OPINION

Xabashi Raacdaysi (GABAY)

XABASHI RAACDAYSI (GABAY)

 Bismillaahi raxmaani raxiim. Maansadan yar waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2007-10-29. Ujeedadu waa in aanu hadafku ka lumin shacabka soomaaliyeed ee muslinka ah ee iska dhicinaya hororka diin la dirirka ah ee ay la tacaalayaan. Haddana ujeedadu waa in halgamayaasha loo iftiimiyo mawqifka ay iska taagayaan khilaafka ka dhex aloosan kooxda dabadhilifka ah ee reer Imbigaati. Wuxu yidhi:

 

Marka hore waxaan raacsanahay xabashi raacdayska

Iyo reer Yugaandhaha dulmiga ugu rafiiqaaya

Marka xigana waxan raacsanahay Geeddi rididiisa

Marka xigana waxan raacsanahay tii rabbay noqone

Raran iyo cadaab lagu dul rogo raxanta yey raacsanSida Eey rabbaayada kuwaa xabashidow roorayEe rugo nabdoonaa ka dhigay goob raq iyo mayda

Rabbigii na uuntiyo kuwaa rixin islaam gooyey

Ee rixiya goortay maqlaan eheludiin riiqday

Reray weeye ay reer galbeed rubucyo siisteeneRaxmaddiisa iyo eebeheen raaxo haw miyo ehRah maroodi lagu joojiyoo reeban bay noqoneRuclo orod ayaa lagu qabqaban way rawaxayaaneDadkii raacsanaayoow haddeer raajac baa furaneRabbi tawba dhaha raalligelin Raasiqaa mudane !! Rayrayni way soo dhawdahay lala rax leeyaayeRiyadii shacbigu ay qabeen badi run weeyaaneAl-shabaabkii lama raagsanine waa kuwa ridayeNimankii rogaal celin ogaa raadki waw baxayeWaxay rasaasta ugu beegmayaan inaynu raacnaayeHa la riixo cadowgeeni wuu sii rawaxayaaye ! Maxamed Xirsi Guuleedabdibashir@hotmail.com2007-10-29


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008