Xadhigga Siyaasadeed ee Madaxda qaran, wuxuu qinaaca ka faydey, Cadow qarsoonaa
Somaliland Halgankii ay gashay ee ay kula soo noqotey
qarannimaddeda, umay gelin in ay awood sheegasho,
xasuuq iyo barakicin ay u geysato bulsho rayid ah oo
la deggan , ama Caddaalad darro, daryeel la’aan iyo
dayac dal iyo dadba, ee wuxuu ahaa halgan xaq loo
dagaallamay si ummadda Somaliland oo aan kala sooc
lahayni ugu noolaato cissi iyo karaamo, loo sinnaado
dhib iyo dheefba Dalka midhihiisa iyo
Mashaakilkiisaba.
Waxa aannu ka duuleyney aragti awoodahayga Cilmi iyo
dhaqaaleba ee Bulshada iyo Dalka hantidiisu noo
goynayaan oo aanu qorshe qarameed muddeysan oo
marxaladeysan leh, iyada oo uu ku talagalkayagu ahaa,
Deeqda Alle ka sokow, Hantida Dalkayaga aannu kala soo
baxaynno annaga oo ka faa’iideysaneyna una
faa’iideynana Bulshada xorta ah ee Somaliland. Dalkan
khayraadka ku jiraa ka badan Saddex Dal oo Somaliland
leeg haddii la helo shuruuc wax ku ool ah, aqoon
hagta, iyo Dawlad qawmiyadnimo ku shaqeyneysa.
Habeen muu jirin, ninka isleh, jaahwareerin, Xeelad
iyo Siyaasado qarsoon, is-bahaysi kooxeed iyo isku-dir
ama kala fogeyn beeleed ayaad ka kallumeysan kartaa oo
aad ku wiiqi karaysaa , midhihii Halganka qadhaadh loo
soo maray ee intii Ummaddan ugu qalisaneyd u hurtay
naftooda!!. Durbaan been ah , Dawladnimo magac ah oo
Distoorkeeda jeebka lagu qaato, marka la doonana
lagala soo baxo, Ciidammo qaran oo maleeshiyo ah si ay
nin qudha sax iyo qaladba uga amar qaataan, oo Darajo
iyo Jaranjaradii hoggaameed ee Ciidan looga dhaartey
si aan xilka iyo Hawlgallada Ciidammadan
Mas’uuliyaddooda loogu xisaabtamin, iyana aanay ku
helin xuquuqda Ciidan ee ay leeyihiin, Caddaalad iyo
shuruucda oo lagu kala socdaana u jiri, maaha wax
qarsoon ee rekoodhada taariikhda ayey gashay.
Sidii Abgaalkii ayaanu lix iyo toban Sannadood, annaga
oo Cid walba ka xoghayn badan haddana dhalamaashka rag
Mas’uuliin isu haysta dhegeysaneynay oo aanu lahayn ”
Fariid “!!. Mas’uul Muwaaddinnimo wiqiyad ahi ku
jirtaa, kumuu xidheen Mujaahidiinta Aqoonyahanka
qaranka ee Urur Siyaasadeedka qaran, khilaaf
Distooriya oo ay Maxkamaddii Distooriga ahayd u joogto
si ay iyadu qaraar uga gaadho!! Mas’uul Muwaadin ahi
kama gam’een in Dalka uu Mas’uulka ka yahay Idaacad
qaran yeelan waayo oo Muwaadiniintu meel kastaba ka
dhegeysato , kalanna soocoto geeddi socodka
Siyaasadeed ee Dalkooda!! Mas’uul Muwaadin ahi ma
aqbaleen in lacagta Dal cadow ahi ka socoto Gobollo uu
sheeganayo in uu Mas’uul ka yahay, hantida qaranka uu
Mas’uulka yahayna sharci darro lagu gurto!!
