Shir Maanta Ka Dhacay Hoolka Dawlada Hoose Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Qaar Kamid Ah Masuuliyinta Gobolka

Waxaa maata ka dhacay hoolka shirar ka ee Dawlada hoose ee magaalada laascaanood shir ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka iyo kan degmada laascaanood shirkaas oo ay kaga hadlayeen xaalada Gobolka iyo sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka hadda gacanta ku haya Gobolka.

Shirkan ayaa ahaa mid ay kasoo qayb galeen dadwayne aad ufara badan kuwaas oo si wayn uxiisaynayay inay ogaadaan siyaada dhabta ah ee maamulka hadda gacanta ku haya Gobolku uu u wado shacabka taas oo ay in badani si wayn ula dhacsanaayeen hadaladii kasoo baxayay masuuliyiinta halkaasi ka hadashay ayna doonayeen inay arkaan wax qabadkoodii.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Gobolka Cali Sandule oo ka war bixiyay booqasho uu saaka ku tagay goobo badan oo kamid ah xafiisyada Gobolka ee maamulku uu ka hawl gali karo kuwaas oo uu sheegay furi doonaan dhamaanba xafiisyadaasi sida ugu dhaqsaha badan.

Sidoo kale waxuu halkaasi ka sheegay gudoomiyuhu inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan shacabka oo ay doonayaan inay waxa ay ku shaqaynayaan ka timaado dhinaca shacabka ee aysan ka imaan dhinaca Dawlada siyaasi ahaan oo uu sheegay inaysan u shaqaynayn sidii kuwii hore waa sida uu hadalka udhigaye.

Waxa uu sheegay Gudoomihi inay samaynayaan wada tashiyo dheeri ah ayna la imaan doonaan markasta oo ay shaqo galayaan ama ay Gobolka wax laga dhaqaajinayo oo wax loo qaban doono in lala tashado shacabka oo rabitaankooda lagu shaqeeyo uuna sheegay inay hadda jiraan wax badan oo Gobolka laga qaban doono.

Waxa kale oo hlkaasi ka hadlay laba odaya oo u hadlayay magaca shacabka kuwaas oo si wayn ugu dheeraaday inay la tashiyo ay samayso maamulka hadda gacanta ku haya Gobolka kuwaas oo ay sheegeen inay si wayn uga taxadiraan wixii cadaalad xumada ahaa ee maamulkii hore la dhacay oo iska ilaaliyaan haddii ay la yimaadaan tagi doonaan sidii kii hore.

Hadaba waxaa ugu danbayntii halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe aw Daahir oo lahaa qaban qaabada shirka sheegayna inuu hadda mamulku uu si wayn diirada u saari dooni baahida shacabku uuna la tashiyo badan la samayn doono shacabwaynaha magalaada.

Waxa uu inataa ku daray in hadda la bilaabi doono dhamaanba sidii loo furi lahaa xafiisyada Gobolkka uuna hadda si rasmiha u furan yahay Dawlada hoose dhamaanba xafiisyadeeda iyadoo ay halkaasi fadhiyeen maanta ku xigeenka Degmada laascaanood iyo xoghaya Dawlada hoose.

 

Xigasho: Afnugaal


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE