Wacdarihii aan ku arkay “Somali week: 27/10/07″

Soomaali Maxamed: “Weli naftii kama bixin”

Cabdillaahi Cawed Cige

Sidaan ku maqlay:

Warku wuxuu iigu yimi telefoon. Isuduwaha barnaamijka, Marwo Ayaan M.M. Cashuur ayaa igu wargelisay in bisha Oktoobar 20 - 28da hawl wacdaro leh lagu qabandoono magaalada Landhan. Kaftan kooban oo ku wajahan bisha(Oktoobar) markaannu isweydaarsannay ayaan ballanqaaday in aan bal kollay maalin maalmahaas ka mid ah madasha isha soo mariyo.

Sidaan ku socdaallay:

Maalin sabti ah oo ku beegnayd 27kii Oktoobar, 10:25 aroornimo ayaan aniga, Xasan Yaasiin Warsame iyo Cismaan Nuur Ducaale ka shiraaqannay magaalada caanka ah ee beri dadka lagu iibin jiray ee Liverpool. Socdaal laba boqol iyo waxoogaa mayl ah ayaannu u xamaamo qaadannay. Hawadu waxa ay ahayd mid wanaagsan, waduhu maaddaama oo aanu geedka baas ee ina dilay cunin qaaddiro ku raagtay ma qabin.
Suudhadhka, baabuurta kaxayntooda iyo hilibka cunistiisa si baan ugu wada liitaa, haddana shidhka hore ee wadaha xiga la iigama taaghelo, waddada akhriskeeda iyo waxka sheegga khaladaadka waduhu galo ayaan aad uga mabsuudaa. Sidaas aawadeed kursiga hore ayaan dingiigsaday. Sinxiyo heeso Soomaaliyeed ku qoran yihiin ayaan marba mid soo dhiftay, Xasan Aadan, Qaraami iyo heesihii hore dar ay ku yaalliin ayaan is idhi waa noocii maskaxda dhaqaajin jiray ee ku day mise nag. Mid walba cunaha ayuun baa la haystaa. Sinxi kale oo magac aanan garaynayn ku qoran yahay ayaan soo qaaday, digdam digdam dararam dararam “Sida madiga hooyadu; intuu meel biyaha dhigay, marka ay jalleecdaba”, dhega waar muxuu inanku ku hadlay. Heesta garannay se sida uu ninka qaadayaa isugu bog iyo cayn gooyay ayaa naga degiweyday. Reediyowga BBC4 oo marraawaaxid barnaamijyo ay ka dhacayso laga sheegayo ayaannu iska geysannay, niik caarak yaa soomaali mar haddii aad maanta dhimatay ayaa maskaxdayda ku soo dhacday.

Sidaan ku gaadhnay:

Landhan waa magaalo waalidkeed kudday, baabuurta iyo dadku waa is le’eg yihiin, waxa aad mararka qaarkood is odhanaysaa gaadhiga ma ka degtaa oo ma ba iska lugaysaa. Xilliga xafladda aanu u soconnay bilaabmaysay waxa ay ahayd 2galabnimo, shan iyo soddon daqiiqadood markay dhaaftay ayaannu isa soo taagnay, waa xaflad Soomaali, wakhtiga iyo Soomaalidu na waa col oo had iyo jeer way kala warwareegaan. Weli lama bilaabin, kaafi iyo bariis wixii calaf aannu ku lahayn baannu isdhaafinnay.

Sidii loo daahay iyo la kulankii colka madaxdiisa:

‘Kaadsiinyo kiish lacag ah bay dhalaan’ waa tii hore loo yidhi. Intii aannu horta sugaynay furitaanka habsaamay ee xafladda ayaannu hubkii cuslaa ee goobta loogu talagalay oo garoonka usii hadaafaya la kulannay, farxad baannu sidii dhallaan xareed helay la boodboodnay, ma Hadraawi baa? Nabad weeye. Ma Gaarriye? Barasho wanaagsan. Iyo Martin, waa Ina Orwin, nin la yaab leh oo aad afkiisa kula hadlayso oo kaaga kuugu jawaabaya.

Martin Orwin maalintii iigu horraysay waan ka yaabay. Waxa ay ahayd sannad ka hor, xaflad buugaagta Soomaalidu qorto lagu soo bandhigay oo ka dhacday magaalada Kaadhif ee carriga Weleshka ayaa martiqaad iiga yimi. Nin meesha igu soo dhoweeyay baa khasab igaga dhigay in aan nin weriye ah oo qol ku jira dhawr eray u sheego, qolkii baa aniga oo sidii waxar yar oo baqanaysa dhegta la i jiidayo la isoo geliyay, waxa goobta fadhiya laba nin oo ajanebi ah, afkooda ba sow kama baqo in aan ku hadlo? Waar ninyahow bahalku adagaa mise waa aniga? Mid labadooda migirifoon haysta oo aan u fahmay inuu ka wax na weydiin doona yahay baa ila hadlay;

“Waad gabaydaa sow maaha?”

“Maya, laakiin marmar baan wax qorqoraa”

“Sheekooyinkana waad qortaa miyaa?”

“Adigu mar baan isku deyay”

Intaas markaannu ninkii isweydaarsannay oo aan isleeyahay waar meesha yaa kaa saara ayuu ninkii kale hadlay.

“Buugga aad qortay waa kee?” ayuu afkaygii aan gabboodka ka dhiganayay ee aan islahaa may tolow kaas kugu waraystaan igu weydiiyay. Waan yaabay.

Ilaa maalintaas heerka Ina Orwin afka Soomaaliga ka joogo shaki igagama jirin, se nimankii ila socday la yaab bay ku noqotay ninka qalaad ee Hadraawi iyo Gaarriye afsoomaaliga kula sheekaysanaya.

Sidii taageere kooxdiisii saddex gool iyo eber qolo kale ku hoggaaminayso ayaannu odayadii midab walba lahaa ee afka Soomaaliga ku haasaawayay sheedda uga wada daawannay ilaa hillaac kale noo baxay; waa Xasan X. Cabdillaahi “Ganey”, waa isagii oo aan biyo ismarin, ma gaboobin sida wejigiisa ka muuqata, in aanu se gaagixin ayaannu hoosta kaga ducaysannay.

Xafladdiyo wixii dhacay:

Goobtu waxa ay ahayd tiyaatar kooban oo bilicsan. Markii aannu gudaha u soo dhaadhacnay oo saacaddu afartii galabnimo dhakada uga baxday kuraasta badankoodu way buuxday, waxa dadka madadaalinayay filim gidaarka ka socday oo aad u xiiso badan, wuxuu ahaa filim cusub oo ka sheekaynaya waayaha bulshada qurbaha horyaalla. Si walacsi ah oo ‘haddii aad doonayso soo daawo’ ay ku dheehan tahay ayaa sanka nalooga marmariyay, annaguna aad baannu intaas yar ee nala tusay uga boggannay.

Kollay inta sheekada filimka nalaga tusay nin Faarax ah oo kursi laaban, xaaskiisii oo badh caasi iyo badh hooyo wanaagsan isugu jirta, iyo laba ubad ah oo ay dhaleen oo ‘cool’ iyo ‘safe man’ u dhexeeya ayaa iiga biniixay. Farsamo, horumar iyo ku dayasho xadaaradaha kale ee dunida ayaa ifafaalaheedii filimkaas walacsiga ah iiga soo baxeen.

Xafladdii baa markaas gadhka na loo geliyay. Barnaamijku wuxuu ahaa mid dhaqan, suugaan iyo wixii la halmaala isugu jira. Waxa migirifoonka lagu aaminay oo barnaamihka daadihinayay wiil Suldaan la yidhaahdo oo isagu haddii aannu reer Ingiriis nahay suugaanta marka ay noqoto noogu jira barta Steven Gerrard kooxda Liverpool ugu jiro. Waxa isaguna xejiye culus u ahaa Cali Seenyo oo isaguna khadka difaaca ee suugaanta haddii aannu reer Ingiriis nahay noogu jira, waa John Terry-ga gabayga ee dhanka carro Ingiriis.

Haddii jidkii dheeraa ee dhinacaas iyo waqooyi galbeed naga keenay dhaxan iyo qadhqadhyo na soo markiyay waxa intii ba duuliyay Baarcadde uu si farsamo iyo hannaan leh noo soo gaadhsiiyay abwaan Beeldaaje. Hore ninkaas anigu uma wajahin se raad fog ayuu saarkiisii kaga tegay saarkaygii. Sacab iyo jaan baa na lagu taageeray. Madashii kolkaas waa noo godlatay, meesha maaci iyo laan curub ah inta ba waa la isugu keenay. Xasan Ganey tabtii aannu rajaynaynay ayuu hees aanan qoraal ku qiimayn karayn oo raadraac u ah heestii xulka ahayd ee “Saylo” gadhka noo geliyay. Ninku aftahansanaa, aqoonta dhaqankiisa iyo degaankiisa uu u leeyahay ballaadhanaa oo qoto dheeraa, waxa ka sii daran farsamada dhiska suugaantiisa, sida farsamayaqaannadii dhisay Ahraamta loola yaabo ayaan ninkaas dhiska uu afka u qotomiyo uga yaabaa. Tabtii lagu yiqiinnay ayaa awrkii hashiisii sheedda uga ilaashanayaa, dhibicdii xareedda ahayd caleen iftiinkii cadceeddu ku dhacday uga sii dhaadhacaysaa, sidii baa nabad iyo barwaaqo isugu maran yihiin.

Jacayl iyo sida dhiigga loogu qoro ayuuu Hadraawi na nooga warramay, qofba inta uu la dabbaalan karo, ka uu jiq ka siiyo, ka uu hadal miidhan ka dhigo, ka uu dhegatiro, marxaladahaas oo dhan ayuu noo daalaciyay. Gobannimada iyo haybadda uu Ismaaciil Sh. Aadan ‘Cagafcagaf’(AHN) ku wajahay jacaylkii haleelay iyo sida markii gabadhii uu jeclaa laga guursaday uu samirka u aaminay ayuu abwaanku wax nooga taabtay. Waan jeclaa Cagafcagaf iyo xikmaddiisa weligay ba, waxa se aan ka sii bogtay erayada gunaanadka u ahaa jacaylkiisii baahay “Sed iyo calaf baa, sidaa wax yidhee, I seegtaye samo ku noolow”.
Macalin Ina Orwin ayaa isaguna goobta wacdaro ka geystay. Waa nin aniga iga yaabiyay, heesta ‘Jacayl dhiig ma lagu qoray?’ oo uu afka Ingiriisida ku beddelay ayuu soo bandhigay.
Gaarriye ayaa isaguna nagu maansheeyay suugaantiisii, buug Hagarlaawe la yidhaahdo oo sida aan ogaaday toddobaadka Soomaalida qayb laxaad leh ku lahaa ayuu isna goobtaas ka soo tebiyay.
Madashu ragga maacida ah uun uma xidhnayn. Cismaan Nuur Ducaale oo kooxdayada Liverpool u ciyaarayay ayaa isaguna ciyaarta dardarteeda lahaa. Abwaanka safka dambe ee difaaca uga ciyaara kooxda Ingiriiska Cali Seenyo ayaa isaguna gabay caqiibo leh oo uu geela noogaga warramayo bartaas ka tiriyay.

Abwaanno iyo aftahan kale ayaa iyana garaadkooda nagu sooray. Gunaanadkii barnaamijka waxa igu dhacay jaahwareer, farshaxankii maskaxdayda lagu disay ayaa buuxdhaafiyay oo ay la ciirciirtay. Marraa-waaxid inay dillaacdo ayay ku sigatay, baga dee, imisay ciil iyo caloolxumo la dillaaci gaadhay, imisaa afjabnaanta iyo faqiirnimada afka Soomaaliga ee BBC-du maskaxyahay ku waali gaadhay, imisa qalqallooc iyo higgaadxumo ayaad bogagga afka Soomaaliga ku aragtay oo ku indhobeeli gaadhay. “Haakah dheh” baan aniga oo maskaxdaydii buuxdhaaftay la hadlaya idhi.

Intaas iyo in kale oo badan oo aan illaaway waxa sii dheeraa haybadda, sharafta iyo xiisaha dadkii madasha isugu yimi. Waxa aad ii dhiirrigeliyay dhallinyarada da’doodu hoosaysay, badhkood dalka ku dhasheen, dar kale na ku koreen ee goobtaas isugu yimi.

Inkasta oo ay ahayd maalin keli ah oo ka mid ah siddeed maalmood oo barnaamijku socday, haddana waxa aan goobtii kala soo hulleelay rajo cusub, Soomaali Maxamed oo aan islahaa nafi kuma jirto in ay nooshahay ayaa meeshaas iiga soo baxday. Iyada oo abwaannada, farshaxanka iyo qoraayada bandhigga ka qaybgalay guusha kobciyeen hadda na waxa lama illaawaan ah, mudanna in mahad ballaadhan loo jeediyo qabanqaabiyayaashii hawshan ballaadhan oo ay hormuud weyn u tahay Ayaan M Cashuur oo runtii suurtagelisay dhacdo intayada badani u haysatay in aan la suurtagelin karin.

Galabtaasi xusuus mudan ee markaannu mededkii iyo xadradii suugaanta dhammaysannay, wakhtigu naguma simin in aannu ka boganno Faadumo Qaasin iyo Saynab Cige oo iyagu markaas uun madashii la wareegay. Se miyaannu keli ku ahayn? Boqollaalkii qof ee aannu gudaha ku fadhinay sow boqollaal kale oo debedda ku sugayay kadinkii nagaga ma hor iman.

Ka sitee hadda ba!
Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE