Hoggaanka SHURONET oo jawaab qoraal ah ka bixiyey Amarkii xil-wareejinta ee Wasaaradda Caddaaladda

Hargeysa (Somaliland.org) - Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) ayaa u gudbiyey Taliska Guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qaraar wasaaraddiisu ku gaadhey in hoggaaminta Dalladda Iskuxidhka ururrada Xuquuqda Aadamaha ee SHURONET lagu wareejiyo xubno sheegtay inay yihiin hoggaan cusub oo loo doortay Dalladdaas, isla markaana Taliska Booliska Somaliland ay fuliyaan xilwareejinta iyo sugitaanka ammaanka xarunta.

Warqadda Wasiirkuxigeenka Caddaaladdu qoray oo xalay la maqlay, waxay soo baxday shalay oo taariikhdu ahayd 30 Oct. Waxayna ku socotaa oo loo kala diray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyaga oo nuqulo ogeysiin ahna la siiyey Hoggaanka Shuronet iyo xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub.

Warqaddaas oo ujeedadeedu tahay “Fulin Xilwareejinta Guddoonka Cusub ee Shuronet”, waxay u qoran tahay sidan:

Wasaaradda Caddaaladdu:

Markay aragtay Qodobka 94aad ee Dastuurka Qaranka

Markay aragtay: Natiijada ka soo baxday shirkii aan caadiga ahayn (exta-ordinary meeting) oo ay iskugu yimaaddeen ururrada xubnaha ka ah Dalladda Iskuxidhka Ururrada Waddaniga ee Xuquuqul Aadamiga, taas oo nuxurkeenu [nuxurkeedu] ahaa inay doorteen guddi hoggaamineed oo cusub oo kala ah:

  1. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) Guddoomiye
  2. Hoodo Maxamed Xasan Guddoomiyekuxigeen
  3. Saleebaan Ismaaciil Bullaale Xoghaye

Markay aragtay: In Dalladda Shuronet oo sife sharci ah uga diiwaangashan Wasaaradda Caddaaladda inay xaq u leeyihiin xubnaheedu (ururradeedu) inay qabsadeen Shir aan caadi ahayn intii badnayd (Majority) sife sharci ahna ay ku doorteen guddoonkoodaas.

Markay tixgelisey Mabaadiida Guud ee Dimuqraadiyadda ee Dastuurka Somaliland ku salaysan yahay oo ah in qofku wax dooran karo, lana dooran karo.

Markay aragtay: Waafaqsanaanta Dastuurka Dalladda Shuronet

Markay tixgelisey: Danta Guud ee Caddaaladda.

Waxay Go’aamisey:-

  1. In Taliska Guud ee Ciidanka Boolisku fuliyo go’aanka sida sharciga iyo dimuqraadiyadda ku dhisan uga oo baxay Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Shuronet, 24.10.07.
  2. Inay xilwareejin u sameeyaan guddoonka cusub lana sugo hay’adda Ammaankeeda.

Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale, waxa ay soo baxday maalin kadib markii uu fashilmay isku day xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub ee Shuronet oo adeegsanaya Boolis ay isku dayeen inay xilka xoog kula wareegaan xafiiska Shuronet. Waxayna ka marag-kacaysaa in xukuumaddu ka dambeysey shirkii lagu qabtay hotel Ambassador, kaas oo lagu tilmaamay shir aan caadi ahayn oo dalladda Shuronet ku dooranayaan hoggaan cusub, iyada oo gebi ahaanba ururrada xubnaha ka ah Dalladdu ay beeniyeen shirkaas. Sidoo kalena, dalladaha waaweyn ee ay ku jiraan badiba ururrada bulshada rayidka ah oo iyana xubno ka ah dalladda Shuronet ay ka digeen shirkaas oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, islamarkaana horseedaya fawdo.

Tallaabadan Wasaaradda Caddaaladdu ku farayso Boolisku inay xoog kula wareegaan xilka iyo xafiiska Shuronet, kadibna ay ku wareejiyaan xubnaha sheeganaya hoggaanka cusub, ayaan fulin maanta, wax war ahina kama soo bixin dhinaca Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Hase yeeshee, waxa la sheegay in Madaxtooyada ay ka go’an tahay in xilka laga wareejiyo hoggaanka Shuronet.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

Hargeysa (Somaliland.org) - Hoggaanka Dalladda ururrada Xuquuqul Aadamaha ee Shuronet ayaa qoraal ay galabta soo saareen waxay kaga jawaabeen warqad uu Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Tallaabo u diray Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuna amrayo inay fuliyaan xilwareejin lagu samaynayo hoggaanka Shuronet. Waxayna u soo jeediyeen Wasaaradda Caddaaladdu inay faragelinta ka deyso ururrada xuquuqul Insaanka.

Qoraalka jawaab-celinta Shuronet oo ay ku saxeexan yihiin dhammaan xubnaha hoggaanka (Board) Shuronet, waxay ku socotaa Wasaaradda Caddaaladda, iyaga oo ogeysiin siiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Guud ee Booliska Somaliland.

Waxayna u qoran tahay sidan:

“Annagoo ah dhammaan Guddida hoggaaminka ee ururrada Xuquuqal Insaanka ku bahoobey dalladda SHURO-NET annaga oo tixraacayna warqadda amarka ah ee ka soo baxday Wasaaradda Caddaaladda JSL ee tirsigeedu yahay: WC/WAG/G/677/07, ujeedadeeduna “Fulin Xil-wareejin”. Haddaba, annaga oo ah ururrada xuquuqal Insaanka JSL, isla markaana ixtiraamayna, una hoggaansan sharciyada inoo yaal, waxaanu u aragnay warqaddan mid baalmarsan sharciyada ururrada Ijtimaaciga ah ee waddanka. Warqaddan oo runtii af-kala-qaad ku noqotay dhammaan ururrada Ijtimaaciga iyo inta danaysa u doodidda Xuquuqal Insaanka JSL, iyadoo ay wasaaradda Caddaaladdu dhex u tahay dhammaan ururrada u dooda xuquuqal Insaanka, balse ay warqaddani u muuqato mid muujinaysa in Wasaaraddu baal martay sharciyada u yaalla Dalladda SHURO-NET oo ay dhigteen ururrada ku bahoobey.

Sidaa darteed, waxaanu mar labaad xusuusinaynaa Wasaaradda Caddaaladda JSL in shirkaasi ahaa sharci darro iyo inqilaab, maadaama shirweynihii dalladda ee sharciga ahaa dhacayo 23ka bisha December 2007 ee foodda inagu soo haysa, haatanna ay hawlahoodii bilaabeen guddida qabanqaabada shirweynuhu, gogolxaadhkiisiina socdo; shirkaas oo cidkasta oo hunguri ka hayo hoggaanka ururku uu xaq u leeyahay inuu isa soo sharraxo si dimuqraaddi ah.

Ugu dambayntii waxaanu u soo jeedinaynaa wasaaradda Caddaaladda JSL inay faragelinta ka deyso ururrada Xuquuqal Insaanka, ixtiraamtona sharciyada Dalladda Shuro.”

Qoraalkaas, waxa saxeexay xubnaha Guddida hoggaaminta Shuronet oo kala ah:

  1. Samsam Cabdi Aadan - Guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Maxamed (Qadaafi) - G/xigeen
  3. Canab Xasan Maxamed - Xubin
  4. Aadan Ismaaciil Geeddi - Xubin
  5. Maxamed Cabdalle Cilmi - Xubin
  6. Fahad Xasan Cabdulle - Xubin
  7. Axmed Saleebaan Maxamuud - Xubin
  8. Rashiid Cabdi Xuseen - Xubin

Hoggaanka Shuronet ayaa iyagu caddeeyey in aanay isku dhejinayn xafiiska, maadaama laba bilood wax ka yari uga hadhay wakhtigoodii xilka; balse ay sugayaan inta xukuumaddu xoog kaga saarayso, taas oo ay ku tilmaameen haddii ay dhacdo mid muujinaysa in xukuumaddu aanay waxba uga tudhayn dalka.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE