Warqad Wasiirkuxigeenka Caddaaladdu ku Amaray Booliska inay xilka ka wareejiyaan Hoggaanka SHURONET

 Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) ayaa u gudbiyey Taliska Guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qaraar wasaaraddiisu ku gaadhey in hoggaaminta Dalladda Iskuxidhka ururrada Xuquuqda Aadamaha ee SHURONET lagu wareejiyo xubno sheegtay inay yihiin hoggaan cusub oo loo doortay Dalladdaas, isla markaana Taliska Booliska Somaliland ay fuliyaan xilwareejinta iyo sugitaanka ammaanka xarunta.

Warqadda Wasiirkuxigeenka Caddaaladdu qoray oo xalay la maqlay, waxay soo baxday shalay oo taariikhdu ahayd 30 Oct. Waxayna ku socotaa oo loo kala diray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyaga oo nuqulo ogeysiin ahna la siiyey Hoggaanka Shuronet iyo xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub.

Warqaddaas oo ujeedadeedu tahay “Fulin Xilwareejinta Guddoonka Cusub ee Shuronet”, waxay u qoran tahay sidan:

Wasaaradda Caddaaladdu:

Markay aragtay                       Qodobka 94aad ee Dastuurka Qaranka

Markay aragtay:                      Natiijada ka soo baxday shirkii aan caadiga ahayn (exta-ordinary meeting) oo ay iskugu yimaaddeen ururrada xubnaha ka ah Dalladda Iskuxidhka Ururrada Waddaniga ee Xuquuqul Aadamiga, taas oo nuxurkeenu [nuxurkeedu] ahaa inay doorteen guddi hoggaamineed oo cusub oo kala ah:

  1. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) Guddoomiye
  2. Hoodo Maxamed Xasan    Guddoomiyekuxigeen
  3. Saleebaan Ismaaciil Bullaale     Xoghaye

Markay aragtay:                      In Dalladda Shuronet oo sife sharci ah uga diiwaangashan Wasaaradda Caddaaladda inay xaq u leeyihiin xubnaheedu (ururradeedu) inay qabsadeen Shir aan caadi ahayn intii badnayd (Majority) sife sharci ahna ay ku doorteen guddoonkoodaas.

Markay tixgelisey                    Mabaadiida Guud ee Dimuqraadiyadda ee Dastuurka Somaliland ku salaysan yahay oo ah in qofku wax dooran karo, lana dooran karo.

Markay aragtay:                      Waafaqsanaanta Dastuurka Dalladda Shuronet

Markay tixgelisey:                   Danta Guud ee Caddaaladda.

Waxay Go’aamisey:-

  1. In Taliska Guud ee Ciidanka Boolisku fuliyo go’aanka sida sharciga iyo dimuqraadiyadda ku dhisan uga oo baxay Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Shuronet, 24.10.07.
  2. Inay xilwareejin u sameeyaan guddoonka cusub lana sugo hay’adda Ammaankeeda.

Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale, waxa ay soo baxday maalin kadib markii uu fashilmay isku day xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub ee Shuronet oo adeegsanaya Boolis ay isku dayeen inay xilka xoog kula wareegaan xafiiska Shuronet. Waxayna ka marag-kacaysaa in xukuumaddu ka dambeysey shirkii lagu qabtay hotel Ambassador, kaas oo lagu tilmaamay shir aan caadi ahayn oo dalladda Shuronet ku dooranayaan hoggaan cusub, iyada oo gebi ahaanba ururrada xubnaha ka ah Dalladdu ay beeniyeen shirkaas. Sidoo kalena, dalladaha waaweyn ee ay ku jiraan badiba ururrada bulshada rayidka ah oo iyana xubno ka ah dalladda Shuronet ay ka digeen shirkaas oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, islamarkaana horseedaya fawdo.

Tallaabadan Wasaaradda Caddaaladdu ku farayso Boolisku inay xoog kula wareegaan xilka iyo xafiiska Shuronet, kadibna ay ku wareejiyaan xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub, ayaan fulin maanta, wax war ahina kama soo bixin dhinaca Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Hase yeeshee, waxa la sheegay in Madaxtooyada ay ka go’an tahay in xilka laga wareejiyo hoggaanka Shuronet.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008