Khasaarahan Dalka ku habsadey 16 sano, maxaa Dood Furan looga geli waayey?!!
Khasaarahan Dalka ku habsadey 16 sano, maxaa Dood Furan looga geli waayey?!! Seexoo soo toos maaha Mas’uuliyaddu.
iyo Maamul qarameedba lahayd. Lix iyo toban Sannadood
waxbadan ayey Bulshada Rayidka ahi qabatey, ka sii
badanna wey qabsan lahayd haddii aan hadimooyinka
Maamulkani wiiqin!!. Waxaynu ka soo gudubney Marxalado
adag oo isku dhac bulshada iyo Maamulku ka dhalan
gaadhey, haddii aanay Bulshada Rayidka ahi iyadu ka
roonaan, siyaasadaha aan ujeeddada fayow lahayn ee
lagu xudha-xudheynayey.
Dawladi waa Maamul ummadi dhisatey oo ay bixiso
cashuur
uu ku hawlgalo hanti ahaan Maamulka Bulshadu igmatey,
si uu ugu adeego qaranka, inta loo igmaday hanashada
xilalka qaranna waa u Adeegayaal Bulsho Maamuus iyo
Adeecid inta ay sida wanaagsan wax u wadaan, waajib
waddan tahay. Mas’uuliinta Maamulkan haddaba, xilkii
la saarey, waxaad mooddaa in ay mid iyaga u gaar ah ku
beddesheen, waxqabad la’aa, , qorshe qarameed la’aan ,
Maamul la Fidiyo la’aan, Dakhli la Nidaamiyo oo
shuruuc dhaqaale muujineed leh oon jirin, Ciidammada
ilaalada Hantida iyo Hanti-dhawr qaran awood iyo
waxqabad leh oon aan jirin, Caddaaladdii oo Cawro
jeelasha kula dhuumata xukun qarqoosh noqotey, ama si
cad laaluushka loogu kala qaato!! Dalkan oo Saddex
Gobolba lacag u gaar ah leedahay, Is-maamullo laga
dhex dhawaaqay iyaga oo Qaran Afka innaga maqashiiya!!
Laba wiig oo qudha , Maamulkan oo jirey ayaannu ka
quusannay Markii uu Golaha wasaro ee 54ka ah soo
dhisay, Xil sugayaasha Mucaaridka ah oo ay ahayd inay
Ummadda tusaan barnaamijka ay u hayaan , iyaga oo waxa
uu Maamulku ku gafo si sharciga waafaqsan u diidaya,
una bandhigaya Hay’adaha ay khuseyso, waxa ay u
ekaayeen inay dhaqan muxaafid leeyihiin, oo Maamulkani
waxa uu doono iyo sida uu doono weliba goorta uu doono
u fushanayey. Lix iyo toban sannadood haddii uu Dakani
khasaarey wax qabadkii Maamul oo aan idaacad qudha oio
Dalkan laga wada dhegeystaa Jirin, Sanaag Bari
Is-maamulka Maakhir , sanka innaga Marmarineyso,
Soolna Budhcadeedda Bugland dhawr sannadood markii ay
si xaaran ah uga cashuur guraneysay , isa siisayba oo
ay bilawdey inay Buuhoodlena ku fiddo, intaan Ciidanka
qaranku dhirbaaxin!!
Lix wax markaan eego oo Dalkan ka jira, runtii murugo
ayaan beddelmaa. Dhallintii lahayd Mas’uuliyadda Xilka
Dalkan , Odayaashii Maamulkoodu kaga tegeyaan
Mashaakil maamul-xumo, Musuqmaasuq, Caddalad Xumo,
qorshe la’aan i.w.m oo Maskaxda T/v ay kubbadda
kooxaha Yurub ka ciyaaraan, dhakada ka haysato, kuwaas
oo ay u abtirinayaan, waqtiga uu dhashay, Dugsiga uu
ka baxay, wuxuu carruur leeyahay, Ina Cumar-ku-Joog
kumuu ahaa haddaad weydiisana aan garaneyn. Inaantii
gashaantda ahayd oo Bushaarooyin iyo waxay
isku-duugtaa waqtiga ka qaadey oo wax adduunkan ka
socdaba aan ka warhayn, Hooyadii oo tartanka KULMIYE
iyo Udub oo kale Aabbihii kula jirta hoggaankii qoyska
oo shaqo tagtey, asluubtii iyo kala dambeyntii
qoyskana , wax weyn u dhintay, ama furriin iyo Dayac
Ubad keentay !!
Odeyaashii Deegaanka oo Madaxbannaani u helay dhulkii
Danta Guud oo siday doonaan u gatay, kay doonaan ka
qaaday, kay doonaan siiyey, kay garan waayeen jid ku
jiheeya!!! Dawladihii hoose oo shaqadii ay lahaayeen
ee Dawladda Dakhligeeda ka midka ahaa , u qortey
sharikado adeeg sidii oo ay Dawladdu Dal sanaaci ah
noqotey oo ilo dhaqaale ay dakhligan kaga maarantay u
soo kordhay!! Ganacsatadii dalkan ee dhex amay
yar-yareyd oo u Madax-bannaanaadey inay waxa ay
doonaan ku iibshaan badeecadaha ay hayaan oo cid
xakamaysa iyo cid ay wax iskaga tirinayaan midna jirin
!!!
Waxa muuqanaya Dawlad Riyo iyo Dhalnteed hummaag ah ku
socota, Dalkuse, wuxuu maanta u baahan yahay Dawlad
Tacab iyo Aqooneed !! . Riyada dhosogtey ee Mucaaridka
xil sugaha ah , halkii uu uga tacab geli lahaa
muujinta himilooyinkiisana ku dul raday inuu iska sugo
inta uu xilku ka dhammaanayo Dawladdan Riyadu , ma
dhiirri gelineyso aqoon yahanka in uu rajo caynkaas ah
geliyo, waayo ragga dugsadey dullinimada habeysan ee
lagu maaruqay Distoorka iyo shuruucda Dalka, hortooda
lagu xidhay sharci-darro aqoon yahankii Dalka iyo
Saxafiyiinba, kana dhiidhiyi waayey , dantooda uun
inay wax ka arkayaan ayaa dareenku muujinayaa !!
Somaliland waqtigan kala guurka ah , Maamulkani isagu
soo noqod ma laha, awoodda codbixintana shicib lix iyo
toban sannadood Maamulkan UDUB dayacay ayaa gacanta ku
haysta oo aan khaldameyn markan, Kuwan Xilsugayaasha
ahna, waxa loo baahan yahay in la furo dood-furan oo
waxa ku kallifey inay ka aammusan Dhibaatooyinka
hortooda yaalla ee Dalka soo marey iyaga oo
Xilsugayaal ah, isu hortaagi waayeen ka axsaab
mucaarid, ama uga talo bixin waayeen ka Mas’uuliin
mustaqbal la weyddiiyo!! Shuruuc iyo Distoor jebin,
Dawlad tiro badan tayana ka madhan, Dakhli aan shurruc
muujineed iyo Hantidhwr-Muuqda lahayn, Miisaaniyado
qaran oo aan xisaab-xidh lahayn, Dal Badhkii lacagtii
Federaalku ka socoto, Dal aan idaacad lahayn qaran oo
laga wada dhegeysto, Dal ay saddex Gobol weli maamul
ahaan takooran yihiin!! Dal siyaasad dhaqaale oo
qallafsan Dekaddiisii looga didshay Macaamishii wax
kala soo degeysay ama ka dhoofsaneysay!! iyo qaar
kaleba.
Warbaahinta Dalkan, Jaraa’id, Tv iyo Idaacadaba waxa
saaran waajib ah in lagu kala saaro xilsugayaasha
Xilka Dalkan waqtigan kala guurka ah Dood aqooneed oo
laga hadlo wixii soo maray Dalkan waxa ay uga
aamusnaayeen , uga talo bixin waayeen ama u hor
joogsan waayeen, inta aynaan kud ka guurin oo qanjidh
u guurin!!
Dr.
Hargeysa

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde