Xariif Magaalo - Qaybtii 1aad
Dhaqanka dadka reer Somaliland waxaa ka reebban beenta iyo nolosha ku dhisan hawaawiga iyo turuufada, sababtuna waxa weeye dhaqan-dhaqaalaha dadka reer Somaliland oo ah xoolo-dhaqato reer-guuraa ah, taas oo ah nolol run ku dhisan oo aan lahayn meel ay ka soo gasho qaab loogu noolaado been iyo khiyaali, maadaama nolosha ku dhisan Xoola-dhaqatada reer-guuraaga ahi ay tahay mid kooban oo cad, isla markaana aan lagu dhex dhuuman karin.
Hase yeeshee, intii noloshaa laga soo guurey ee la soo galay magaalooyinka waaweyn, dhaqan-dhaqaalahaasi wuu is beddelay badankiisu, waxaana ka abuurmay dhaqamo kale oo ka dhashay xaaladaha nololeed ee magaalooyinka iyo xadaaradaha meelo kala duwan ka soo gelaya.
Waxaa ka dhashay magaalooyinka xeelado iyo xirfado kala duwan oo lagaga xoogsado, kuwaas oo weli inta badan ku dhisan ama aan ka tagganayn dhaqan-dhaqaalaheenna ka soo jeeda noloshii ku dhisanayd xaqiiqda iyo xoogsiga xalaasha ah ee xoolo-dhaqatada. Hase yeeshee, magaalo mugweyn, waxay noqotay meel ay ku nool yihiin dad kala duwan oo aan is aqoon, isla markaana ay ku dhuuman karaan dad badan oo aan ku qarsoomeen ama aan ku dhuuman kareen nolosha xaqiiqada ah ee aynu ka soo jeedno ama aynu ka dhaxalnay awoowyadeen. Haddii aan taas sii sharraxo bulshada xoolo-dhaqatada reer Guuraaga ahi waa bulsho istaqaan - meel kasta mandaqaddaa ha ka kala deganaadeene - oo la og yahay qof kasta kaalintiisa uu kaga jiro min qoyskiisa ilaa bulshaweynta jiiddaas, hayntiisa xoolaad, farihiisa, kartidiisa iyo raganimadiisa: sida hadduu yahay dagaalyahan, geesi, fuley, talaqabeen, fidna-wade, budhcad ama geelqaad, tuug, wadaad, deeqsi, bakhayl, garyaqaan, gar-ma-qaate, Guurti, Beel-daaje, iwm.
Dhaqankaa asalka ahi markii u horreysey ee uu yimi magaalooyinka wuu fahmi waayey, wuuna la falgeli kari waayey. Wuxuu ku noqday qariib, waxana uu arkay inay yihiin laba dhaqan oo aad u kala fog. Inkasta oo labada dhaqan mid waliba uu leeyahay wanaaggiisa iyo xumaantiisa, dadkuna yahay dadkiisii waxa uu ka qaatay magaalada iyo dhaqanka dadkeeda fikrad xun oo uu ku saleeyey warbixinta uu ku celiyey dadkiisa; taas oo ka dhigaysa magaalooyinka meel daacadnimada iyo xalaashu ku yar tahay oo been iyo wax is dhaaf-dhaafis lagaga nool yahay.
Dhinac marka laga eego waa run warbixintaasi, sababtoo ah, magaalooyinku waxay hoy u noqdeen dad badan oo ka baqay nolosha xaqiiqada ah iyo in badan oo Makaaliif ah oo dantu ku kelliftey inay la yimaaddaan farsamo ay ku deberaan noloshooda dariiq kasta ha u mareene, kuwaas oo aan meel ku lahayn, isla markaana aan ku dhexdhuuman karin nolosha iyo dhaqanka asalka ah ee dadka reer Somaliland. Warbixintan waxaa tusaale cad iyo sawir fiican inaga siinaya Gabaygii Ismaaciil Mire ku sharraxayey sidii loo dhacay mar uu xoolo safar ah geeyey magaalo. Waxaana ka mid ahaa:
Afka reer Magaaluhu yaqaan waan ka awdnahaye
Ilmaroojihii bay khatalay kii an Aaminaye
Anigoo Arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye.
Tabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa loogu yimi magaalooyinka, kuwaas oo marka magaalooyinku sii koraan, aqoonta, ilbaxnimada iyo xadaaradaha kala duwan ee soo gelaya ay sii horumariyaan ama sii casriyeeyaan dadka ku shaqaystaa, sida waxyaabo kale oo badan oo lagu horumarinayo nolosha xaqiiqada ahina ay u kordhayaan.
Xariif Magaalo
Xariif Magaalo waxa uu ka mid yahay dadka ku nool magaalada ee ku shaqaysta ama isticmaala tabaha iyo farsamooyinka ka fog dhaqanka soo jireenka ah ee dadka reer Somaliland. Xariif Magaalo nin ka soo baqay inuu wajaho nolosha iyo xaqiiqadeeda, isla markaana samaystay been iyo khilaayli uu ku noolaado, kagana dhuunto xaqiiqadiisa. Xariif Magaalo kama mid ah Makaaliifta duruufta iyo nolol raadisku la gashay dhaqanka xun ee magaalada, balse, waxa la odhan karaa waa nin doonaya wax aanu lahayn ama ahayn, oo ka baxsan awooddiisa iyo kartidiisa, ha noqoto maal, magac iyo maskab, taas oo laga yaabo haddii uu si dhab ah u wajaho inuu gaadhi karo, balse, uu ka baqay, kana doorbiday inuu ku helo qaab gurracan.
Xariif Magaalo waa nin dhisan muuqaal ahaan, had iyo goor si fiican u lebbisan oo xidhan dhar soo jiidasho leh - badiyaa Suudh iyo Tay; balse, madhan oo aanay waxba uga hoosayn, cilmi iyo caqli, iyo xilkasnimona ku jirin. Waa nin weji furan oo farxaan ah, soo dhoweyn iyo jajabnaan badan leh. Waa nin dhiiran oo indha-adag, cidkastana isu bari kara si dhakhso ah, isaga oo weliba iska dhaadhicinaya, una sheeganaya awooddo iyo mucjisooyin been ah. Beenta, is buunbuuninta, indha-adayga iyo khajilaad la’aantu waa qalabka (Tool) uu ku shaqeeyo. Xariif Magaalo waxa lagu arkaa had iyo goor xafladaha aroosyada, Meherka iyo munaasibadaha kale, Baararka waaweyn iyo meelaha dadka madaxda iyo maalqabeennada ahi fadhiistaan ama ku baashaalaan. Wuxuuna aad u jecelyahay inuu ka dhexmuuqdo ama hormuudba ka noqdo hawlaha noocaas ah. Wuxuu ku dhiirran yahay Mikirifoonka iyo inuu dadka hortiisa soo istaago, taas oo ay dad badani ka baqaan, balse, isagu maadaama uu u baahan yahay markasta iyo meelkasta inuu dadka iska dhaadhiciyo oo uu is baro waa u fursad qaali ah inuu helo madal dad kala duwani joogo iyo mikirifoon, xitaa ha noqoto munaasibaddu mid aad u kooban oo Meher ama Aroos ah.
Waa Kuma Xariif Magaalo:
La soco Qayb kale oo xiiso leh …….
Maxamed Cismaan Mire,
E-mail: mosmire@gmail.com

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur