Xukuumadda oo la sheegay inay amar ku bixisay in xilka laga wareejiyo Hoggaanka Shuronet
Hargeysa (Somaliland.org) - Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa berrito inay xoog xafiiska kaga wareejiso hoggaanka Dalladda Iskuxidhka ururrada Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee Shuronet, kadib markii shalay uu dhicisoobey hawlgal boolis loo adeegsadey oo xubno hore uga tirsanaa Shuronet ay doonayeen inay xafiiska kula wareegaan.
Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Tallaabo uu amar qoraal ah ku bixiyey in xilka iyo xafiiska Shuronet lagu wareejiyo xubno sheeganaya inay yihiin hoggaan cusub oo Shuronet loo doortay, kuwaas oo dhowaan lagu magacaabay shir lagu qabtay Hotel Ambassador oo la rumaysan yahay in xukuumaddu abaabushey.
Warqadda la sheegay wasiirka Caddaaladdu ku amrayo in xilka Shuronet lagu wareejiyo xubnahaas oo aan si rasmi ah u soo shaacbixin ayaa haddii ay jirto, waxay sahlaysaa in ciidanka Boolisku ay xoog kaga wareejiyaan hoggaanka Shuronet xilka iyo xafiiska.
Hawlgalkii shalay ayaa fashilmay markii boolisku ay waayeen wax caddaynaya in xubnahan sheeganaya hoggaanka cusub ay sharci yihiin, xaqna ay u leeyihiin inay xilka la wareegaan.
Xisbiga KULMIYE ayaa cambaareeyey faragelinta xukuumaddu ku hayso ururrada xuquuqul Insaanka, isla markaana sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin hoggaanka iyo maamulka sharciga ah ee Shuronet.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo maanta ka hadlay arrintan waxa uu ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay xubnaha ashkhaasta doonaya inay xukuumaddu ku wareejiso hoggaanka Shuronet oo sheegay in xisbiga KULMIYE hortaagan yahay, isla markaana uu taageerayo hoggaanka hore.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur