadu ku hayso Ururkan?
Madaxweynuhu wuxuu sheegtay inaanuu ka warhaynin faro galinta xukumadu ku hayso Ururada ku midoobay Dalada Shuuro, Hadaba Yaa ka masuul ah faro galintan Xukumadu ku hayso Ururkan?
Hargeysa (Somaliland.org) - Ciidanka Booliska ayaa bishii novenber kowdeedii albaabada u xidhay xarunta Dalladda isu-tagga ururrada Xuquuqal Insaanka Somaliland ee SHURONET, isla markaana la wareegey xaruntaas.
Tallaabadan uu boolisku kula wareegey xarunta Shuronet, waxa ay ka dambeysey warqad Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Tallaabo uu u qoray Booliska 30 kii bisha October, taas oo uu ku farayo Taliska Guud ee Booliska Somaliland inay fuliyaan xilwareejin lagu samaynayo hoggaanka Shuronet, isla markaana ay sugaan ammaanka xarunta Hay’adda.
Masuuliyiinta 40 urur oo xubno ka ah Dalladda Iskuxidhka Xuquuqul Insaanka ee SHURO-NET oo ka kala yimi dhammaan Lixda gobol ee Somaliland ayaa horaantii todobaadkii hore isugu yimi shir xarunta Dalladda NAGAAD ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ka soo saareen go’aamo, isla markaana ay ku doorteen guddi qabanqaabo oo diyaarisa shirweynaha Dalladda oo qabsoomaya 23ka December.Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo ka tirsan ururka Qareenada Somaliland, kuna hadlayey magaca ururrada xubnaha ka ah SHURO-NET ayaa sheegay inay tahay sharci darro tallaabada xukuumaddu albaabada ugu xidhay xafiiska Shuronet, meel-ka-dhacna ay ku tahay qawaaniinta caalamiga ah iyo dastuurka qarankaba.
Kulan ay la yeesheen Axmed Silanyo iyo Faysal Cali Waraabe, kadib wuxuu Madaxweynuhu u sheegey in aanu marka hore warar aad u badan isaga laftiisu ka haynin, arrimaha qaarkoodna siday u dhaceen aanu hubin, balse “waan u xogwaraysi tegayaa, haddii dowladdu ay sidaa u farageliseyna waanu toosin,”. Hadaba yaad umalaynaysaa in uu ka danbeeyay dhacdadan lagu faro gashay ururka Shhuro, ma madaxweynaha ayaa arintaa masuuliyadeeda leh, midsa Wasiir ku xigeenka ? Ka dhiibo codkaaga, waxaanan soo gabo gabayn doonaa codayntan mudo todobaad ah ka dib.
Somaliland.Org


TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde