Guddida Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa iyo Laamaha Degmooyinka oo si kulul uga jawaabey warar ay faafiyeen Cismaan Hindi iyo UDUB

Madaxda xisbiga KULMIYE, xaflad Oct 30 2007 Hargeysa (Somaliland.org) - Xaflad ballaadhan oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga, magaalada Hargeysa.

Xafladdaas oo guddida gobolka ee xisbiga KULMIYE, garabyada haweenka iyo dhallinyarada iyo laamaha degmooyinku ay kaga jawaabayeen dacaayado iyo warar been ah oo xukuumadda iyo warbaahinteedu ka fidiso xisbiga KULMIYE, gaar ahaan, sheegashada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa ee xisbiga, Cismaan Hindi uu sheegtay ama lagu sheegay inuu kula biiray xisbiga UDUB garab xisbiga KULMIYE ah oo uu hoggaaminayo, waxaa kala qaybgalay, halkaana hadallo uga jeediyey dadweynaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno badan oo ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Kulankaas waxa ugu horrayn ka hadlay masuuliyiin madaxda laamaha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka Gobolka Hargeysa qaar ka mid ah iyo garabyada bulshada ee gobolka, kuwaas oo dhammaantood si kulul u beeniyey in cid ka tirsan laamaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa iyo garabyadooda bulshada, sida dhallinyarada iyo haweenka oo ku biiray xisbiga UDUB iyo wax taageerayaal ah oo uu Cismaan Hindi kala tegey xisbiga KULMIYE. Waxayna si gaar ah u daba joogeen oo ay kaga jawaabayeen xaflad qado ah oo lagu tilmaamay mid xisbiga UDUB ku soo dhoweynayo Cismaan Hindi, balse, ay ka soo qaybgaleen tiradii ugu badnayd ee wasiirro iyo masuuliyiinta xukuumadda ah.

Marwo Aamina Maxamuud oo ka mid ah haweenka xisbiga KULMIYE oo sharraxaad ka bixinaysey ujeeddada kulanka ayaa sheegtay in xafladdani ay hordhac u tahay xaflado waaweyn oo xisbiga KULMIYE samayn doono maalmaha soo socda, isla markaana kulankan uu Gobolka Hargeysa ugu talagalay inuu ku soo bandhigo isku duubnidiisa iyo taageerada ballaadhan ee xisbiga KULMIYE ay u hayaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Hargeysa, xaflad Oct 30Xubno ka kala socdey garabyada Haweenka iyo dhallinyarada iyo Guddoomiyayaasha qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka ayaa si cadho leh uga jawaabey wax ay ku tilmaameen been iyo masabid ay Cismaan Hindi iyo xisbiga UDUB ku shuraakoobeen, iyaga oo u adeegsanaya fidinta dacaayaddaa beenta ah warbaahinta Qaranka, sida Telefishanka iyo Radio Hargeysa.

“Anigoo Afka Xaafadda Axmed Dhagax ku hadlaya, Axmed Dhagax wax alla wax ka baxay oo UDUB galay inaanu jirin ayaan caddaynayaa. Waxaanu nahay xaafadda keliya ee isku duuban ee gacmaha is haysata ee aan UDUB qof ka taageerin,” sidaa waxa tidhi Faa’isa Maxamed Maxamuud oo ka mid ah haweenka xisbiga KULMIYE ee waaxda Axmed Dhagax, xubinna ka ah Guddida Gobolka Hargeysa.

“Waayo, haddaanu UDUB taageerayno horaa nalooga arki lahaayoo dee Shan Xildhibaan (oo KULMIYE ah) lamaanu soo baxneen [doorashadii Golaha Wakiillada],” ayay raacisay.

Waxayna intaas ku dartay oo ay sheegtay in xafladdii lagu qabtay Hotel Dalxiis ee lagu tilmaamay in xisbiga UDUB ku soo dhoweynayo Cismaan Hindi iyo Garab KULMIYE ah oo uu hoggaaminayo, in laga daawaday Telefishanka, isla markaana aan lagu arag qof xil haya ama magac leh oo KULMIYE ah iyo qof taageerayaasha KULMIYE ah oo halkaa joogey.

Canab Ismaaciil, xaflad KULMIYE Oct 30 2007“Nasiib darro, iyagaa [UDUB iyo Xukuumadda] iyagaa is casuumey,” ayay tidhi Faa’isa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Waaxda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, Cabdi-Fawsi oo isaguna ku hadlayey magaca degmadaas ayaa sheegay in degmadiisa oo aad u taageerta Xisbiga KULMIYE aanay jirin cid ka baxday iyo cid meel ka tagtay toonna. Waxana uu sheegay inay tahay been abuur wararka uu faafiyo telefishanka Qaranka oo uu sheegay in loo baahnaa inuu dhexdhexaad noqdo oo uu qaranku wada yeesho, balse uu yahay telefishan UDUB.

Canab Maxamed Ismaaciil oo iyaduna madax ka ah Garabka Haweenka ee Degmada Ibrahim Koodbuur ayaa iyaduna si kulul uga hadashay arrinta Cismaan Hindi iyo xisbiga UDUB.

“Sheekaa soo noqnoqotay uu Cismaan Hindi ku sheeganayo in Garabkii Dhallinyarada iyo kii Haweenka ee xisbiga KULMIYE iyo gobolkii uu dhan uu wato oo uu UDUB geeyey. Arrintaas baanu ka jawaabeynaa oo aanu u adkeysan weyney oo damiirkayagii iyo dadnimadayadii ayaa qaadi waayey,” ayay tidhi Canab oo sheegtay inay ka mid tahay aasaasayaashii xisbiga KULMIYE ee doorashooyinkii dowladaha Hoose.

Waxayna sheegtay in dad aanu aqoon uu dusha ka Koobi gareeyey oo markasta sheeganayo.

“Cismaan waxaan leeyahay wax aad KULMIYE kala tagtayna ma jiro, waxaad UDUB ula tagtayna ma jirto. Waxa la yidhi, Tumaal wuu is bir yaqaan, Bahina way is xoola taqaan, dadkii halkan buu joogaa,” ayay tidhi Canab.

“Waxaanu ku leenahay xisbiga aad u tagtayna been ha ka iibin, ka aad ka tagtayna hadimada ka daa,” ayay raacisay.

Dad ka qaybqaatay xafladda KULMIYE Oct 30 2007Marwo Rooda Jaamac oo iyaduna ku hadleysey afka xaafadda 26ka Juun ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in aanay garanayn si iyo wax ay kaga jawaabto ama lagaga jawaabo beenta iyo dacaayadda Cismaan Hindi iyo xisbiga UDUB.

“Waxaa wanaagsanaan lahayd annagoo maanta indhahooda wax tusna oo maanta ay doorashadii taagan tahay; markaas baa la arki lahaa waxa UDUB iyo Cismaan sheeganayaane,” ayay tidhi Roodo.

Waxayna sheegtay in aanay jirin xaafadooda qof keliya oo UDUB galay.

“Waan yaabanahay, dadkan Cismaan sheeganayo tolow xagguu ka keenay,” ayay tidhi.

Waxayna sheegtay in Cismaan Hindi uu weligiiba UDUB ahaa oo ay ka war hayeen iyagu.

Shiine Maxamed Idiris oo isaguna ku hadlayey afka maamulka, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Balligubadle ayaa sheegay in degmadoodu ay saldhig u ahayd halgankii SNM sidaas darteedna aanay jirin meel dadka reer Balligubadle ay kaga baydhayaan xisbiga KULMIYE oo ay hoggaaminayaan halgamayaashii SNM. Waxana uu ku tilmaamay Cismaan Hindi munaafaq xisbiga kula dhexjirey tashuush, isaga oo xusay in marka ay xubnaha iyo laamaha gobolku u yimaaddaan uu niyadjebin jirey.

“Cismaan Hindi waa masiibo inaga tagtaye, alxamdu lillaahi dhaha. Cidda kale ee uu u tegeyna waxaan leeyahay waa nin jinac jeebadda ku ritey, kolba dhinac uun buu ka qaniini,” ayuu yidhi Shiine.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdillaahi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xafladdani ay tahay dhoolla-tus gobolka Hargeysa ku muujinayo in aanay jirin cid ku biirtay UDUB oo ka baxday. Waxana uu ku tilmaamay dacaayadaha Cismaan Hindi iyo UDUB kuwo musuqmaasuq iyo been abuur ah.

Waxa uu ku eedeeyey xukuumadda in xaaladda Laascaanood iyo gobolka Sool ay mudnaanta ka siisay Cismaan Hindi, taas oo muujinaysa ayuu yidhi in gobolkaas dhan uu ka miisaan weyn yahay Cismaan Hindi.

Xafladdaas waxaa kadib hadalo dhinacyo badan leh dadka uga jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo xubno kale oo ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008