Dawlad lixdanka kor u dhaaftey oo aan Dawladaha
dhaqaalaha lihiba samaysan, dhismaha dal imika la
yabyabayo loogu dhisay, ninkii aqoon leh ku filan in
uu fahmo ujeeddada qallocan ee dhqaale duminta,
Aqoonsi horjoogsiga iyo weliba in Dawladaha Caalamku
ay wax ka qoraan Maamul aan cagahaba isku taagan oo
Golihiisa wasaradu , lixdan kor u dhaafay!! Gaaladu
intey garbaha gundhiso ayuunbay odhan” You must be a
very rich country then!!”. Caddaaladdan heehaabeysa,
Musuqa qanjaha dhaafey ee Sariibadihii Caasimadda,
Bakhaarradii inji, daarihii Dawladda , Gaadiidkii
qaranka, dhul iyo hantidiiba lagu talax tegey, si aan
loo garanna , hantidhawr wax ku ool ah iyo shuruucdii
dhaqaale muujineed, midna u jirin, wax qarsoon iyaguna
maaha!!
Takoorista Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool ee
Maamul, si aan Dakhli uga soo xeroon, Maamul
beeleedyona ay u ahaadaan oo si dadban uwiiqeysa
qarannimadu , iyana waa wax muuqda oo aan u baahneyn
bayaamin!! Dagaalkan aan lagala tashan Hay’adihii ay
ahayd Maamulku in uu kala tashado, qorshe la’aanta iyo
farsamo xumida muuqata, ee iyada oo mushkiladda
Dalkuna tahay Garoowe, Laas Caanood oo Waddanka ah
aynu ku meeraysaneynno, Xil-ku-kordhiso ku khamaarka
arwaaxda Ciidanka iyo Muwaadiniinta noqon mayso.
Caddaaladda ay heliwaayeen Madaxda qaran, iskaba daa
abaalka ay Ummadda iyo Dalkaba ku lahaayeenoo, Waxtar
iyo Maamul inaan cidina ka sugeyn , wax laga
rumeysanayo iyo wax laga qorayaa midna jirin, iyana
maaha mid qarsoon oo bandhiggii t/vga Madaxa Bannaan
ee Somaliland hotel Mansoor ku soo bandhigey, UDUBna
fadhidey ayaa innagaga filan.
Afweyne in uu weli muwaadin ah oo ummadda bedbaadiyey
ayuu isu haystey , isaga oo xasuuqay shicib ,
culimaa’uddiin , baabi’iyeyna qaran Da’ weynaa!!
Maamulka Somalilandna in dib loo doorto ama ay xeelad
dagaal ku haystaan xukunka ayey isku qancinayaan in ay
la hadheen Dalkan, majaro habaabiyeen Geeddi Socodkii
Siyaasadeed, Maaruuqeen Distoorka iyo shuruucdii,
Maxkamaddii Degdegga ahayd ee Geelle oo kale ka
shaqeyso, Nidaamkii iyo haybaddii qarannimona ay
daboolka saareen isuma arkaan!!! Maanta waa la
xisaabtamayaa, haddii ay shalay awood aannu annagu
siinnay, waxan oo gaf ah ay annaga nagula kaceen, wuu
ka dhammaaday waqtigii , looxooda marka ay
akhrisataanna , T/vga Hargeysa wuu uga naxariistey
inuu u sheego, nisbadda kooxdan ka diiddan bulshadu
inta ay tahay !!
Waa go’aan Ummaddeed inaan Riyaale iyo Kooxdiisan
riyadu dib u soo noqon lagulana xisaabtamo xilkii loo
igmadey, oo ka muteystana la abaal mariyo. kii ku
gafeyna la anshax mariyo. Siyaasi is-mooddadu waqtigii
ay baran lahaayeen weeye in Dawladnimada Dhabta ahi ay
tahay Muwaadiniinta ee aanay ahayn kuwa loo igmado in
ay shicibka u khidmeeyaan isuna boga, sida Guurtida
is-dooratey iyadu, xilkana isu jadiidisay !!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.
Hargeysa

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde