Xukuumaddu Ha Joojiso Faragelinta Shuro Net

SOMALILAND FORUM
URURKA SOMALILAND FORUM: WAR-SAXAAFADEED
Sumad: SF/CLC/10/30
Taariikh: 30/10/2007

Somaliland Forum

Xukuumada Ha Joojiso Faragelinta Shuro Net

Somaliland Forum waxa fajac iyo amakaag ku noqotay in Xukuumada Somaliland ay faraha kula jirto sidii loo bedeli lahaa maamulka ururka SHURONET, oo loogu bedeli lahaa dad u shaqeeya laamaha dawlada. Abdillahi Wayab oo ah ninka loo doortay inuu noqdo gudoomiyeha cusub ee Shuro Net waxa uu hadda u shaqeeya Somaliland National News Agency (SOLNNA) oo ah hay’ad dawlada ka mid ah, shirkii lagusoo xulayna waxaa ka qaybgalay Wasiiro.

Somaliland Forum wuxu aad iyo aad u cambaareynayaa farogelintan Xukuumada Somaliland, waxaanu dawlada ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo arrimaha ururuda bulshada ee madax banaan, gaar ahaan kuwa u hadla xuquuqda dadweynaha, sida Ururka SHURONET. Dawladu inay maamusho ururka u dooda Xuquuqda Muwaadinka waxay la mid tahay Waraabe adhi la raaciyay. Falkani wuxuu muujinaya inay dawladu u tafo xaydatay inay burburiso ururada bulshada u adeega, waxa aanu hoosta ka xariiqayaa dulqaad la’aan iyo talo xumo.

Ururka SHURONET waa urur u dooda dadka xuquuqdooda ay Xukuumadu duudsido, waa urur qabta shaqo muhiima oo ay u baahan yihiin shicibka iyo qaranka Somaliland. Waa urur ay ujeedadiisu tahay in uu sheego oo ka hadlo marka xukuumadu (Dawlada Dhexe iyo mid gobolba) ay samayso wax ku xad gudbaya xuquuqda muwaadinka; taasuna waa mid ka dhigaysa in ururkanu noqonayo mid sheega dhaliisha Xukuumadu markasta oo ay ku xad gudubto xuquuqda muwaadinka. Taas macnaheedu maaha waa urur mucaarada, ee waxa weeyaan waa urur ilaaliya xuquuqda muwaadinka, oo dhaleecaynaya dawlad kasta oo markaa jirta haddii ay ku kacdo falalka duudsiyaya xuquuqda muwaadinka.

Waxaa walaac wayn nagu haya falalka is daba jooga ah ee Xukuumada Somaliland waddo, kuwaas oo dhamaantood muujinaya astaanka lagu yaqaan keli talisnimo oo aad uga fog habka diimuqraadiyadda ah ee aynu qaadanay. Mar labaad waxa aanu Xukuumada ugu baaqaynaa inay joojiso faragelinta maamulka ururka SHURONET. Waxaanu dadwaynaha ku dhiiri gelinaynaa in ay caawiyaan SHURONET, oo aanay Xukuumada ka oggolaanin farogelintan. Ururkaasi xeerbay leeyahiin oo in ay u madax bannaanadaan shirarkooda iyo doorashooyinkooda.

Illahay Ayaa Mahad leh, Guushana Qaranka iyo Shicibka Somaliland.

SOMALILAND FORUM
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:

  1. Chairman: Rashid Garuf (USA), Chairman@somalilandforum.com
  2. Vice Chair: Abdirahman Mohamed Magan (UAE), vice@somalilandforum.com
  3. Secretary: Cabdinaasir H. Farah (Canada), secretary@somalilandforum.com
  4. Treasurer: Ismaaciil Cawed -Kenya , treasurer@somalilandforum.com
  5. Member at Large: Ahmed A. Jama (Somaliland), xubin@somalilandforum.com

TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE